Andre Villas-Boas Oo Xiiseynaya Inuu Noqdo Tababaraha Cusub Ee Kooxda Tottenham. | Laacib.net
Home » Horyaalada » England » Andre Villas-Boas Oo Xiiseynaya Inuu Noqdo Tababaraha Cusub Ee Kooxda Tottenham.

Andre Villas-Boas Oo Xiiseynaya Inuu Noqdo Tababaraha Cusub Ee Kooxda Tottenham.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 16-06-12 2:00 PM

Sida ay ogaatay Sky Sports Andre Villas Boas ayaa xiiseynaya inuu noqdo tababaraha cusub ee kooxda Tottenham, lakiin waxaa sidoo kale la dareensan yahay inuusan jirin wadahadal rasmi ah oo u dhaxeeya labada dhinac.

Villas-Boas ayaa u soo muuqday ninka ugu cadcad shaqada White Hart Lane ka dib markii Harry Redknapp la ceyriyay todobaadkan.

Waxa uu heystaa AVB qibrad dhanka Priemeir League ah madaama uu tababare u ahaa Chelsea xilli ciyaareedkii hore, lakiin laga ceyriyay kooxda bishii March.

34 jirkaan ayaa markaasi wixii ka danbeeyay sheegay inuu doonayo inuu ku soo laabto masraxa tababarenimada.

Waxaana la fahamsan yahay inuu ka fiirsanayo shaqada Spurs, inkastoo weli aysan dhici wadahadalo rasmi ah.

Sidoo kale waxaa shaqada Tottenham lala xiriiriyay David Moyes, Roberto Martinez, Fabio Capello iyo Jurgen Klinsmann.

10 Responses to Andre Villas-Boas Oo Xiiseynaya Inuu Noqdo Tababaraha Cusub Ee Kooxda Tottenham.

  1. Nani Reply

    17-June-2012 at 8:52 am

    Chalsi kamagso ee imaaw totenhaam

  2. abdi rahman balen Reply

    16-June-2012 at 9:05 pm

    avb wlcme to white hart lane si aan kugu tashano dhibcahaada waa mcln ku wngsn inuu dhibcaha ku siiyo dhib la’aan maxaa dhib galinaayo waa yaabe! Khkhkhkhkh viva avb viva arsenal

  3. Juan mata Reply

    16-June-2012 at 8:44 pm

    Wa tababara wanag san villas boas

  4. Madar adan Reply

    16-June-2012 at 6:59 pm

    Ninkan anigu macalin uma arko waxana kafcn in adibayor lagadhigo macalin

  5. zaki qanciye spaina boi Reply

    16-June-2012 at 3:22 pm

    War han0 iman e naga j0g meshada

  6. maxamuud maxamad Reply

    16-June-2012 at 3:10 pm

    kkkkkkkk hayaay war iska ilaalsha waa kii ladagay jalsi yoow idinla dagan

  7. Chicharito14 Reply

    16-June-2012 at 2:46 pm

    Markan ayay tottenham udhamatay moyes&martinez aya goo heli kara damiinkas ha kenina white hart lane hadii kale division2 ayuu gaynaya

  8. Honest cadde Reply

    16-June-2012 at 2:38 pm

    War marka chalsea shegeysan ma kubad ayey ciyarta chels how ayey dhesha marka mcalin qibrad le kuma fcno chels lknse spurs.ka kubad wngsan ayey ciyarta

  9. Mr c.wanii lafole Reply

    16-June-2012 at 2:20 pm

    Warmarkay totanham adi layd sb wayo kas asago wato esein drobga lambar iwm ayu chalsea uwodi wayay inu horyal ka kulatartamo arsenal manutd mancty o an ku awod dhamay kas taba bare mahan

  10. cukaashi Reply

    16-June-2012 at 2:08 pm

    kkkkkkkkkkkkkk kan waa kii chalsea sea b ku celin rabay yaa rabo

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>