
France ayaa wax saameyn ah aysan ku yeelan roob xoogan oo mar sii horeysay ciyaarta hakiyay waxaana ay labo gool iyo waxba ku dubteen xulka dhinac ka martigelina koobka Euro 2012 ee Ukraine.
Xulka Laurent Blanc ayaa labo gooldhaliyay seddex daqiiqo gudaheed qeybtii labaad ee ciyaarta, waxaana ay goolashaas uga mahadcelinayaan Jeremy Menez iyo Yohan Cabaye, iyadoo ciyaartaan ay hakad ku jirtay muddo 55 daqiiqo ah.
Ciyaartoyda ayaa garoonka laga saaray ka dib shan daqiiqo markii ay ciyaarta socotay markaasoo onkod, hilaac iyo roob xoogan uu qabsaday garoonka, lakiin mar ciyaarta dib loo bilaabay xaalada garoonka waxa ay aheyd mid wanaagsan, waxaana goolhayaha Ukraine Andriy Pyatov uu ahaa qaabkiisii ugu fiicnaa isagoo badbaadiyay fursado badan oo isku xiga oo ay France heshay.

Lakiin waxaa daqiiqadii 53aad laga dhaliyay goolka koowaad markii Karim Benzema uu kubad u dhiibay Menez kaasoo isna shabaqa ku hubsaday, isla Benzema ayaana goolkii labaad ka soo shaqeeyay oo uu dhaliyay Yohan Cabaye kaasoo ay u aheyd goolkiisii ugu horeeyay ee France.
Cabaye ayaa sidoo kale kubad birta ku dhuftay, iyadoo xulka France oo kubada si iican isagu dhiidhiibayay ay aamusiyeen taageerayaashi martida loo ahaa, waxaana guushaaan ay ka dhigeysaa inay Group C ku hayaan 4 dhibcood, waxaana ay hal dhibic ka sareeyaan Ukraine kuwasoo kulankoodii ugu horeeyay 2-1 kaga badiyay Sweden.
England oo barbaro 1-1 ah la gashay France kulankeedii ugu horeeyay ee Group-ka ayaa haatan la ciyaareysa xulka Sweden.
ibraahim bidayee cabdu lahi
19-June-2012 at 9:21 am
Kkkkkkkkk waxa ku kuu leeysan fanrce
fiyoore
16-June-2012 at 7:08 pm
wa in ay badisa waana ku farahsanahey maarha alahh
Taageere spain iyo barcelona
16-June-2012 at 2:30 am
Asc bahda sportska meelkasta ay joogaan salaan kadib.sxbyaal markaan fikradayda kahadlo 98% waxaa iskaleh koobkan spain 2%kiina waxaa iskaleh Garmany. waana mahad santihiin
raamka
16-June-2012 at 12:09 am
faransa waa ku guulesanaayaa wax hor istaagi karaa malan viva fransa bensami ribari nasri ma fila aluu diyaara maluuda garood kabaya minralis maksis waa xul cajib
raamka
16-June-2012 at 12:04 am
asc bahda isportska waa idin salaamay iyo wargeeska laacib waxaa meeshaan kucad faransa iney tahay xulaka koobka ku guuleesankaro ayagoo aad isugu xiran kubad fiican soo bandhigay waana xulka weerkiisa xoogan yahay wuuna uqalmaa inuu koobka kuguuleesto waxa hada kabacdi dhacaayana alaa waclan
ilaahbaa garando
ona
raamka
16-June-2012 at 12:04 am
asc bahda isportska waa idin salaamay iyo wargeeska laacib waxaa meeshaan kucad faransa iney tahay xulaka koobka ku guuleesankaro ayagoo aad isugu xiran kubad fiican soo bandhigay waana xulka weerkiisa xoogan yahay wuuna uqalmaa inuu koobka kuguuleesto waxa hada kabacdi dhacaayana alaa waclan
ilaahbaa garando
ona
raamka
16-June-2012 at 12:02 am
asc bahda isportska waa idin salaamay iyo wargeeska laacib waxaa meeshaan kucad faransa iney tahay xulaka koobka ku guuleesankaro ayagoo aad isugu xiran kubad fiican soo bandhigay waana xulka weerkiisa xoogan yahay wuuna uqalmaa inuu koobka kuguuleesto waxa hada kabacdi dhacaayana alaa waclan
ilaahbaa garandoona
Calinur
15-June-2012 at 11:59 pm
Asc xulka france caadi uga cabso koobka xulka ingiriska caawa si tacbaan ayu ku badiyay xulka swedan wuxu noqday xulkii ugu horeyay oo haro
Tageere liverpool daadir cade kabtanka sare
15-June-2012 at 10:57 pm
Waaw xidigaha da,da yar ee france caadi maaha caawa kubad fican ayey soo bandhigeen euro lagama xigo waxey ka midyihiin kooxaha ugu cad cad caaadi maaaha da,yarta france viiiva samir nasri viiva yohan cabaye viiva jermy menes kkkk viiiva liors
Kayse
15-June-2012 at 10:45 pm
FORGET THE CUP FRANCE
[LONDON OR BARLIN]
Kornelka inter
15-June-2012 at 10:33 pm
Englan 1 gool ayey leedahay a carrol ayana u dhaliyey
Muqtar
15-June-2012 at 10:31 pm
Waxan ku faraxsanahay badiska ay badiyen koxda franca
Dhi dha
15-June-2012 at 10:16 pm
Hahahahaha wanfilay ay cawa inay waxn dhacayan france ayadolaga badanin ayay cup kan qadayan viva banzima&nasri