Marco van Basten: Barcelona Ayaa Ah Kooxdii Ugu Fiicneyd Ee Soo Marta Taariikhda Kubada Cagta. | Laacib.net
Home » Horyaalada » Spain » Marco van Basten: Barcelona Ayaa Ah Kooxdii Ugu Fiicneyd Ee Soo Marta Taariikhda Kubada Cagta.

Marco van Basten: Barcelona Ayaa Ah Kooxdii Ugu Fiicneyd Ee Soo Marta Taariikhda Kubada Cagta.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 14-06-12 2:26 PM

Halyeeyga Netherlands Marco van Basten ayaa aaminsan in kooxda Pep Guardiola ee Barcelona ee afartii sanno ee ugu danbeysay inay ka sareyso kooxdii Arrigo Sacchi ee AC Milan ee dhamaadkii 80meeyadii iyo bilowgii 90maadkii.

Intii uu Sacchi hayay kooxda Rossoneri waxa ay caan ku noqotay kubad cajiib ah, iyadoo qaaday labo koob oo isku xiga oo Champions League ah, waana kooxdii ugu danbeysay ee sidaasi sameysa.

Si kastaba, ninka reer Holland ayaa feker ahaan qaba in kooxda Camp Nou inay dhaaftay kooxda Milan ee waa adduunka kubad qurxoon ku qabsatay, islamarkaana uu isaga laf ahaantiisa qeyb ka ahaa.

“Waa wax aad u fudud” ayuu u sheegay jariirada Faransiiska ee L’Equipe. “Barca ayaa ah kooxda ugu fiican taariikhda. Si fudud soo qaado dhamaan kooxihii ugu fiicnaa tariikhda islamarkaana barbardhig natiijooyinkooda. Xitaa anaga ma aanan helin natiijooyinkaas”.

“Awoodooda waa inay yihiin xirfadlayaal. Waxa ay ku nool yihiin kubada cagta, waana waxa dhiirageliya, kaliya magac uma joogaan”.

“Ruud Gullit waxa uu ahaa ciyaaryahan aad u fiican lakiin sidoo kale waxa uu ahaa xiddig. Xavi waa ciyaaryahan aad u fiican, lakiin taas waxaa u sii dheer waxa uu jecel yahay inuu qoyskiisa la joogo. Messi iyo Iniesta iyagana waa la mid”.

“Malaha qofka kaliya ee jecel in laga hadhadlo waa Gerard Pique. Dhamaan inta kale waxa xiiso gelinaya waa shaqadooda ciyaaryahan ahaan”.

Iyadoo Guardiola uu ku dhawaaqay inuu ka tagay Camp Nopu, waxaana haatan bedelaya Tito Vilanova.

20 Responses to Marco van Basten: Barcelona Ayaa Ah Kooxdii Ugu Fiicneyd Ee Soo Marta Taariikhda Kubada Cagta.

  1. Badriyo Reply

    15-June-2012 at 1:27 am

    Waah waah warkasa ikaraa barca amaan waka dhantahay lacib hore iyo mid hada jogaba way qiren barca inay tahay team of da history visca el barcaaaaaa

  2. M S D Q Reply

    14-June-2012 at 11:35 pm

    ok everyone can believe this. barca is the team of the history

  3. _________arab Reply

    14-June-2012 at 8:00 pm

    meeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeh real madrid 9 kii champions leaguegii eey qaadeeen iyo 7 badii ac milan
    kooxda hadda la faaninayo kaliya 4 champions league ayey qaadeen marka maxay dheertahay kooxaha heesta intaas oo kobab ah
    adeerayaal mbaahsha marka haka badina

  4. Jeekey barado Reply

    14-June-2012 at 7:51 pm

    Waa sax barca waa kooxda ugu wngs aduunka dhanka kubada cagta iyo waliba ciyaartoy haddii ladhaho vive fabregas and messi

  5. LAMIIZ Reply

    14-June-2012 at 5:00 pm

    ASC WAA RUN Marco van Basten hadal kii wuxuuna arkay wax kayaabiya

  6. saahil Reply

    14-June-2012 at 4:59 pm

    marco waa ciyaaryahay caan ah runti ciyaryahan haduu caaqil yahayna ma xaqirayo koox kooxdisana ma amaanayo van basten waxuu dhaliyay goolal caalamka lala yaabay qofkii fiirsaday marka barca waa xiligeda lkn wax walbo xili ayay leeyihin

  7. LAMIIZ Reply

    14-June-2012 at 4:50 pm

    ASC WAN WADA SALAMAY DHAMAAN RER barcelona iyo bahda webka ee laacib.net mida kale waxa weeye Marco van Basten waa laacib hore ee so ceyaari jirya kubada cakta ee adunka imikana kafadhiya dad badan baa jecel in ay sida barcelona u ceyaareysa in ay u ceyaaran lkn wey keeni wayen marka Marco van Basten wax yaabahaa buu arkay mis nah runta ayuu kashegay kubada cakta ee imika lawada ceyaaraya in ay ugu wanaagsan tahay FC BARCELONA iyo kuwa u ceyaara ee uu kamidyahay caalibka aduunka ee yariisow kkkkkkkkkkkkkkkkkk waa LEO

  8. Yaaaaaaaaaaabka Reply

    14-June-2012 at 4:49 pm

    Waaaaaaaaaa sax waxgarad ayad tahay real maqusaneso miyaa

  9. Yahye Reply

    14-June-2012 at 4:43 pm

    Taas waa run barcelona is best team histry of football

  10. abdulkadir Reply

    14-June-2012 at 4:03 pm

    barcelona aduunyo kale ayee katimid marka yala xakhirin kubadeda manta ciyaartowdi calamka ugu ficned ayee hesataa marka ……real madrid …sidan manoqon karto ilaa aduunyo kale lageeyo ..mourinho ayaa sida yiri 4ever my blood barca

  11. mohamed Reply

    14-June-2012 at 3:59 pm

    runtii layskama indho tiri karo awooda barca ee afartii sano ee la soo dhaafay,runtii wax qiimayntu kuma xidhna kooxda aa taagerto waa inaad runta ka hadasho anigu waxan tageraa man utd hadan waxan qirayaa awooda barca

  12. bkr owesome Reply

    14-June-2012 at 3:56 pm

    Taas mid iska cad oo aanan muran kujirin best team in the world all time

  13. Raul Reply

    14-June-2012 at 3:42 pm

    War wa beentis kooxda aduunka wa lawadayaqna viva real and zidane

  14. Mo. Messi mahadaay weyne Reply

    14-June-2012 at 3:33 pm

    Kakakakakakakakakak
    hahahahahahahahaha
    i gada xax
    warkas hadi an maqlo
    ya dod kaqbo warxata kunsano yagarayo herka ey barce gartay
    kakakakak
    forca barca
    forca pep
    forca tito
    forca messi and xavi and iniesta
    i love u so much,
    asxbta by all of u,

  15. Mantaan mahadaay weyn Reply

    14-June-2012 at 3:26 pm

    Kakakakakakakakakak
    hahahahahahahahah
    madod aya katagan taa
    war kunsano xata lama arkayo nadi garaya barce
    marka asxbey wa codsi kadaya faniska badan hadi kale wan oynaya
    kakakakakak
    intas waxa i ga kenay jeclka an u qabo barcelona.
    Viva asxbta dhaman inta jecel barca
    forca barca
    forca pep
    forca tito
    forca messi and xavi and all barcelona players

  16. Barre.buurfulle Reply

    14-June-2012 at 3:20 pm

    Wa saax taas

  17. Homey-baraawe Reply

    14-June-2012 at 3:10 pm

    Taas yaa ogeen oo rabo in losheego barca ineey tahay naadiga dunida ugu wanagsan labaadna waa ac milan o ahaan jirtay viva hoomey cade

  18. xudeyfa syl Reply

    14-June-2012 at 3:06 pm

    yes wa sax wa nadigi adunka ugu fcna e kubda cagta so marta wad aragten sida dadka sports ya qana ugu hadlen mucjisa brca

  19. yung-zac Reply

    14-June-2012 at 2:57 pm

    Yeh iz ryt

  20. Yaska Reply

    14-June-2012 at 2:38 pm

    Taaas maaha mid muran ku jirro qof kasta oo leh caqli wuu garan karaa hadaanu sida muriniyo aanu waalnayn

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>