Guushii Mario Gomez Uu Ku Hogaamiyay Jarmalka Oo Qarka U Saartay Holland Inay Harto. | Laacib.net
Home » Europa League » Guushii Mario Gomez Uu Ku Hogaamiyay Jarmalka Oo Qarka U Saartay Holland Inay Harto.

Guushii Mario Gomez Uu Ku Hogaamiyay Jarmalka Oo Qarka U Saartay Holland Inay Harto.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 14-06-12 5:58 AM

Mario Gomez ayaa dhaliyay labo gool ciyaar xiiso leh oo ka dhacday Kharkiv, iyadoo Germany ay 2-1 ku garaaceen xulka Dutch, natiijo keentay inay Holland ay qarka u fuusho inay albaabka ka baxdo.

Weeraryahanka Bayern Munich Gomez ayaa labo gool oo qatar ah u saxiixay Germany daqiiqadihii 24aad iyo 38aad isagoo caawinaad fiican ka helay Bastian Schweinsteiger, waxaana haatan Gomez uu goolashiisa Euro 2012 ka dhigtay seddex gool madaama uu Portugal sidoo kale ka soo dhaliyay goolkii guusha.

Robin van Persie ayaa gool u soo celiyay Netherlands daqiiqadii 73aad ee ciyaarta, waxaana Holland ay haatan qarka u saaran tahay inay ka dhacdo Euro 2012, iyadoo kulankeeda ugu danbeeya ay la ciyaari doonto Portugal, waxaana dad badan la yaab ku ah xaalada Holland ay ku jirto iyadoo labo sanno ka hor finalka koobka adduunka la ciyaartay Spain.

Netherlands ayaa u baahnaan doonta inay farqi labo gool oo nadiif ah kaga badiyaan Portugal, islamarkaana ay rajeyaan in Germany ay garaacdo Denmark si ay u gaaraan wareega 8da, halka Germany ay ugu yaraan hal dhibic uga baahan kulanka Denmark si ay si rasmi ah ugu xaqiijistaan booskooda wareega 8da Euro 2012.

Germany ayaa sida kaliya ay ku hari karto waxa ay tahay inay guuldarro ka soo gaarto Denmark, islamarkaana Portugal ay ka badiso Netherlands, markaas waxaa lagu kala bixi doonaa kulamada waji ka wajiga ah ee la iska horyimid.

Iyadoo Germany ay leedahay lix dhibcood, islamarkaana Denmark iyo Portugal ay leeyihiin min seddex dhibcood, Netherlands waxba ma lahan, lakiin sidaasi oo ay tahay kooxna kama soo bixin weli Group B kooxna kama harin weli.

25 Responses to Guushii Mario Gomez Uu Ku Hogaamiyay Jarmalka Oo Qarka U Saartay Holland Inay Harto.

  1. cali baashi Reply

    15-June-2012 at 5:01 pm

    garmeny

  2. i.sulub Reply

    15-June-2012 at 1:11 pm

    war duth already wey u dhamaatey, haka daba oo nina yakhe , xasuuq aa kadhacey, yaa salaama , germany waa la xubaa finalyka wuu tagaa, sida caadada u ahaan jirtey, lkn lama oga inuu qaadaayo cupka, reer hitler waxaay soo xasuusteen siday dadka u leyjireen, ,,kkkkkk

  3. cabdiraxaman Reply

    14-June-2012 at 7:58 pm

    waya soobixi doontaa ninkii diidayooo 3.0 ayaan kusoobadi wanaa la arkii doonaaa koobkana iyada ayaa iskaleh

  4. Maxamed subane Reply

    14-June-2012 at 3:54 pm

    Stekelenburg mathijsen heitinga v.d.wiel de jong v.d.v. Sneijder afellay kuyt v.persie mxa udiiday sdn?

  5. Maxamed subane Reply

    14-June-2012 at 3:52 pm

    Ascww aaway taageerayaasha dutchka mxa idinku dhcy waa hubaal inaan soo bixi doonno marka 3points and 3goals ayn kuso bixi doonnaa hdn harnana maa caleesh lkn niyada ku haaya inaan soo bixi doonno viva orange

  6. asad Reply

    14-June-2012 at 2:13 pm

    Nederlands ciyaartooydi madowga ahayd ayay naceen abaalkod????????

  7. dynamic xeeb Reply

    14-June-2012 at 12:24 pm

    vivi xidiga aduunka goorkasta iyo koobkasta (cr7) bye bye holand with out one point and one goal only

  8. afka korutage Reply

    14-June-2012 at 12:15 pm

    Ithink Germany vs portugal aya Group B kaso baxayo

  9. Quman Reply

    14-June-2012 at 11:17 am

    asc,,aad ayaan ugu faraxsanay guushii xalay,, waxaan rajaynaa in ay si wacan groupka dhimashada u hogaamin doonaan germany, iyadooba hada hogaanka u haysa sida muuqatana uma daahi doonaan Danishka waa insha allah,, Viva germny,,Viva Ozil, Khadira, Gomes and klose.

  10. ahmed Reply

    14-June-2012 at 11:17 am

    bastain yaa udhigma?

  11. casayr Reply

    14-June-2012 at 10:54 am

    yaa waxaa kuugu sheekeeyey ma hoooyo

  12. mr.jecelow Reply

    14-June-2012 at 9:43 am

    wan kaxumahay guuldarada ku dhacday holland lkn waxa ay ku barbaran doonan portugal oo ay uga badin doonaan 4 iyo 0 waxana rajeynaa iney soo bixi doonaan

  13. Prince bulbul yare Reply

    14-June-2012 at 9:33 am

    Kacabso Bastian shweinstiger AAAAAAHE KU DARNA mario gomes & sami khadira & mezut ozil

  14. CABDIQADIR Reply

    14-June-2012 at 9:17 am

    GERMANY WAXAY SII DEYNAYSAA XULKA DENMARK
    HOLLAND CEEBTA WAXAY ISKAGA BAABINAYSAA PORTUGAL OO AY KA BADIYAAN
    CROATIA CAAWA AYEY TALYAANIGA KA BADINAYSAA
    XULKA ENGLAND WAREEGA HORE AYUU KU SOO HADHAYAA OO SWEDEN AYAA DUBANAYSA
    GERMANY, SPAIN, FRANCE SADDEXDAAS XUL WAA INUU MIDKOOD QAADO KOOBKA QARAMADA YURUB
    WAA SIDA AY SADAASHAYDU TAHAY

  15. Saleban deeq Reply

    14-June-2012 at 9:07 am

    Viv spain horyalka aduunka iyo kan yurub iyada hadane qadaneyso

  16. maxamed axmed colaad dhicisow Reply

    14-June-2012 at 8:50 am

    waxan leyahay waxaa ka sobaxaaya group B portugal iyo germany maxaa yelay holland malahan wax difaac ah malahan

  17. Ballack'13 Reply

    14-June-2012 at 8:38 am

    Superrrr Mario Gomeeeez One Of The Best Players.
    Viva Germany

  18. Da gea Reply

    14-June-2012 at 7:58 am

    Purtugal 4 holandi 2

  19. Bash kash Reply

    14-June-2012 at 7:48 am

    K.k.k.k.k.k.k.k.k. DUTCH ka mac mac hara waaba idin nacaye Viva azuri ama Fifa italia

  20. miney Reply

    14-June-2012 at 7:42 am

    by holan kkkkkkkkkkkkkkkkkk fanka ma wanagsano kubada ayadoon bilaaban ayey faanen kkkkkkkkkkkkkkk albaaka meshuu kuyaallo ayaa si wacan waxaa utidoono c.rolando

  21. ___________arab Reply

    14-June-2012 at 7:13 am

    farxad ¦¦¦¦¦¦¦¦¦¦¦¦¦¦¦¦¦¦

  22. Maxamed rooney Reply

    14-June-2012 at 6:44 am

    Hollan waxee ka liitadata dhanka difaaca waxaan u hanbalynaa tageerayasha germany meel kasto ey joogaan waa qaboojiye axmed

  23. asad .gesey Reply

    14-June-2012 at 6:31 am

    netherland cuqubada dadka somalida ah aya heysata. Malin waliba waxay ugu caga juglenayan . Wan idin masafurineynaa .

  24. Aragti wacan Reply

    14-June-2012 at 6:22 am

    Teamka netharland waxa hesato cuqabad maxa yelay meel ay ka lidato teamka rer dutch wa lala’yahay iska hara rer holand

  25. Chicharito14 Reply

    14-June-2012 at 6:05 am

    Viva germany lkn xalay inay netherlands so badiso ayan rabey groupka qatar ayu ahan laha

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>