Home » Horyaalada » England » Michael Laudrup Oo Ku Jira Macalinmiinta Dhowr Ah Oo Lala Xiriirinayo Kooxda Swansea City.

Michael Laudrup Oo Ku Jira Macalinmiinta Dhowr Ah Oo Lala Xiriirinayo Kooxda Swansea City.

Waxaa Qoray:

Taariikh: 13-June-2012

Wargeyska Sky Sports ayaa ogaaday in halyeygii hore ee kooxaha Barcelona iyo Real Madrid Michael Laudrup uu ku dhow yahay in loo magacaabo macalinka cusub ee kooxda Swansea City.

47 jirkaani ayaana hugaanka u haya inuu ku fariisto kursiga uu baneeyey Brendan Rodgers,kasoo ka tegay Liberty Stadium horaantii bishii June isagoona ku biiray kooxda Liverpool.

Kooxda Swansea ayaa isha ku heysay dhowr macalin,iyadoo lala xiriiriyey caawiyaha macalinka Wigan Graeme Jones, laakiin wadahadaladii ayaa burburay iyagoona raadinaya macalin cusub.

Gudoomiyaha kooxda Swansea city Huw Jenkins ayaana sii amba qaaday raadintiisa ku aadan ninkii bedeli lahaa Rodgers,isagoona isha ku haya tababarayaal ay ka mid yihiin Tababaraha Blackpool Ian Holloway, iyo kan Brighton Gus Poyet.

Waxaana sidoo kale ka mid ah difaacii hore ee dalka France Marcel Desailly, laakiin ciyaaryahankii hore ee Chelsea ayaa hoos u dhigay ku dhawaanshiyihiisa kooxda. Laudrup ayaa hadda u muuqda ninka ay Swansea doneyso.

Wadadadalada ayaana ka bilaanban doona Dane,iyadoo tababarihii hore ee kooxaha Getafe iyo Mallorca uu balan qaaday inuu arintaan ka hadli doono dhamaadka isbuuca.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fekradood ayaa laga bixiyay.