Liverpool Oo Saxiixa Salomon Kalou Kula Tartameysa Kooxda Schalke 04. | Laacib.net
Home » Africa » Liverpool Oo Saxiixa Salomon Kalou Kula Tartameysa Kooxda Schalke 04.

Liverpool Oo Saxiixa Salomon Kalou Kula Tartameysa Kooxda Schalke 04.

Waxaa Qoray: Hanna Ibraahim
Twitter: Taariikh: 13-06-12 12:04 PM

Macalinka kooxda Schalke Huub Stevens ayaa qiray in kooxdiisu loolan adag oo ku aadan saxiixa ciyaaryahanka garabka uga ciyaara kooxda Chelsea Salomon Kalou ay kala kulmeyso kooxo ay ka mid tahay Liverpool.

Waxuuna maanka ku hayaa in Salomon Kalou uu doorbidi doono kasoo dhaqaaqitaanka England isagoona rumeysan in kooxdiisa Schalke 04 ay ugu cadcadahay saxiixa ciyaaryahanka.  Si kastaba macalinka reer Holland ayaa og in kooxda reer Merseyside ay xiiso u qabto Kalou, sida ay ogaatay shabakadda goal.com ku dhowaad laba bilood ka hor.

“Kalou waa ciyaaryahan xor ah xagaaga. Waana wax iska cad,”ayuu u sheegay Daily Mirror.

“Waxaa jira kooxo badan oo kale oo baacsanaya ciyaaryahanka, tusaale ahaan Liverpool.

“Laakiin Waan ogahay xaqiiqda ah inuu doonayo inuu kasoo dhaqaaqo England. Tani waxay noqon kartaa fursadeena.”

26 jirkaani ayaa si xor ah uga dhaqaaqi doona Chelsea dhamaadka xilli ciyaareedka ka dib markii uu Chelsea la qaaday FA Cup iyo Champions League isagoo ka hoos shaqeynaya macalinka ku meel gaar ka ah ee Roberto Di Matteo.

Si kastaba ha ahaatee kooxda Blues ayaanan go’aansan inay qandaraaska u cusbooneysiiyaan Kalou. Iyadoo ninka reer Ivory Coast uu si xor ah ugu biiri karo koox kale.

Tababaraha cusub ee kooxda Reds Brendan Rodgers ayaana dareensan in Kalou uu ka ciyaarsiin karo garabka midig ka dib markii ciyaaryahankoodii Dirk Kuyt uu ku biiray kooxda reer Turki ee  Fenerbache.

 

7 Responses to Liverpool Oo Saxiixa Salomon Kalou Kula Tartameysa Kooxda Schalke 04.

  1. Lii.cali@ Reply

    17-June-2012 at 9:07 am

    Asc dhaman aqiyaarta sharafta leh guul ayey notahay hadan isku helno luis suarez s.kalou way ku gulaysan karan golden boat

  2. C.c.x Reply

    15-June-2012 at 10:14 am

    Asc dhaman tageraha Redska sln kadib s.kalou welcom liverpool naadiga faca weyn.

  3. butter cade Reply

    14-June-2012 at 12:46 pm

    slm dhaman asxbta laacib.net aft that kalou welcome with open hands and liverpol team

  4. khalid haji Reply

    13-June-2012 at 3:41 pm

    ku soo dhowow liverpool seedi

  5. Mustaf ander teger Reply

    13-June-2012 at 3:13 pm

    Waaw ku soo dhawow sxb binji laan tutal ayaan kuu rajeynaa welcom liverpool

  6. mohamed,toress Reply

    13-June-2012 at 1:32 pm

    Arsenal maxu ku fali kalu

  7. xudeyfa syl Reply

    13-June-2012 at 12:08 pm

    wow waxn lenahy mel lahubo wa reds welcome nadiga fca weyn e liverpol viva reds

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>