Wajiga Labaad Ee Wareega Group-yada Ee Koobka Euro 2012 Oo Caawa Bilaabanaya. | Laacib.net
Home » Europa League » Wajiga Labaad Ee Wareega Group-yada Ee Koobka Euro 2012 Oo Caawa Bilaabanaya.

Wajiga Labaad Ee Wareega Group-yada Ee Koobka Euro 2012 Oo Caawa Bilaabanaya.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 12-06-12 2:21 PM

Waxaa caawa bilaaban doona wajiga labaad ee ciyaaraha Group-yada ee koobka Euro 2012, waxaana la ciyaari doonaa kulamada labaad ee Group A.

Rajada ay ka qabtay in Czech Republic ay ku sii jirto tartanka Euro 2012 ayaa soo dhamaan doonta ka dib labo kulan hadii ay caawa guuldarro ka soo gaarto Greece oo ay kuwada jiraan Group A.

Xulka Czech ayaa kulankoodii ugu horeeyay ee Group A waxa ay guuldarro 4-1 ka soo gaartay xulka Russia, hadii guuldarro kale loogu celiyo waxa ay noqon doonaan xulkii ugu horeeyay eek a hara koobka Euro 2012, waxaana soo gabagaboobi doonta rajada ay ka qabaan inay u gudbaan wareega 8da.

Greece oo 2004tii qaaday koobkaan ayaa barbaro 1-1 ah la soo gashay kulankoodii ugu horeeyay ee Group A xulka dhinac ka martigelinaya koobkaan ee Poland, waxaana ay u baahan yihiin natiijo fiican inay helaan caawa si rajadooda ay u sii noolaato.

Russia ayaa iyadana indhaha ku heysa inay hogaankeeda Group-ka sii dheereysato marka ay caawa la ciyaarayaan Poland, Russia waxa ay leedahay 3 dhibcood, guul ay gaartana waxa ay u sii dhaweyn doontaa inay ku soo baxaan kaalinta 1aad ee Groupka.

Poland oo koobkaan qeybo ka mid ah uu ka dhacayo garoonkooda ayaa waxa ay isha ku hayaan guushoodii ugu horeysay.

Kulamada Caawa La Ciyaarayo:

Greece v Czech Republic (Waxa ay soo geli doontaa 7da fiidnimo xilliga afrikada bari)

Poland v Russia (Waxa ay soo geli doontaa 9:45 PM xilliga afrikada bari)

6 Responses to Wajiga Labaad Ee Wareega Group-yada Ee Koobka Euro 2012 Oo Caawa Bilaabanaya.

  1. Shiiq nuur abdullaahi mr hagardiid Reply

    13-June-2012 at 8:57 am

    Asc asxaabta waxaan idin leeyahay sanadkii labaad oo xiriir ah qaadan doona xulka spain waayo waxaa jooga qabiiriin oo ay kamid yihiin xavi inaesta and fabrigas marka waxan leeyahay tageerayaasha xulka qaranka spain bareejada lugta hore yeeysan waxba u arag waayo waxad soo xasuusataan world cap 2010 lugtii hore marka tana waa tii oo kale waxba iskama badalaan

  2. mustaf ali baasto Reply

    12-June-2012 at 8:04 pm

    Asc aqyaarta sharafta leh waxaan amin sanahay in uu yahay sanadkan dalka kaliya ee ku guuleysanaayo inuu yahay dalka italia wayo sanadkaan waxa ay lasoo shirtageen qaab ciyaareed aan hora looga baran wayo inta badan qaab difaac ayaa looga bartay layaniga halka sanadkaan cayaar toy da yar loga maga cabay qaranka

  3. Daahiye Reply

    12-June-2012 at 5:30 pm

    Anigu waxey ila tahay in spain ay qadeyso kobkan wayo waxa ku kulansan ciyartoyda ugu cansan sports’ka sida, xavi, iniesta fabrigas, torres and many others that is why an uleyahay spain aya qadeyso

  4. Kamaal Reply

    12-June-2012 at 5:01 pm

    Asc wrx wbr waxaa ku guuleysanaaya italia intaa kadib asxaabta meeshaan yaa maali jiray ayeey mareysaa qibrad ayaana shaqeeyneyso waa hadii dinatale uu ciyaarsiiyo ciyaaraha inta badan si uu boleteeli uu isu canaanto oo uu ciyaar wanaagsan usoo bandhigo viva italia

  5. Kamaal Reply

    12-June-2012 at 4:57 pm

    Asc wrx wbr intaa kadib asxaabta meeshaan yaa maali jiray ayeey mareysaa qibrad ayaana shaqeeyneyso waa hadii dinatale uu ciyaarsiiyo ciyaaraha inta badan si uu boleteeli uu isu canaanto oo uu ciyaar wanaagsan usoo bandhigo viva italia

  6. cabdifataxa farax nuuux Reply

    12-June-2012 at 3:53 pm

    waxa loo badinaya ianay Qadan kobka wayo span ay barajasay farace uu barajeyay Egland way barjeyay itali uu barjeyay bortugal wa laga badiyay intii wawanad waa laga wada badiyay marka waxa uu dhoew ianay Qadan kobkan yurada Germany waxn rajanaya ianay Qadan Germany

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>