Michael Ballack: England Seddex Bas Ayay Hordhigteen Goolkooda Si France Ay Uga Difaacdaan. | Laacib.net
Home » Horyaalada » England » Michael Ballack: England Seddex Bas Ayay Hordhigteen Goolkooda Si France Ay Uga Difaacdaan.

Michael Ballack: England Seddex Bas Ayay Hordhigteen Goolkooda Si France Ay Uga Difaacdaan.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 12-06-12 4:27 PM

Michael Ballack ayaa si dhaleeceyn ay ku jirto uga hadlay qaab ciyaareedkii England ee ay barbaraha 1-1 la galeen xulka France kulankii xalay ee ka tirsanaa Group D.

England ayaa muuqatay kuwa is dhiibay intii lagu dhex jiray ciyaarta iyadoo inta badan ku ciyaareysay garoonka barkiisa waxaase goolka u furay ciyaaryahankooda Joleon Lescott oo madaxa la helay laad xor ah uusoo tuuray kabtankooda Steven Gerrard, Three Lions ayaanse goolkaasi ku nagaan ka dib markii uu barbareyey ninka ay isku kooxda u ciyaaraan ee Samir Nasri.

Si kastaba,waqti dheer ayey kubad heysteen wiilasha Laurent Blanc, England ayaana u muuqday kuwo ku qanacsan inay ku ciyaaraan garoonka barkiisa.

35 jirkaan reer Jarmal ayaana dhaliil usoo jeediyey qaabka difaaca ku dhisan ee Roy Hodgson, inkastoo uu qiray in England goolkii ay kala hormereen uu ahaa furtaan ay libin ku kaari kareen.

“Run ahaantii aad ayaan u qoonsaday kulanka. England waxay doonayeen dhibicda wayna heleen, laakiin tani ma hab loo ciyaaraa kubada cagta mustaqbalka? Ma hubo,”ayuu ciyaaryahanka qadka dhexe ee Bayer Leverkusen u sheegay ESPN.

“Hadii aad sedax bas hor dhigato goolka hortiisa,taasi ma ahan kubad”.

“Gadaal waxaa u joogay inta badan 10 ciyaaryahan, waa adag tahay in kooxna ay abuurto fursado, lama aanan dhicin”.

England ayaa kulankooda labaad ee Group-yada waxay jimcada ka hor imaan doonaan Sweden,kuwaaso guuldarro 2-1 ah kasoo gaartay xulka gees ka martigelinaaya koobka ee Ukraine isniintii (xalay)

 

26 Responses to Michael Ballack: England Seddex Bas Ayay Hordhigteen Goolkooda Si France Ay Uga Difaacdaan.

  1. zaki qanciye spaina boi Reply

    13-June-2012 at 5:09 pm

    Viva spain waxa kale wa dhus0 dhus0

  2. Barre.buurfulle Reply

    13-June-2012 at 10:31 am

    Banooni qurux waxmatarto ee waxa waxtara dhagaweyne hada koob qado qoofna kulama hadli karo

  3. Abdiasiis Romeco Reply

    13-June-2012 at 1:19 am

    Waxba haku murmina koobka englana qadayso iyo waa lagu dhibco badsada sanadkan waa sanadki xulka xulalka yurub horkacayo italy hayeey pirlo cml nooooh

  4. Soma Reply

    13-June-2012 at 12:51 am

    Waxan fila in uu lahelay black lkn egland groupka way so dhafesa 60% lkn meyay 4finel iman donta bala isku haya? Aniga fikirkega waa maya why looma dhama

  5. Caato Reply

    13-June-2012 at 12:28 am

    England maaha qaran lkn waxey haastaan maxada yurub black ne kuma qaldana hadalkiisa markaad wadantahay waa in aad meel kasomuqataa yaa arkay england oo meel gaarta viva italia

  6. mahamed gubadle (utd) Reply

    13-June-2012 at 12:13 am

    A.c akhyarta waxan dhihikara black wuu iskahadlay england nacayb ayana kakenayso hadalkaas england wa qaran jira sanadkanna ama weyqaadayan ama heer fican ayay kagaarayaan cup kan viva england

  7. Abdi fitah Reply

    12-June-2012 at 10:51 pm

    Asc aqayarta dhaman kkkkkkkk waa yaab hadii egland ay haben hore mujisay banooni gii chalcea ay ladheshay barca spaina ay cuska kacabatay kkkkkkkk Roney la antee dhibadana aqayarey

  8. C/lahi ole Reply

    12-June-2012 at 10:41 pm

    England waxba mesha maguyalo e isgalabta gurikena gulab bye

  9. ahmed Reply

    12-June-2012 at 8:26 pm

    lampard maqnaan shihiisa saamayn bay ku yeelatay

  10. ahmed Reply

    12-June-2012 at 8:24 pm

    england intuu kamaqanyahay super frank lampard waxba maaha haduu joogi lahaa baasasku furo iyo siduu uraacan lahaa yaab

  11. Mata for ever chelsea Reply

    12-June-2012 at 6:36 pm

    Asc all ama haranti ciyaar ama banoni ciyaar al ultimo dhaga wene ken banoni hado qurux wax ku keno arsenal ayaa ku kenilahed cml intas ayaana nigaga tagay cml

  12. abaaabino Reply

    12-June-2012 at 6:20 pm

    laakin farnsa ayaa ka hor mareyso ee ha diyaar garoobaano reer farnsa
    sufshanga

  13. abdirizak ballack Reply

    12-June-2012 at 6:10 pm

    england 100 sano hada soo socoto xataa koob ma qaadeeyso laba qof banooni taqaanana ma joogaan dadka taageero aanba la yaabaa

  14. MOHAMED Reply

    12-June-2012 at 6:06 pm

    Asc bahda laacib waxan layabanahay dadka dacayadayna ingariiska waxay ka xun yihiin inay ingariiiska guul gaaro. hadan cayaarti xalay ka hadlo waxa fursado badnaa ingariska taasna waa sida wanagsan ay uciyarayeen. katag taas hadlada ay evra iyo deisly labadaba waxay raben inow faransiiska badsho laakin waa uu badin wayay qarar ayaa cayda ka keenayo. horta aan adin waydiiyee kubada cagta difaac inaad cayaarto maku jirto miyaa? haday kooxdada dhawacyo ku hareeyaan ciyartoy muhimana kaa maqantahay kuwa kula ciyarayana ay kaa degdeg badan yihin sow difaac ma ciyaraysido si aad fursadad uheshana gool udhaliso. ugu dambeyn waxan dhahayaa kubada cagta hadaysan difaac kujirin maxa loo ciyaarayaa maa la joojiyo. mahadsanadin

  15. C/rashid isbaan Reply

    12-June-2012 at 5:39 pm

    Kkkk waa layab rnti inu black uu uhadlo sida qof an sport aheyn daafacashadu wxy kamidtahay kubada cagta wana dhanka ugu gusha bdn if u r remember how we can get u champiö n

  16. Idman Reply

    12-June-2012 at 5:32 pm

    kuwa wahore eyba diyarsaden diyaradi socelin lahey ee ninkan maxuu kuhadlay kkkkkk shibtaa kuron

  17. dantiisyaqan Reply

    12-June-2012 at 5:22 pm

    kkkk waxba maqaadeeso england

  18. Jama Reply

    12-June-2012 at 5:21 pm

    K k k war England kox ma ahan diyaradii lagu qadi laha way jogta

  19. japaan Reply

    12-June-2012 at 5:16 pm

    England waa xulka kaliya ee lagu mashquulo aduunka hadey england joogi lahen dhidhin malahan lehen euro viva ingaltara

  20. Maame messi Reply

    12-June-2012 at 5:14 pm

    Chelsea iyo ingirisku kubadii cagta sharafta ayey ka qaaden.waxana waxa u aaba mourinho.waa yab

  21. Maame messi Reply

    12-June-2012 at 5:13 pm

    Chelsea iyo ingirisku kubadii cagta sharafta ayey ka qaaden.waxana waxa u aaba mourinho

  22. Tarikhi Guray Reply

    12-June-2012 at 5:10 pm

    Waa yaabee aduunka oo idil waxay ku mashquulsan yihin england dad ka kuleelka waxa ka keenaayo waxa waye england aan kubad fiican ciyaareynin eey hadana waxay tahay xulka aduunka ugu shacbiyada badan uguna taageerida sida man utd ey ugu taageerida badantahay adunka ayey england na ugu taageerida badantahay caalamka marka qaraarka joojiya reer farance reer germany waxaad kaxuntihin shacbiyada faraha badan uu xulka england ku lehyahay aduun weynaha viva 3 lionds

  23. hulk Reply

    12-June-2012 at 5:04 pm

    Kkkk war wayab black evra aya cebobay adna wadaba kacday horay aya u cebowday o ad dhahday chelsea ch.p.l qadimeydo hadana dhe egland qadimeydo insha allah egland aya qadeyda cup kana landon aya lageynaya sidi kihoraba

  24. Deeq Reply

    12-June-2012 at 4:50 pm

    Kuwaan team ma ahan viva spain

  25. nasir suul Reply

    12-June-2012 at 4:41 pm

    viva England

    • Abdulmagid Reply

      12-June-2012 at 5:24 pm

      Waxaan garanlahay meesha eey tariiqda kubada cagta kasoo galaan Egland waa lagu dhibco tirsanayaa

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>