Borussia Dortmund Oo Shaaca Ka Qaaday In Lewandowski Uusan Ku Biiri Doonin Man United. | Laacib.net
Home » Horyaalada » England » Borussia Dortmund Oo Shaaca Ka Qaaday In Lewandowski Uusan Ku Biiri Doonin Man United.

Borussia Dortmund Oo Shaaca Ka Qaaday In Lewandowski Uusan Ku Biiri Doonin Man United.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 12-06-12 3:36 PM

Agaasimaha kooxda Borussia Dortmund Hans-Joachim Watzke ayaa cadeeyay in kooxda heysata horyaalka Bundesliga inaysan dooneynin inay iska iibiso Robert Lewandowski, isagoo meesha ka saaray inuu xagaaga ku biirayo Manchester United.

Tababaraha xulka Poland Franciszek Smuda ayaa shaaciyay isbuucii hore in 23 jirkaan uu ku sii jeedo Old Trafford, isagoo sii shiday wararka ciyaaryahanka la xiriirinaya United.

Si kastaba, Watzke ayaa haatan meesha ka saaray in ciyaaryahanka reer Poland uu kooxda ka tagayo xagaaga, ka hor inta uusan xusin inaysan wax dalab rasmi ah ka helin kooxna oo ku aadan weeraryahanka.

“Waxba ma ahan wixii la yiri. Ma aqaano inta jeer ee aan ku celcelin doono arintaan, lakiin Lewandowski waa xaqiiq anaga ayuu nala sii joogi doonaa. Ma jiraan cid si rasmi ah inoogu soo dhawaatay oo ku aadan heshiiska ciyaaryahanka” ayuu Watzke u sheegay Ruhr Nachrichten.

“Dhamaanteen waa naqanaa sida ay arimahan yihiin. Wax badan oo arintaan ah ayaa lagu qoray Poland. Si fiican ayaan u aqanaa Smuda. Waa uu ina qiimeeyaa, anagana waan qiimeynaa. Waa adag tahay inaan qiyaasno isagoo dhahaya Lewandowski ayaa ku biiraya United”.

Lewandowski ayaa qandaraas kula jira Dortmund ilaa xagaaga 2014.

 

14 Responses to Borussia Dortmund Oo Shaaca Ka Qaaday In Lewandowski Uusan Ku Biiri Doonin Man United.

  1. ayaaaaaaaaaaaanle Reply

    14-June-2012 at 1:51 pm

    qabka cusub ee sanda 2013 ilaa 2013 man united waa 4 4 2 waana sidaan ciyar yahanada gol haye de gea dafacyada fardinand vidig evra smaling khadka dhexe lukas modrig carick kagawa nani werar rooney and Robert Lewandowski ka cabso man utd

  2. C/fitax macalin bile nasri Reply

    13-June-2012 at 10:59 am

    Man united wax uma hayo ha u safarto africanta serka wa faqir man city waxan dhihi laha ha qadato tigo silva

  3. Mahad c/qaadir mahad mancestar Reply

    13-June-2012 at 12:00 am

    Keen toobare sir alx ciyaar yahaan robert lonwandewski

  4. m.karaama Reply

    12-June-2012 at 6:33 pm

    waxan le yahay hadii o donayo magac iyo sharaf waa ino yimadaa man untd

  5. axmed abdi wali Reply

    12-June-2012 at 5:21 pm

    kkkkk haaa waxaan amin sanahay alex uu xagaga kenidono laacibka poland ladawiski xili ciyaredka soo socda

  6. Xasan xaaji nur Reply

    12-June-2012 at 4:56 pm

    S.a. Farkusen mayaqano sida ciyartoda loso ibasado wayo waa baqil

  7. Xasan xaaji nur Reply

    12-June-2012 at 4:46 pm

    A s c aniga waxaan in eey dahay riyo inuu tago ciyaar yahan lewendowski man ud

  8. calaa kagawa man utd Reply

    12-June-2012 at 4:37 pm

    Man utd wey kene Waa lasoqadaya lacibkan insha.alah viva luis nani and kagawa

  9. Igwe cade Reply

    12-June-2012 at 4:36 pm

    Lewandowski welcom to manchestar united hadii aad timaato man u welcom viva alx fargi dhamaan asxabta man u salaaamulaah calaykum aqyaarta sharaftaleh ee laacib net salaamos yaqey

  10. calaa kagawa man utd Reply

    12-June-2012 at 4:35 pm

    Waa lasoqadaya lacibkan insha.alah

  11. dynamic xeeb Reply

    12-June-2012 at 4:32 pm

    ciyartoyga halku jecyahay
    waa la yaqan marka codsigisa
    kooxdu hadhawrto

  12. asc all and lacib.net kakakakakakakakakak man city maa sin maza chelsea kakakakakakakakakakakak war 2 waaTAAS Koox maha is ka jog meshada ama untd kakakakak

  13. C.caziiz xaaji abukar maxamed Reply

    12-June-2012 at 4:19 pm

    Asc asxabta oo dhan waxan oran laha dountmon ha iska iibiso roberto wayo wa xidig da’yar una u bahan mustaqbal wanag san waxa uuna ka heli kara man united ku so dhawow roberto old traford

  14. Paplo aimar Reply

    12-June-2012 at 3:44 pm

    Maxa wan so qadanayna lacib isagana wu jecel yahay nadiga man utd inu ku biro si u uga ag ciyaro sxbkis kagawa lolz viva luis nani and kagawa

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>