
Spain ayaa kulankooda ugu horeeya ee Euro 2012 waxa ay ku bilaaban doonaan caawa iyadoo ay ka maqan yihiin David Villa iyo Carles Puyol, kuwaasoo dhaawac dartiis looga soo tagay.
Sidaasi darteed, weeraryahanka Chelsea Fernando Torres oo qaab ciyaareedyo kala duwan soo bandhigay 18kii bilood ee u danbeysay ayay u badan tahay inuu tababare Vicente del Bosque uu ku soo bilaabi doono afka hore, inkastoo weeraryahanka Athletic Bilbao Fernando Llorente uu isna fursad heysto.
Dhanka daafaca, booska Puyol uu ka maqan yahay ee daafaca dhexe waxaa la filayaa inuu buuxin doono Sergio Ramos halka daafaca midig uu ka ciyaari doono Alvaro Arbeloa. Dhanka kale Cesc Fabregas ayaa laga yaabaa inaanan riski la gelinin in lagu soo bilaabo ka dib markii uu ka soo kabsaday dhaawac uu ka soo qaaday finalkii Copa del Rey lakiin Juan Mata iyo Santi Cazorla ayaa rajeynaya inay helaan fursad dhanka weerarka ah.
Italy ayaa iyagana dhibaatooyinkooda gooniga ah qaba, iyadoo daafaca Domenico Cristico looga soo tagay xulka madaama looga shaki qabo inuu qeyb ka yahay fadeexada la xiriirta qamaarka ee ruxday dhawaanahan Italy, halka Giuseppe Rossi uu isna dhaawac dartiis uusan uga qeyb qaadan karin koobkaan, Andrea Barzagli ayaa isna dhaawac ah waxaana la filayaa inuu seego labada kulan ee ugu horeysa Group C.
Daafaca Giorgio Chiellini ayaa seegay kulankii Azzurri ay guuldarada 3-0 ka soo gaartay Russia, lakiin waxa uu sheegtay inuu si buuxda u soo kabsaday islamarkaana uu daafaca ku soo bilaaban doono. Ciyaaryahanka khadka dhexe Daniele De Rossi ayay u badan tahay inuu ciyaari doono daafaca seddexda ah ee la filayo inuu ku soo shirtago tababare Prandeli, madaama uu ka soo wareeganayo qaab ciyaareedka 4-3-1-2, waxaana la filayaa inuu ku soo shir tago 3-5-2.
Emanuele Giaccherini iyo Federico Balzaretti ayaa u dagaalami doona booskooda garabka bidix, lakiin Antonio Cassano iyo Mari Balotelli ayaa la filayaa inay weerarka kawada ciyaari doonaan.
LINE-UPKA MACQUULKA AH:
Spain (4-2-3-1): Casillas; Arbeloa, Ramos, Pique, Alba; Xabi Alonso, Busquets; Silva, Xavi, Iniesta; Torres
Italy (3-5-2): Buffon; Bonucci, De Rossi, Chiellini; Maggio, T. Motta, Pirlo, Marchisio, B’retti; Balotelli, Cassano
| MA OGTAHAY? |
La Furia Roja ayaa badisay 41 kulan oo ka mid 45tii kulan ee ugu danbeysay.Kulamada maanta la ciyaarayo waa Group C:
Spain v Italy (waxa ay soo geli doontaa 7da fiidnimo xilliga Afrikada Bari)
Republic of Ireland v Croatia (Waxa ay soo geli doontaa 9:45 PM xilliga afrikada bari)
Sadaal ka bixi kulamadaan xiisaha leh ee caawa dhici doona?
c/qani.ali.osman
10-June-2012 at 8:20 pm
kkkkkkkkkkkk waaaaaw ma shaki ayaa idin kaga jira inay badinayso spain waaaa qar waysaan aaaaan filaya war fiiriya raga safan meeesha guuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuul guuuuuuuuuuuuuuuuul spain
zaki said ali
10-June-2012 at 7:42 pm
anago hadaan nahay kooxda spain waa ka badinaynaa wxaana idhiibanaa 5-0
moha
10-June-2012 at 6:54 pm
asc dhamaan waxay ila tahay aniga inay spain caawo badinayso sababtoo ah waxa ay haystaan mr. xavi iyo torres labada nin caawa ha lafiiriyo …)waxa aan u maleynaya inay caawo ku dhamaantoondo 3-2 to spain torres ayaa 2goal dhalin doona
moha
10-June-2012 at 6:53 pm
asc dhamaan waxay ila tahay aniga inay spain caawo badinayso sababtoo ah waxa ay haystaan mr. xavi iyo torres labada nin caawa ha lafiiriyo ….:)waxa aan u maleynaya inay caawo ku dhamaantoondo 3-2 to spain torres ayaa 2goal dhalin doona :D
Abdiwali Huute
10-June-2012 at 6:02 pm
Asc dhaman bulshada somaliyeed
Camuu kulanka cawa waa kulan ad u adag lkn aniga ahaan sadasheyda waxa ay tahay spain kubadeda ha iska dhesho anaguna natijo ayan dhelena kulankane waxu kusoo idlan dona 2_1 oo ay ku badin donto xulka azuri ee italy.
maxamed deeq
10-June-2012 at 6:00 pm
asc caawo waxaa badinaayo azuuri madama aa heysano citartoy muhim ah waxeyna ku dha ma nee ciyaarta 2-0 italy aa kubadi neyso forza italy caawa w a na tusa
kaise egeh ali
10-June-2012 at 5:07 pm
hadaanu nahay taageerayaasha talyaani waxaanu aamisanahay in aanu ka badin karno cidkasta ama koox kasta oo aduunka ka ciyaarta,waa la garanayaa macnaha talyaani iyo sida ay u ciyaaraan kubada cagta, waa la garanayaa hadii talyaani yimaado final in uu qaado koobka bilaa hadal,waa la garanayaa in talyaani yahay wadanka ugu leauge qaalisan aduunka amba uu yahay league ugu mudada dheer aduunka, waana league adag oo aan ciyaar lagu kala badin ,,, marka laga hadlayo spain maaha koox ka adoow wayne italy mana u dhiganto italy waxaan odhankaraa waxaa caawa wada ciyaaraya qaran iyo zero c ah spain
Axmed qalbi
10-June-2012 at 4:36 pm
Asc dhaan wan salaamaya bahda ciyaaraha iyo al carabiya runti aniku hadan saadal ka bixiyay ciyaantan caawa waxa badinaya spain 2 itali 0 runi wan huba balse alaa yaqaan waxa ay ku dhamaanay so
ismail ahmed jeebane
10-June-2012 at 4:12 pm
asc dhaman waan idin salaamay salan kadib hadii aan isku dayo fikirkayga ku aadan saadaasha kala badinta kooxaha caawa wada/ciyaa’raaya kooxahaas oo kala ah spine vs itali waxaan isdhihi karaa ama aan’ba ku adkaysan karaa in ay badin doonto kooxda (spine)!!! Waxaan jeclahay in ay 3 iyo 1 ama 2 iyo 1 mar kastana guusha kuraaci doonto kooxda spine wa sidaan jeclahayee kkkk sadashu waa guug saadaashu waa guul insha allah inkasto mantay jeclaan lahaay in aan qaran keena somalia iyo qaran kale oo wada ciyaaraayo aan saa’daaliyo balse rajada lagama quustee waan gaari doon,naa insha,allah my name ismail jeebane uganda kampala
hasan mohamed
10-June-2012 at 4:04 pm
spain aya badineyso wexeyna kudhamani spain 3-2 italy waxan 2kadid ah dhalinayo torres…………….
daadir
10-June-2012 at 3:58 pm
waah waaha caawa iyo baashaal wacan kulanka lawada sugi la yahay caawa labadaan dal waxaa kala heesto cayaar adag lkn caawa waxaa aad u jeclaan lahaa in aay badiyaan spiin
daacad
10-June-2012 at 3:58 pm
azzuri waan wada taageernaa hadaa nahay somali laakin caawa uma iima muuqato inay guul la hoyan doonto balse kubadu wa cad iyo madoow waan arki doonnaa halka ay ku soo idlaato wsc
Keyse ahmed
10-June-2012 at 3:38 pm
Asc bahda laacib.net fekradeyda hadan dhiibto waxa caawa badin doon xulka dunida italy waxeyna ku badin donan 2-1 nabadgalyo
Daadir azuri
10-June-2012 at 3:13 pm
waxan xoga sarena in anka badino xulk spain hada nahay azuri wana ku kal sonahay ciyartoyda xulkeyga italy azuri viva 2012 by
suldaan chelsea
10-June-2012 at 2:57 pm
fifa italia
Xaaji Milaano
10-June-2012 at 2:30 pm
Waxkasta kubada cagta wayka dhici karaan lakiin waxaan rajaynaynaa guusha inay noqoto xakeena italy
Omar Ahmed
10-June-2012 at 2:16 pm
Spain ayaa badineyso insha alaah 3-0 waaa inoo galabta markaas ayee kala cadaanee cidda guusha lahooyata
yaa ledahay
10-June-2012 at 2:15 pm
KkkkkKkkk draw ayay kudhamaaane
Mowlid
10-June-2012 at 2:08 pm
Caawa ciyaarta dhaxmaraysa xilalka spain vs italy hadaan ka dhiibto fikirkayga waxa ay ila tahay in lagaraci dono xilka italy maxa yelay xirfad ahaan waqtiga aad aya laga dhereya italy waxayna ciyarta ku dhamanaysa spain 2 italy 0 aaynu eegno natiijada caawa iniga iyo dad waynahaba ok
zaki
10-June-2012 at 2:01 pm
kkkk kubadu waa nasib ado wanagsan ayaa laga badin karaaa adoo xuna waad badi kartaaa marka ha u firinaha spain waaa wada la cibiiin mataka hadaaan salaaadl ka bixiyo italia ayaa badinayso waxayna ku badinayasaaa …….( SPAIN 0 ITALIA: 1)
Ineista ramos torres silva casilas delposk
10-June-2012 at 1:48 pm
Asc dhaman asxabey hadan sadashayda an cawa umalaynayo shego waxa badin spain3-2italy sababtuna waa spain waxa ka ciyaa raya laacibinta adunka wa xavi inest torres sergio ramos waaaaw captain casilas iyo inta kalaba
Mr honest
10-June-2012 at 1:24 pm
Waxay ila tahay in ay spain badineyso.wxay ku bdine2:0
maxamed cawil
10-June-2012 at 1:15 pm
italy ayaa badineysa in sha alaaha waxayna ku dha maan dontaa 2 0 talyaniga ayaan badin doona
Yahye
10-June-2012 at 1:05 pm
Spain aya fursat u hesato kulanka cwa in badiso
hanti dhor
10-June-2012 at 12:59 pm
ASC, Dhaamaan bahda Laacib.net salaan qaas ah iyo asxaabta ku xeran mar kale salaan qali ah iga hooda saadaasheydu waaye in ay badineeso Azzurri waxeyna la hoyan doontaa cupkaan Euro 2012
cadnaan muriidi ozel
10-June-2012 at 12:54 pm
spain ayaa badinay 2 1 italy waala garcaa viva kabteega casilas
Yaaska
10-June-2012 at 12:53 pm
Asc aqyarta cawa waxa badindonto xoohda adunka spian mahadsanidin
kagawa
10-June-2012 at 12:40 pm
Berajo 2-2
Ahmed
10-June-2012 at 12:26 pm
SWB Wxn rajeynaya Inay badin doonto Italy
Italy 3-1 Spain
Mahamed
10-June-2012 at 12:18 pm
Waxa badinay spain
Cumar najma
10-June-2012 at 12:16 pm
Asc all aqyarta wan idin salamay kdb cawada gameka ah horta waa game adag balse italy ayaa badineyso mongu kutijaliyah
Del biero
10-June-2012 at 12:10 pm
Viva italia
Max.ed sh.muxidin
10-June-2012 at 12:00 pm
Asc dhaman saadaasheydu waxa ay ku aadantahay manta kulanka spain iyo italy waxaa guul urajeyna xulka italy maadaama xulka spain uu yahay xul aan laxaqari karin hadane taageero uma hayo mar walbo waxan taageere uahay England viva Rooney mahadsanidiin
italiano
10-June-2012 at 11:56 am
saadashu ma sahlana lkin italy xirfad ayay ku duban doontaa xulka qaab ciyaareedka wanagsan ee spain
viva azuri
botanyare
10-June-2012 at 11:04 am
asc dhamantin aniga waxaan isleyahay inay caawa badin donto italy
Abdikafi saed elmi
10-June-2012 at 11:03 am
spain will win 3-0 if allah say tonight . .
Abdikafi saed elmi
10-June-2012 at 11:02 am
spain will win 3-0 if allah say tonight . . .
xudeyfa syl
10-June-2012 at 10:59 am
inksto italy xul adag ay yihn hdana waxn ku qancna inan garcno italy wayo inta bdan ciyartow muhim mawatan sanadkan viva spain
Xasan gobe
10-June-2012 at 10:55 am
Waxan is leyahay in xulka italia uu gaari doono guul weyn maadaama ee wataan jorjiyo jiliini andre pirlo casano bolateli xulka azuuri waxan urajeyn guul weyn viva chelsea
CABDIQADIR
10-June-2012 at 10:54 am
Spain 3-o Italy
waa shadaashayda , silva, Inviesta and Tores will scored
Xavi will participate thwo Goals
maango
10-June-2012 at 10:54 am
italy ayaa labo goal kubadi doonto spain waxeey dhali doontaa 1 waxaeey ku dhamaaneesaa 2 1 guusha waxeey racee italy come on italy