
Rio Ferdinand ayaa sheegay inuu ka cabsi qabo in mustaqbalkiisa xulka England inuu soo dhamaaday.
Daafaca Manchester United ayaa 81 kulan u saftay xulka England, waxaana laga soo tagay ciyaaraha Euro 2012 oo ay haatan England ka qeybgaleyso.
Waxa uu xitaa waayay fursad markii dhaawac uu xulka kaga baxay Gary Cahill, iyadoo tababare Roy Hodgson uu ka doorbiday daafaca da’da yar Martin Kelly.
Haatan oo uu 33 jir yahay, Ferdinand ayaa qirtay isagoo u waramayay jariirada The Sun inuu ka cabsi qabo in xilligiisa England uu soo dhamaaday:
“Waxaad dhihi kartaa mustaqbalkeygii ciyaareed ee xulka England waa uu soo dhamaaday. Hadii haatan aan la ii soo qaadaneynin, gaar ahaan iyadoo dhaawac uu jiro, waxa ay u badan tahay inaan dib danbe la iigu soo yeeri doonin xulka”.
“Waxaan mar walba dhahaa kama fariisanayo ciyaaraha caalamiga ilaa iyo inta aan kubada cagta ciyaarayo, welina go’aankeyga waa sidaasi. Weli waxaan diyaar u noqon doonaa inaan u ciyaaro xulka”.
“Waxaan daawan doonaa England, waxaana taageeri doonaa England sababtoo ah waa wadankeyga, waxaana doonayaa inaan meel fiican gaarno”.
Ferdinand ayaan waligiis ciyaarin koob Euro ah, wax koob ahna looguma soo yeerin tan iyo koobkii adduunka ee 2010, markaasoo uu dhaawac ka soo gaaray jilibka ka dib markii ay isku dhaceen Emile Heskey intii ay tababarka ku wada jireen.
“Waa inaan qirtaa ma aanan filaneynin in 2006 uu noqon doono koobkeygii ugu danbeeyay”.
“Waxaan rajeynayay inaan gaari doono ilaa 100 kulan – lakiin sababo badan oo jira darted ma aysan dhicin. Waa wax laga xumaado lakiin waxa ay ku tusineysaa in kubada cagta aadan wax walba isa siin karin”
Ozilyoung143
09-June-2012 at 6:19 pm
Stubidferdinandcalaacal.kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk.nagaqabtadameerkafeerahaweyn.vivachelseavivatorres
cabdicasiis
09-June-2012 at 2:38 pm
awel may england koob qaadi lahayd xitaa hadii la soo kaxeen lahaa ferdinand
sidaas baad sharaf ku leedahay ferdinand hadii kale maxad xanuunlee kasoo qaadi lahayd poland iyo ukry inalyn xulka england meesha waxay u tagaan uun dalxiise
Wazan
09-June-2012 at 10:53 am
Rio sry) fariin ayan waxan u wada tegerayasha man utd oo loo ogoladay lucas modric hayey chalsea and man tacban lolzzzzzz
sharafudiin
09-June-2012 at 10:25 am
Anigoo taageera england & man united waxaan dhihi lahaa dadka waaweyn sida rio way haboontahay in xulka laga saaro lkn waa in sidoo kale la raacsiiyo ciyaartooyda lampard gerrard terry A cole si loo helo ciyaartooy yar yar oo qaranka metesha sanadaha soo socda
C.qadir
09-June-2012 at 10:25 am
Asc runti katagi lagaatagay ingriska ayey u daranta madaama eey rag kalan dhaawacanyihin viva italy
Shabadeng
09-June-2012 at 10:19 am
Asc aqyaarta bahda sports ka rio last season form kisa ad ayu uwanagsana ee wa in la fahma arinta looga sotagay, waxeY Tahay asaga iyo john terry aya isku dhacsan arinti racist aheed, marka coach aya go’ansaday in terry u wado lkn difaac la mid ah majogo england marki laga reebo foriegn plays.
CABDIQADIR
09-June-2012 at 10:10 am
sadaashayda 8 naadi ee iskugu soo hadhaya wareega kan xiga tartanka qaramada yurub waa sidan iyo sida ay isku waajihi doonaan
Russia vs Nether Land
Poland vs Germany
Spain vs England
Italy Vs France
nuurdin
09-June-2012 at 10:08 am
Rio isaga malin walba calacal ayuu wade Ee her man ninka naga qabsada hadi kale maxa kamada adunka ayaa lasari dona Kkkkkkkkkkkkkkk qab qab ta waa wali inta wixi kabadan
Asbaro
09-June-2012 at 9:48 am
Sorry rio waa cadalad daro inlagaa tago wana arimo hosad jora oo xaga cadeenka ah sorry waqtigaga sugo wa garesa herka Ad jaceshahay