Luis Aragones: Spain Waa Ku Adkaan Doonaa Inay Garaacdo Italy. | Laacib.net
Home » Europa League » Luis Aragones: Spain Waa Ku Adkaan Doonaa Inay Garaacdo Italy.

Luis Aragones: Spain Waa Ku Adkaan Doonaa Inay Garaacdo Italy.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 9-06-12 3:15 PM

Tababarihii hore ee xulka Spain Luis Aragones ayaa ka digay in xulka heysta koobka adduunka iyo kan Yurub aysan yareysan Italy kulanka ay la ciyaarayaan Euro 2012.

Xulka Vincente del Bosque ayaa Group C kulanka ugu horeeya waxa ay la ciyaari doonaan Italy, waxaana ay isku arkaan inay iyaga ugu cadcad yihiin natiijada kulankaas.

Inkastoo fadeexad iyo dhulgariir ay Cesare Prandeli ka qaseen isku diyaarintiisa koobkaan, islamarkaana isbuuc ka hor inta uusan koobka bilaaban ay guuldarro 3-0 ka soo gaartay Russia, Aragones ayaa dareensan in Italy ay tahay xul aan la dhayalsan Karin.

“Spain waxa ay kulan adag kala kulmi doonaan Azzurri. Yaanan ilaawin waxa ay ku guuleysteen afar koob adduun” ayuu u sheegay RMC Radio.

“Waa xul ay ka buuxaan ciyaartoy muhim ah iyo khad dhexe adag. Dadka waxa ay ka hadlaan in Spain ay uga cadcadahay kulankaan, lakiin waa inaan ilgooni ah ku fiirinaa Italy”.

Croatia iyo Republic of Ireland ayaa labadaan xul kula wehliya Group C.

 

18 Responses to Luis Aragones: Spain Waa Ku Adkaan Doonaa Inay Garaacdo Italy.

  1. Wariye saxaafa Reply

    10-June-2012 at 9:41 am

    Waa sax itly waa xul adag lakana baqo waa xul aqoon iyo xirfad u leh kubada qaab wanaaga iyo xirfada eey soo bandhilaan ciyaardooyda viva italy

  2. Caaqil114 Reply

    10-June-2012 at 5:51 am

    asc waa sax italy lama yareesan karo, guruubkaan waxaan isleeyahay waxaa kasoo bixi doona waa italy iyo spain.. italy baa noogu adag caawa waa inaan xoogga saarnaa italy.. viva spain..

  3. Mura haji mura Reply

    10-June-2012 at 1:27 am

    Spein vs italy waxa badin dona spein

  4. Xaaji milaano Reply

    10-June-2012 at 12:35 am

    Waxaan rajaynaynaa in italy ay guusha raacado

  5. italiano Reply

    09-June-2012 at 8:21 pm

    hadaba cidan aragti lahayn ma jirtee italy waa xul tactic leh kubadana noocyo badan ku ciyaara ama dhulka ama cirka sapain sapain baa laga badiyee aragaane biritoole viva italia forzo

  6. fuaad Reply

    09-June-2012 at 6:24 pm

    sxbyaal ogaada hadalkeyga kulankaan waxaa ay guushu raaci doontaa italy lakiin xulka spain waa xul adag lakiinse yaa gool u dhalin doona waaye spain mar hadii uu villa maqan yahay yaana dufaaci doona mar hadii uu puyol maqan yahay waa isku dhamaatay waa 2 iyo 0

  7. Aadan deeq Reply

    09-June-2012 at 5:59 pm

    Kulanka ugu adag gurubyada italy vs spain wax walba oo ka dhaca kulankas wa filasho sababtuna waxey tahay spain wa xul awod ku fanaya halka italy ay iyana qibrad laso shartagi donan aniga waxanba arka italy oo dhulka ku jiida wiilasha spania hadeysan dhicin mida halogu hambalyeyo spain euro 2012

  8. A.samed f.TORRES Reply

    09-June-2012 at 5:39 pm

    Uta onana badaya dakika 90 nani indiyo mnoma

  9. ahmed Reply

    09-June-2012 at 5:06 pm

    wa sax wa tababare qabrid leh waxo shegayana wa waxdhicidona bari insha alah VIVA ITALIA

  10. ahmed Reply

    09-June-2012 at 4:33 pm

    kkkkkkkkk itly waa lagaracayaana waxaas waxba mahana

  11. jamal Reply

    09-June-2012 at 4:25 pm

    italy ciyar ciyar maha

  12. Lafoole Reply

    09-June-2012 at 4:24 pm

    Ciyaalka shalay italy iyada iskin baridonto waxaa idin dhiman

  13. zaki qanciye spaina boi Reply

    09-June-2012 at 4:03 pm

    War waxas ada lagu daha tuna shindwa

  14. Barca Reply

    09-June-2012 at 4:00 pm

    Itali walaga racah 3-0 lo dhibah

  15. C/lahi ole Reply

    09-June-2012 at 3:46 pm

    Italy waxa ehesada qareenka kubada adunka ayehestan wana andry pirlo viva pirlo ole italy

  16. Cali Reply

    09-June-2012 at 3:44 pm

    War wan garaacayna italy wuu iska hadalay luis aragonis

  17. muhannad qaali Reply

    09-June-2012 at 3:41 pm

    yeah wa sida italy yan la yaraysan

  18. Xasan gobe Reply

    09-June-2012 at 3:25 pm

    Wuxu ogyahay qatarta ka iman karto andre pirlo xulka azuuri hayasin wa xul awod leh marka ay ciyarayan kulama waa weyn wa xul inta badan aad uxisaabtamo viva jarmalka viva chelsea

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>