Group B: Netherlands Oo Guuldarro Lama Filaan Ah Ay Ka Soo Gaartay Xulka Denmark. | Laacib.net
Home » Europa League » Group B: Netherlands Oo Guuldarro Lama Filaan Ah Ay Ka Soo Gaartay Xulka Denmark.

Group B: Netherlands Oo Guuldarro Lama Filaan Ah Ay Ka Soo Gaartay Xulka Denmark.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 9-06-12 8:53 PM

Xulka Netherlands ayaa guuldarro xanuun leh ay ka soo gaartay Denmark kulankoodii ugu horeeyay ee Group B, ka dib markii xulka Denmark ay 1-0 ku garaaceen Holland, taasoo dad badan ku noqotay lama filaan.

Xulka Holland ayaa 20kii daqiiqo ee ugu horeysay ciyaarta iska heystay kubada, waxaana ay abuureen fursado badan lakiin waa ay haleeli waayeen inay soo taabtaan shabaqa.

Taas bedelkeeda fursadii ugu horeysay ee xulka Denmark ay heshay ayaa waxa ay islamarkiiba u rogeen gool, ka dib markii weeraryahankooda Krohn- Dehli uu shabaqa kubad la helay daqiiqadii 24aad ee ciyaarta.

Waxaana Netherlands ay isku dayaysay inay hesho goolkii barbaraha madaama gool aysan filaneynin looga naxsaday, iyadoo Arjen Robben uu kubad birta ku dhuftay halka weeraryahankooda Robin van Persie uu qasaariyay kubad gool loo fishay.

Qeybtii hore ayaa waxaa lagu kala nastay gool iyo waxba oo ay hogaanka ku hayeen xulka Denmark.

Qeybtii labaad ee ciyaarta Holland waxa ay halkeeda ka sii bilowday fursadihii ay abuurayeen, lakiin waxaa ka maqnaa dhameystir ay shabaqa ku soo taabtaan, iyadoo Robin van Persie uu ku qubeystay fursado dhowr ah.

Waxaana Denmark ayaa soo bandhigtay inaysan wax cabsi ah ka qabin Netherlands,iyagoo qeybo badan oo ciyaarta ah kubada la qeybsanayay xulka Holland.

Daqiiqadii 74aad ee ciyaarta ayaa Wesley Sneijder uu kubad qatar ah u dhex bixiyay Huntelaar oo bedel ku soo galay, kaasoo helay fursad isaga iyo goolhayaha ah lakiin isna waa ku guuldareystay inuu fursadaas qaaliga ah u rogo gool.

Inkastoo Netherlands ayaa baadigoob xun ugu jireen inay helaan goolka barbaraha hadana Denmark ayaa ku dadaashay inay ilaashato goolkeeda, waxaana ay seddexda dhibic ka heleen xul ka mid ah xulalka loo sadaalinayay koobkaan.

Group B ayaa ku bilowday si cajiib ah, taasoo sii adkeyn doonta kulamada Group-kaan.

Denmark ayaa haatan hogaanka u heysa Group-ka dhimashada ee Group B, iyadoo Germany iyo Portugal ay wada ciyaari doonaan wax yar ka dib.

 

27 Responses to Group B: Netherlands Oo Guuldarro Lama Filaan Ah Ay Ka Soo Gaartay Xulka Denmark.

  1. yasmin Reply

    11-June-2012 at 9:20 pm

    nederlands viva ciyaari waa galin dambe asxaabey

  2. Maxamed subane Reply

    11-June-2012 at 2:51 pm

    Stekelenburg vlaar mathijsen v.d.wiel willems v.bomel v.d.v. Sneijder kuyt robben huntelaar waan hubaa inaa wejigan kubadin doonno good luck taagerayaasha viva sneijder

  3. Maxamed subane Reply

    11-June-2012 at 2:50 pm

    Stekelenburg vlaar mathijsen v.d.wiel willems v.bomel v.d.v. Sneijder kuyt robben huntelaar waan hubaa inaa wejigan kubadin doonno good luck taagerayaasha

  4. Maxamed subane Reply

    11-June-2012 at 2:48 pm

    Layaab balse germany mayara hadana anagana waa rajadena waxayba ila thy sanadkan inan kuso bixi doonno 3dhibcod kdbna kobka inaa qaadno wixii naga horyimaada waan dardareyna viva orange sneijder

  5. Maxamed subane Reply

    11-June-2012 at 2:47 pm

    Layaab balse germany mayara hadana anagana waa rajadena waxayba ila thy sanadkan inan kuso bixi doonno 3dhibcod kdbna kobka inaa qaadno wixii naga horyimaada waan dardareyna viva orange

  6. mohomed faarax ciise Reply

    10-June-2012 at 4:12 pm

    waan ka xumahay balse garmany iyo purtuqal baan ku tumanayaa

  7. Mullar Reply

    10-June-2012 at 5:29 am

    V.persie dhib malahan lkn labda kulan ayan badin donaa viv holland

  8. Caaqil114 Reply

    10-June-2012 at 5:23 am

    asc wax ka nasiib xun ma arkin holland waxeey weerar qaaddo waa laga badiyay.. vanpersi eeda waxbuu ku lahaa goolal badan ayuu ku qubeestay.. holand gool baa diiday, iyagana fursado weey cuneen.. asxaabta holland sorry baan leeyahay waaba kooxdii ugu sahlaneed denmark oo aan is lahaa weey dardari doonaan.. viva spain…

  9. daadir Reply

    10-June-2012 at 4:25 am

    gurubkan waa adagyahay wali lamana sadalin karo lkn fik rad ahaan waa burtaqis iyo nadarlan howsha waa ku xuntahay aan dhihi karaa maadaama laga badiyay fursadi ugu horeeysay lkn dhintaabo la aasi doonee 2 fursad eey heestaan lkn garo 2 nin kama wada qoslisee aan aragno meesheey ku biya shubato kkkkkkkkkkkkkk xaaladu haaheey waaye

  10. cabdiraxaamn Reply

    10-June-2012 at 1:01 am

    dhibmala ha waan soobaxyanaaa waahubaal laakiin denmaaka nasiiba ayaakubadisaa ila mana ah in aya kabadi jarmani iyo bortuqaal mida

  11. caadil Reply

    10-June-2012 at 12:55 am

    waan kaxumahay holan in laga badsha grubka garmalka iyo ayaga len rabay in ay kaso baxan siwalba bortuqal ka qaata dhoocisha reeba garonka maanta iska dhax tagned ronalda ladhaho

  12. viva holland Reply

    10-June-2012 at 12:24 am

    hollan waa libaax ka cabso kulamada dambe denmarkna so barbaar
    1goal waa naas nujin oo kaliya geen problem alle by

  13. ka cabso holland Reply

    10-June-2012 at 12:21 am

    holland waa libaax lkn caawa nasiibka ayaa ka hiiliyay waan rajeyneyaa in ay koob ay qadin doonto inshaa allaaah
    kulamada dambe wacdaro filo dk 1 goalna ay naga dhalisay waan ku so barbaarineynay sidaa u ogaada holland waa sadar muuqdo sual ka dhan

  14. jamal Reply

    09-June-2012 at 11:50 pm

    libax dawaco cidiyeysatay kasooqad

  15. xuseen cali maalin Reply

    09-June-2012 at 11:06 pm

    rer DK hadaan nahay portogal waan liqeynaa jarmalkana waan calaajiheynaa sida hollan aan ugalnay cml vivva denmark

  16. C/lahi ole Reply

    09-June-2012 at 10:45 pm

    Footballkan walayaab run ahanti game mucjiso eh ayadhaday holland wangaxumaday sidalogalay lkn ciyaarwagalindanbe viva robben ole

  17. Maxamed cisman c/laahi Reply

    09-June-2012 at 9:56 pm

    Groupka B waxaa kasoo bixi doono germany iyo purtuqal waayo waalabo xul oo aad iyo aad u awood badan holland ciyaaryahano way haayaan lkn waxaa ka maqan dhameestir

  18. asad yare Reply

    09-June-2012 at 9:39 pm

    waxaas oo dhan.waxa ka daran isagoo goalkeeperka new castle ee krul haysta ayuu iskeltenburg oo an waxba la joogin wataa shit

  19. Krohn- Dehli Reply

    09-June-2012 at 9:17 pm

    Hadeynu nahay Dens barashaa niigu kiin laaban hada Netherlands waa laqey Germany iyo Portugal na waan kufsan doonaa

  20. c/maalig Reply

    09-June-2012 at 9:13 pm

    holland waa ku deysay kulanki ugu wanaagsanaa ee ku xisabtameysay ayaa meesha ka baxay waa hubanti in midkood uu garaaci doono ama ugu yaraan bareejo ay ku celin doonaan garmania ama purtugal marka asxaabti dhaheysay sanadkaan holland ayaa leh haku quus qataan inti v,piris la wado dhamestir ma helayaan messha in kooxaha ingariiska lala ciyarayo ayuu u qabaa 9 wax kama oga 15 sano ayaan taageere u ahay 9 ka xun isaga iyo huntelaar kuma arag holland teeda kale macalinka qaladka ugu weyn asaa leh oo geeyay boos uunan ka ciyaari karin heitinga baal in uu ka ciyaaro uu ku roon yahay ama ugu yaraan bankiin la galsho waan arki doonaa xulki qaada lkn ani figrad ahaan teyda 2 xul mid kood ayaa qaadi dona waana spain ama france

  21. khalid juventino Reply

    09-June-2012 at 9:10 pm

    haaheey waxaa sheegaaye hadey soo baxeen Denska waa la yasaayey balse wax walba waxay ka cadaan doonaan Germany iyo Portugal dhegaha loo laabo hehehehehehehehe

  22. mahad Reply

    09-June-2012 at 9:09 pm

    geeft niet waxaan waa kubbad waan soo baxeynaa insa allah

  23. baanow Reply

    09-June-2012 at 9:03 pm

    Group B waxaa kasoo baxayo Germany 9ndhibcod iyo holand 6 dhibcod

  24. Yann m'vila Reply

    09-June-2012 at 9:03 pm

    Shiiittttt robin van perdsei siodan ayaa rabtaa inaa arsenal ugu tagdo adika sidaan golasha ugu qowesanesid shiittt macalinka ayaa nago dhelay

  25. Chicharito14 Reply

    09-June-2012 at 9:02 pm

    Netherlands wa unlucky viva germany 4ever

  26. xuseen cali maalin Reply

    09-June-2012 at 8:59 pm

    kom nu DK kabaqa in ey koobka qaadaan

  27. haadi Reply

    09-June-2012 at 8:58 pm

    dhib malahan kubada wax waliba ka filo waxaan ku dadaaleynaa in aan badino labada kulan ee noo harey

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>