
Waxaa kulan xiiso leh caawa isaga horimaan doonaa xulalka Germany iyo Portugal oo kuwada jira Group B, iyadoo ciyaarta ka horeysa ay dhexmareyso xulalka Holland iyo Denmark.
MAXAA KA CUSUB?
Xulka Jarmalka ayaa aysan jirin ciyaaryahan shakiga uu kaga jiro inuu ka maqnaanayo iyadoo daafaca dhexe Per Mertesacker uu ka soo kabsaday dhaawac yar oo ka soo gaaray tababarka. Tababare Joachim Loew ayay tahay inuu kala xusho weeraryahanada Miroslav Klose iyo Mario Gomez hadii uu ku soo shirtagayo seddexda kubadsameeye ee khadka dhexe ee uu jecel yahay inuu ku soo shirtago.
Portugal ayaa ciyaaryahanka kaliya ee uu shaki ku jiro inuu ciyaari karo uu yahay Nani. Ciyaaryahanka garabka ugu ciyaara Manchester United ayaa dhibaato ka qaba cagta midig, waxaana laga yaabaa sidaas oo ay tahay in lagu soo bilaabo.
LINE-UPKA MACQUULKA AH:
Germany (4-2-3-1): Neuer; Boateng, Mertesacker, Badstuber, Lahm; Khedira, Schweinsteiger; Muller, Ozil, Podolski; Klose
Portugal (4-3-3): Rui Patricio; Pereira, Pepe, Alves, Coentrao ; Meireles, Veloso, Moutinho; Nani, Postiga, Ronaldo
MA OGTAHAY:
Kulankaan waa kii afaraad oo Germany iyo Portugal ku dhexmara koobka Euro, iyadoo Germany ay 3-2 kaga badisay Portugal Euro 2008, halka Portugal ay 3-0 kaga badisay Germany Euro 2000, waxaana ay 0-0 wada galeen Euro 1984.
Germany ayaa badisay kaliya labo ka mid ah 10kii kulan ee ugu danbeeyay ee Euro ee wareega Group-yada, afar barbaro ayay galeen afar kulana waa laga badiyay.
Portugal ayaan lagu reebin weli wareega Group-yada ee koobka Euro.
Sadaal ka bixi kulankaan xiisaha leh ee Germany v Portugal?
Sharmaarke mudug
09-June-2012 at 10:47 pm
Sxbayal Anigu waxan kuraja waynahay inay badiyan portugal sababto Ah walacibin inkasto ukujiro ciyaryankan jecla wakuma wa C.ronaldo
qaranka
09-June-2012 at 10:44 pm
sxb wey isdka cadahay ciyaarta cawo Germany 3 portugal 1 koobkane waxa iskuugu soo hari doono somali vs germany waxeyna ku dhaman doontaa germany 1 somali 2 yaane la cabsanin koobkan anaga ayaa iska leh hadaan nahay somali
mahad
09-June-2012 at 9:22 pm
iska adkeeya qaraabo why netherlands aa laga badiyay marka germany waa laga badan karaa
mahad
09-June-2012 at 9:13 pm
viva germany caawa guul lkn kulanka xiga qasaaro insha allah
Qadaafi.yare
09-June-2012 at 9:09 pm
Asc bahda laacib.net waad salaman tihiin salaan kadib aniga waxey ilatahay in ay jarmalka badin doonto jarmal laacibin ayaa jogto gomas podolski viva german and podolski
mohamed abdulahi(nesta)
09-June-2012 at 9:09 pm
ASC dhamaan bahda sport iyo wepsite nasiib inoo siiyey inaan fekerkeena gudbino waxaa naawilayaa inay ku dhaamaato garmany vs porrtugal 2:1
why cayaarta waa mid aan la dhayalsan karin intaa waxka badan la iskama dhalin karo
waan idin salaamyaa sxbayaal
hassan kaafi
09-June-2012 at 8:49 pm
hadaa fikir ka dhiibto waxaa badinaayo portagl maxaa yeelay waa ay adag yihiin viva engld
Amiin Gedow
09-June-2012 at 8:40 pm
salaan sare dhamaan bahda sportiga gaar ahaan akhyaarta laacib.net sln kd ani ahaan waxaan qabaa in caawa germany ay badin doonto sababo bdn oo is biirsaday aawadood oo ay ugu weyntahay in qadka dhexe ee germany ay aad u dagyihiin,waxaan joacham low ka sugnaaba waa inuu ku soo bilaaba 3 nin ee qadka dhexe waa ninki madaxa yara(pastin),Ozil,muller thns asxaaapta viva dhaadheerka rer germany and inta kubada ka run sheegta
kulmiye l3sl3
09-June-2012 at 8:27 pm
Asc dhaman bahda lacib.net sln kadib Germany aya ku leh kulan wana 3:1 klose , muller & gomes aya kala dhalin doono
Podolski
09-June-2012 at 8:25 pm
Viva podolski
ha qoslin
09-June-2012 at 8:20 pm
kkkkkkkkkkkkk saadaasha ciyaarta aniga waxan weydin lahaa laacibka portogal kkkkkkkk sababa jiro awgeed cr.ronaldo shaki ma galin karo werarka iyo basaska fantastica ozil iyo kedira waa mumuuqataa natijada imaan karto
khadar dhagaxbuur
09-June-2012 at 8:18 pm
asc dhammaan asxaabta hadaan saadaaliyo ciyaarta caawa waxaa badin insha allah xulka qaranka jarmanka germany 4:0 portugal lkn xaqiiqda ilaahaybaa og
Juan mata
09-June-2012 at 8:14 pm
Germaney 2 burtugal 1
abdirahman husein nuur
09-June-2012 at 8:14 pm
waxaan umaleenayaa hadii aan saadaal kabixiyo waxaa badinayaan umaleenayaa Jarmalka maxaa yeeley sanadahan wuu kacsan yahay inkastoo lagu reebo afarta ama finalka waxayna ciyaarraan ciyaar aad usareeso hadii u ayuciyaaraan sidii koob koobkii aduunka oo kale waxay gaarayaan mel fiicen
waad mahadsantihiin dhamaantiin
abdirahman.
ahmed somaliyos
09-June-2012 at 8:07 pm
kkkk hi every body horta kubadu wa cad iyo madaw mana laysku halayn karo lkn ahmed ahaan waxaan qabaa in portugal la duban doona caawa
ahmed
09-June-2012 at 7:56 pm
adan fakirkeyga kadhibto waxa badinayo jarmalka3:1
Mustaf carb
09-June-2012 at 7:49 pm
Asc.dhamaan bahada laacib.net salaan kadib waxaa badin doon jarmalaka 3 1 waa aniga figaradeyda by bahada liverpool melakasta at jogtan
Shactiro..arsinal
09-June-2012 at 7:32 pm
Asc caawa waa habenkii partuqal waxeynakudhamane…jarman.1-2purtuqal.waxana purtuqal udhalina Goolasha Nani & Crunaldo.jarmal kana gomes.
xudeyfa syl
09-June-2012 at 7:26 pm
portugal u rajeynaya inay bdiso inksto tagero spain ahy hdana cwa GERMNY in laxasuqo ayn jclahy
arteta
09-June-2012 at 7:25 pm
waxaa guuleysan xulka germany and our new player podolski if allah say
zakariye ibraahim
09-June-2012 at 7:23 pm
waxa dhihi kara wa kulan xiisa leh anan lagu dag-dagi karin balse fikirkeyga hada dhiibto waxa guusha usadalinaya germany.
NEW PRESIDENT SOMALIA DR. C/WALI GAAS
09-June-2012 at 7:12 pm
Fikirkayga waa inay badin doonto caawa qaranka germany
Deeqa abdulaahi
09-June-2012 at 7:10 pm
Portugal ayaa badineeyso viiva luis nani
dayib
09-June-2012 at 7:09 pm
waxaan leeyahy 2wadanba waa waxay wataan dad qibrad iyo awood leh waxaaa leeyahay 2 guul tii gaarto ayaan ar keenaa
Farhan
09-June-2012 at 7:08 pm
Waxan urajeyna inay reyso germany
Mullar
09-June-2012 at 7:05 pm
Aniga guul u rajaynaya hollan iyo xidigoda v.goal hadi an sadal ka bixiyo portogal 2-2 germany
daada cowl
09-June-2012 at 7:13 pm
asc all asxabta jecel kubadda cagta iyo shaqaalaha wepka …. cayarta wexe ku dhamanesa sidatan … jarmalka…(3) portugal (0) waa suurta kal ???