Bayern Munich Oo Dooneysa Dzeko Iyo Man City Oo Xiiseyneysa Thomas Muller. | Laacib.net
Home » Horyaalada » England » Bayern Munich Oo Dooneysa Dzeko Iyo Man City Oo Xiiseyneysa Thomas Muller.

Bayern Munich Oo Dooneysa Dzeko Iyo Man City Oo Xiiseyneysa Thomas Muller.

Waxaa Qoray: Hanna Ibraahim
Twitter: Taariikh: 9-06-12 11:46 AM

Bayern Munich ayaa miiska soo saari doonta 20 million oo ginni si weeraryahanka reer Bosnia Edin Dzeko ay mar kale dib ugu soo celiyaan Bundsliga.

Manchester City ayaana si taxadar leh u dhegeysan doonta dalabka uga imaanay FC Hollywood, iyagoona maanka ku haya inay heshiiska qeyb uga daraan kubad sameeyaha Bayern Munich Thomas Muller, kaasoo sidoo kale diirada u saran tahay kooxda Inter.

Jariirada The Sun ayaa ogaatay bishii lasoo dhaafay in kooxda ku guuleysatayay horyaalka Engl Premier League ay dhegeysan doonto dalabyada u imaanaya ciyaaryahankooda Dzeko,kaasoo ay 27 million kaga soo qaateen kooxda Wolfsburg 18 bilood ka hor.

Ilo ku dhow kooxda reer Jarmal ayaana cadeeyey qorshaha kooxdu ay ku dooneyso inay kusoo dhaqaajiyaan weeraryahanka Man city.

Sky Blue ayaa diirada saareysa 22 jirkaan Muller, iyagoo doonaya inay si dhaqso ah uga soo kexeeyaan Allianz Arena.

Madaxda Etihad ayaana doonaya in kooxda Jarmalka ay ka dhaadhiciyaan inay weeraryahankooda Eden Dzeko ugu daraan 5 million oo cadaan ah si ay u helaan Thomas Muller.

 

12 Responses to Bayern Munich Oo Dooneysa Dzeko Iyo Man City Oo Xiiseyneysa Thomas Muller.

  1. Ahmed Reply

    10-June-2012 at 9:57 am

    Muler aya uga fcn dzeko, sagata sxb yal

  2. Mahad napoli Reply

    09-June-2012 at 2:34 pm

    Ha iga dirina eden dzeko waa laacib qibrad leh viva sky blue

  3. man city mann boy geedi yare Reply

    09-June-2012 at 2:28 pm

    viva dzeko maxa yelayna wa ninki man unted cashir udhigay ciyarti 6iyo 1 k k k k kk k k

  4. man city mann boy geedi yare Reply

    09-June-2012 at 2:27 pm

    viva dzeko maxa yelayna wa ninki man unted cashir udhigay ciyarti 6iyo 1 k k k k k

  5. man city mann boy geedi yare Reply

    09-June-2012 at 2:24 pm

    viva dzeko adn mulla viva man city

  6. zaki qanciye spaina boi Reply

    09-June-2012 at 2:10 pm

    Muller & dzeko hada way kala fcnyhn müller fcn ku badasha yakhe man city VIVA TOTTENHAM ND DAWSON

  7. LiLMUU_f***k Hazard Reply

    09-June-2012 at 1:55 pm

    allah yaa dzeko laacib ah waye lcbkan plz ha ibinina waxa u ka mid yahay islamka yare ku faano hadan nahay rer man city

  8. mudane amin Reply

    09-June-2012 at 1:33 pm

    waa arin fiican ha kusoo badashaan kan madaxaweyn waxba mahayee muller ayaa ka fiican.

  9. Liverpool Reply

    09-June-2012 at 1:23 pm

    Anika ma qabo dzeko inow boxo wayo ninkas wa nin lakii badan
    Mullar neh asika ka fican

  10. daadir Reply

    09-June-2012 at 1:17 pm

    muler caadi maaha keena

  11. Maanow Reply

    09-June-2012 at 12:49 pm

    Marka hore asc asxaabta sln kadib ani waxaan aaminsanahay man city in ay uroon tahay in iska heystaan Dzeko oo aysan lacag iyo ciyaar yahay kusoo badalanin mulher sabatoo ah hada Dzeko lacag badan ayay kasoo bixiyeen weey ku qasaareen in ay iska gadaan ayayna diyaar uyihiin mlher na sidoo kale weey ku qasaari doonan hadeey kaaneen marka weli good qasaaro lee meey kujurayaan waxaan dhihi lahaa cashar kaqaata koosda diriskiina eh e man utd lacag yar ayay ku keenayaan ciyaar yahan tayo leh viva SAF and man utd

  12. xaska Reply

    09-June-2012 at 11:56 am

    Waxan dhilaha hadadqaday horyalka meshada jog

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>