
Difaaca kooxda Chelsea Ashley Cole ayaa soo xaadiray tababarka xulka England inkastoo uu jiro cabsi la xiriirta inuu dhaawac qabo, iyadoo England ay shalayto u fasaxday dadka inay u soo daawasho tagaan tababarkooda.
31 jirkaani ayaa lasoo weriyey inuu ka qeybgalay tababarkii jimcaha, lakiin Sporting Life ayaa sheegeysa inuu tababarkaasi uu u ahaa mid fudud daafaca bidix.
Iyadoo ciyaaryahanada ay isku kooxda yihiin ee Frank Lampard iyo Gary Cahill ay dhaawacyo uga maqan yihiin Three Lions, Hodgson ayaa rajeynaaya inuu soo bogsoodo ciyaaryahanku ka hor kulankooda furitaanka Group D ay isniinta la ciyaarayaan xulka France.
Weeraryahankooda Jermain Defoe ayaa ah ciyaaryahanka keliya ee aan soo xaadirin jimcadii tababarka,ka dib markii uu dib ugu laabtay England geeridii ku timid aabihiis darteed.
Lakiin waxaa la filayaa in maanta uu dib ugu laabto Defoe Ukraine halkaasoo uu dib u la midoobi doono xulka qaranka England.
Cali owkiyo
09-June-2012 at 3:54 pm
Warkan abal waxba ma ogeyn maxayelay qofba maba xiri karo kubadan waxa ugu dambeysay arsenal
Mahdi~G.Cahill
09-June-2012 at 2:06 pm
Ashelay cool waa nin aan laga marmin maxaa yelay waxa uu yahay nin kafican p.evra&j.piquwe ashalay waa ninki ku gulesty champions ligu sxb ashliy la,aan tis eglan guldaro vvv lampard,j.terry.g.cahill.a.cool gul
shamso
09-June-2012 at 1:38 pm
england faransa ayaa ka badindoonto lkn peter crouch maxay usafi layihiin wuxuuba ka fiicanyahay carroll iyo defoe labadaba asaa ka fiican madaxa iyo lug labadaba goolal aan caadi eheen ayuu ku dhaliyaa
Makaiil, cade
09-June-2012 at 1:17 pm
A.cole wa ciyar yahan wanag san ona difacan kara. Boskisa. Eglan gul gul gul.jgkgkgkglgjgkgkglglg
Khabir
09-June-2012 at 1:04 pm
A.cole waciyaraya he is fitt
prof.doonka
09-June-2012 at 12:25 pm
walahi waxaan isleeyahay aniga xulka england dhawar weyn ayey ku tahay ciyaaryahan ashley cole la’aantiisa. Wayo ashley cole waa ciyaar yahan leys dhihi karo asaga ayaa u horsedi karo guusha xulkiisa.
Kayse
09-June-2012 at 12:24 pm
Run ahaantii waxay england utahay halis wayo a.cole waa muhiim markaan eego ciyaartoyda england kamaqnaan doonta france ayaa bidindoonta ciyaarta group D
Max.ed sh.muxidin
09-June-2012 at 12:16 pm
Asc dhaman bahda isboortiga jecel meel walbo oo ay joogaan sln kadib waxan dhihi lahaa ashley cole inan laga maarmin oo booskiisa la buuxi karin maxa yeelay waa nin dadaal badan mar walbo jecel inuu guuleesto mana arag nin lamida inta aan ciyaaraha daawanayey guul ayaa rajeyna England viva england gaar ahaan viva Rooney iyo young iyo welcott