Xavi: Tababare Jose Mourinho Ma Geli Doono Taariikhda Kubada Cagta. | Laacib.net
Home » Horyaalada » Spain » Xavi: Tababare Jose Mourinho Ma Geli Doono Taariikhda Kubada Cagta.

Xavi: Tababare Jose Mourinho Ma Geli Doono Taariikhda Kubada Cagta.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 8-06-12 2:12 PM

Xavi ayaa shaaca ka qaaday in tababaraha Real Madrid Jose Mourinho uusan geli doonin taariikhda kubada cagta madaama uu ku hoos qarsanaa sida uu yiri tababarihii hore ee Barcelona Pep Guardiola.

Afartii sanno ee uu 41 jirka reer Spain uu hogaamiyay Blaugrana, waxa ay kooxda Catalans ku guuleysay 14 koob, waxaana kubada ay ciyaaraan ay noqotay mid aad loogu amaano islamarkaana ka duwan kubad kasta oo xilligan casriga ah la ciyaaro.

Waxaana Xavi uu dareensan yahay in ninka reer Portugal uu waligiis ku jiri doono hooska Guardiola.

“Mourinho ma geli doono taariikhda kubada cagta” ayuu ciyaaryahanka reer Spain u sheegay Canal+.

“Aniga ahaan, tababaraha ugu fiican waa Guardiola, afartii sanno oo uu kooxda hogaaminayay waxa uu kacaamiyay kubada cagta”

“Tusaale ahaan, Chelsea waxa ay sannadkan ku guuleysatay Champions League, lakiin Barca ayaa weli ka muuqata caalamka kubada cagta”.

Sidoo kale Xavi ayaa ka hadlay kala duwanaanta ku dhex jirta ciyaartoyda Madrid iyo Barca tan iyo markii Mourinho uu macalin u noqday Los Blancos, waxaana uu sidoo kale saxaafada ku eedeeyay inay sii buunbuuniyeen xaalada.

“Saxaafada xitaa eeda waa ay leedahay, sababtoo ah waxa ay abuureen wax aan jirin. Waa run xamaasad waa ay inaga dhex jirtay, lakiin sidii loo sheegay ma aysan aheyn”.

“Waxaan saaxiibo weyn nahay Iker Casillas, taas ayaana mar walba ka sareysa wax walba”.

 

51 Responses to Xavi: Tababare Jose Mourinho Ma Geli Doono Taariikhda Kubada Cagta.

  1. Caruus yarye Reply

    09-June-2012 at 3:23 pm

    Asc aqristiyasha sharafta leh iyo laacib.net ninkan xavi la dhahayo wu isku xaaray runti jose oo mar hore taarikhda galay ayu guardilo barbar dhigaya special one walig ma gaari dooni guardilo odeygana xanaq aya hayo kkkkkk hala madrid

  2. Abdirahman Reply

    09-June-2012 at 12:36 pm

    Xavi wuhadlay sida lohadla magaranayo afka hasoob sado wuxuu quralayahay real marid kobka ayqaaday nacas

  3. salaadi Reply

    09-June-2012 at 12:00 pm

    asc
    xavi wa nin dad qaday xunbo cuskay kkkkkkkk murinho wa ninki kala diray barca wa nin culus sida runta ciyaraha bal dahaba kaga jira xavi wa nin jidku u maray tababarihi barca ku si jeeda barca wey u dhamatay xiligeedi wey so qadatay hooooooooos barca murinho viva

  4. Ciif Reply

    09-June-2012 at 9:37 am

    Sorry xavi qalweyne shekadan miya keentay hadan mourinho kooj mahan cml yaa kooj ah guardiolaa kkkkkk sorry mourinho best kooj in the world sorry qalweyne marax eber cml waxba makala ogid kwenda zako

  5. caaqilka Reply

    09-June-2012 at 8:44 am

    Rag dhahaya pep guardiola 14 koob buu qaaday miyay ilooween in uu mourinho uk kasoo qaaday 5 koob italy ka soo qaaday 4 koob purtogal ka soo qaaday 3 koob spain oo xavi u dhashana ka qaaday 2 koob welina uu wax ka quudaraynayo bal intaas xisaabsasa lol akhyaarta reer barcelonow

    • salaad yare Reply

      09-June-2012 at 2:43 pm

      kkkkkkkkkkkkk kan wuu wareeray ayaay ilatahay gardiyola weligiis magaaridoona murinho maxaa yeelay murinho meeqa koox ayuu koob lasooqaaday kasoobilaaw poto chelsea inter real marka gardiyoola heerkaas magaarin weli teeda aduunka ayaaba u aqoonsaday tabaraha ugu fican the espicial one kacabso xavi wuu iskuxaaray nacas dheh

  6. Abdifitah ibrahim cadeyska Reply

    09-June-2012 at 7:27 am

    Tababar Jose mourinho laga ma yabo in u tariiq ku yelan dono kubada cagta

  7. siiciid Reply

    09-June-2012 at 5:46 am

    carurta waa ku qafifen jose halsano jose waxa u firiyay qabta ey brce u cayarta sanidkale macalinkii brce mar kuu arkay in la fahmay diibadoow cabdi baleyn ayaa ka dhacday

  8. sii Reply

    09-June-2012 at 5:45 am

    jose waa uuba kujiraaa takhrida football ka vxe maxaa laga weydina cilaykan rer brce jose ayey ku washen bentodi ayuu ka daba tagay taba barihi ayaa daradis ooga carar jose shaqadi ayuu pep grdl karacdeyee maxaa u dhiman

  9. mohamed Reply

    09-June-2012 at 5:30 am

    waa layaab mar hadii la xaqiray tabbarihii waynaa joso muriiniyo waxaan leeyahay yaan loo dhimi waxaba

  10. kig abdinuur berberaawi Reply

    09-June-2012 at 1:01 am

    Xavi my laaacibkaga waa dhab waligii ma noq karo sida macalinnkagii hore in uu ku riyoode mooye viva barcalon hahah

  11. Maxbuub nani Reply

    09-June-2012 at 12:58 am

    Viva madrid and murinho

  12. C/lahi ole Reply

    08-June-2012 at 11:32 pm

    Jose watababaraha ugufican adunka e xavi neh waxa u udhahay hadalga sanadkaan ayu garogqaday laligaha viva jose albaqra ole

  13. salaadi Reply

    08-June-2012 at 10:49 pm

    asc dhamaan aqyarta laacib net aniga wxan u arka tukulush hadu tmirta gariwayo waax u yira ala wa qarar kkkkkkkk marka xavi arin kiisa wasa kkkkkkkkkkkkk muriho ma ahan nin lala barbar dhigo daka qaar

  14. ismail Reply

    08-June-2012 at 10:22 pm

    Maaha markii ugu horaysay ee aan aragno ciyaartoy reer barcelona ah oo
    caytamay isagoo ooyaya taasna waxaa ugu wacan ciyaalnimada

  15. Eng ismail aqwed Reply

    08-June-2012 at 10:19 pm

    Barcelona maaha markii 2aad ee ay caytanto yadoo ooyaysa
    sida Xavi iminka haysata oo kale taasna waxaa ugu wacan Caruurnimada
    kaligiina maaha ee wa mid ciyaartoyga reer barcelana ay ka siman yihiin

  16. Caaqil114 Reply

    08-June-2012 at 7:43 pm

    asc aniga barca waan taageeraa, hadana runtaan jeclahay.. morinho waa macalin qabiir ah, laakiin xiligaan lajoogo weli magaarin sida guardiola oo kale guradiola afarsano ayuu ku qaaday 14koob oo kala duwan ama meelo badan laga dheelo.. morinho muukuqaaday mudadaas yarta ah.. markuu koox aado wax badan lama joogo koob markuu qaado wuuka tagaa ama waxbaa dhaca, intaas wuxuu jecelyahay inuu koox waliba katago inta aysan xumaan ama kooxda aysan hoos u dhicin.. marka muu wax badan lajoogo kooxduu aado,kk waa fantastic hadana caqli badan.. bal aan aragno intuu real joogo koobabka uu ku qaadi karo muddo afarsano ah..viva barcelona..

  17. asc all and lacib.net kakak,k.k.k.k hada kahay kooda ugu wen calamka maxa 32 jer u qadi wesay iyo 9 champopS KAKAKAKAK ALA xishot karana kanu mourinhow wiligis na ma garayo 4 wadan in wax ka so qaday ya SHEGAY yana aragay by.

  18. Mata Reply

    08-June-2012 at 5:40 pm

    Mida kale mou wa fulay haba horyaal ayu kubiira si uun u fashilmin

  19. Mata Reply

    08-June-2012 at 5:37 pm

    Wa runta xavi yow mou wxu ku hoos jiray gaurdiola waana kibir bdn yahay waligiis nh hormar magaarayo

  20. Hani hanan wanag Reply

    08-June-2012 at 5:36 pm

    ASC waa runtii XAVI hadalkuu ortay waana kuracsanahay hadaanu nahay rer BARCELONA

  21. shamso Reply

    08-June-2012 at 5:31 pm

    horta shaki iigama jiro in xavi yahay xidiga ugu shidan qadka dhexe caalamka lkn mid baan ku diidanahay xavi oo ah in mourinho uuyahay nin ka hooseeya guardiola taas aniga kuma raacsani xavi mourinho waa tababare weyn oo waliba aan lala meel dhigi karin pep guardiola mourino waa ninka kaliya ee la guuleystey 4 kooxood oo labo ka mid ah oo koobka horyaalada yurub la qaadey marka xavi sxb weey kaa hoos baxdey xamaasada ayaa kula tagtey adiga

    • YUUSUF CALI Reply

      09-June-2012 at 5:57 pm

      ASC SXBYAAL WAXAN LAYABANAHAY ANU DADKA BARCA TAGEERA IYO KUWA CIYARABA WA ISKU DABEECAD MAYAQANAAN WAXA LAYIRAAHDO ISU QIRID XAVI WAXA NABAR XANUUN BADAN KUNOQDAY REAL OO KAGA GULAYSATAY NOU-CAMP KKKK HAKUGUTAGNATO

  22. Khadar cishqi Reply

    08-June-2012 at 4:58 pm

    Xavi waxuu ka oo ya yaa mar kii ay ku guul darays teen 2badii koba ee wuu riyoonayaa xavi

  23. Deeqa abdulaahi Reply

    08-June-2012 at 4:56 pm

    Kkkkkkkk iskada tagerada ee ciyartoyda barca xataa wa uqdad miiran jose mar hore ayuu taariikhda galay hadana spain asiga xureeysaty ee by all

  24. maxamed madka Reply

    08-June-2012 at 4:47 pm

    Xavi waa run kOoxda aduunka looga ciyaar jecel yahay waa baarka marka marinyo yoew isku ceeben jardilo xavi garaasiyo sidaa ayaan kaa donayaaaa

  25. sadiiq Arteta Reply

    08-June-2012 at 4:35 pm

    Xavi waaa ku beeentaaas mourinho hada ayuu taarihkda galay spain germany england portugal ayuu koob ka soo qaaday gordiola haduu la arkaa wuxu yahay

  26. Abdisamad andres Reply

    08-June-2012 at 4:26 pm

    Xavi waa ciyaaryahanka khadka dhexe ee dunida ugu fiican jose mourinho waxa ka fiican guardiola oo ah coachka dunida

  27. hanad yare Reply

    08-June-2012 at 4:21 pm

    Warka oo xavi waa sax mourinho waxjiro maahan waana laku yaqaan warka oo sheegaayo xavi

  28. Aric abidal Reply

    08-June-2012 at 4:10 pm

    Xavi waa waye araga kubada cagta wuxuna ka hdlay wax dhab ah kubada spain waxaa ku dheelay qashinkan murinho ah

  29. maestro Xavi hernandez Reply

    08-June-2012 at 3:51 pm

    wa sax pep gurdiola oo kale aduunka masooo marin kubada cagta kacaan ayuu kasameeyay lakin mouriho fulay waaye kubada cagta ayuu dilaaa wax aan aflagaado iyo dagaal aheeyn mahaayo viiiiiiiiiiiiiva Pep gurdiola

  30. cabdi kariin muniir Reply

    08-June-2012 at 3:46 pm

    waar jose mourinho waa coach aduunka ugu wanagsan iminkaad soo barbar dhigtay guardilo oo aan cidiina aqon oo barcelona oo iyadu iskeed isku wday koobab nasiib iska la qaday ka hor barca iyo ka dib muxuu ahaa pep mourinho waa kii inter kii pordo kii chelsea iminka oo naadiga aduunka waato ee real viva real and manutd

  31. Cabdimajiid maxamed Reply

    08-June-2012 at 3:25 pm

    Jose tarikh wuxu galay pep oon lanoqon tarikho kale ayu kadhigi doona santiago

  32. sadaf Reply

    08-June-2012 at 3:24 pm

    xavi waa ciyaaryahaynka ugu wanagsan xavi o kale aduunka masoo maraayo forza xavi

  33. Bilaal Reply

    08-June-2012 at 3:22 pm

    Ani ahan xavi wuu qaldan yahay waayo muriniyo waa macalinka aduunka by

  34. mohamed Reply

    08-June-2012 at 3:20 pm

    dhuusadaan xavi ladhaho iyo dhuusayaasha taageera waan layaabaa viva madrid and chelsea

  35. Bellow belka hajji Reply

    08-June-2012 at 3:17 pm

    Xavi qalad ayuu ku hadlay wuuna u gafay macalinka

  36. Barre.buurfulle Reply

    08-June-2012 at 3:02 pm

    Loma bahna inu isku diro ciyaartoy isku wadana

  37. Bukhaari Reply

    08-June-2012 at 2:58 pm

    Xavi wa xanaqsanyahay yarisow orod hoyada utag naas hakusisee tankale reer barcelona yaan lakala cararin mourinho meel uuyimid wale fadhi mayaalo

  38. Quman Reply

    08-June-2012 at 2:57 pm

    asc,,, kkkkkkkkkkkkkkkkkk waxaan u arkayaa wiil faaninaya tababarahiisa kana hadlay fikirkiisa pep jacaylka ah,, runtuse waxay tahay pep guardiola waa halyay soo maray barca lkn tarikhdiisa waa hal koox kaliya, hal wadan kaliya, hal magaalo kaliya iyo hal waji kaliya, lkn kooxo kale ha tago guulaha barca uu la gaarayna hala gaaro markaas ayaa specialnimadu ugu soo wareegi kkk,lkn Mourinho simply waa special ONE wax walba hala sheego, reer barca dhana kuligood wax haka sheegaan,, Hala Madrid!!

  39. odawaa Reply

    08-June-2012 at 2:54 pm

    asc all akhayaarta sharaftale ee bahda laacib.net iyo dhamaan akhristayaasha qaliga hadaan kahadlo barca xaladeeda waxa waliba
    wakhti bayleeyihiin ayku bilowmaan kuna dhamadan barca calankaedu
    wuu sii dhacayaa waxkastana waxa laogaandonaa siisanka 2012-2013

  40. abdifatah hogsade Reply

    08-June-2012 at 2:51 pm

    Kkkkkkk kubada kuma ficno in leys xaqiro marka xavi waxx ka qeylisiinaa yo waa labada kob ayuu ku hungoobay

  41. ___________arab Reply

    08-June-2012 at 2:48 pm

    run ahaantii murinho waa tababarihii ugu horeeeyay oo aan baran intii lagu guda jiray kubadda cagta ee casrigaan murinho waa best waqtigan la joogo @guardiola awoodiisa waxaan arki donna waxa ka dambeeya sanadka cusub mida kale murinho waxa uu koob la soo qaaday fc porto iyo inter miland guardiola ha la arko asogana guardiola sababta oo spain uga cararay morinho ayuu ka cabsaday

  42. C/laahi maxamed dhalwe Reply

    08-June-2012 at 2:42 pm

    Xavi waxa uu ka hadlaayo waa run maxaa yeelay intuu murinho manager ahaa ma uusan qaadin koobabka faraha badan ee uu qaaday halyeyga pep querdlela waligiisna ma qaadi doono marka akhyaarey hadal uu xavi yiri hala rumaysto waligis taariikh ku yeelan mayo murinho kubada cagta chelsea hala ogaado iney sharafta london soo celisey maxa yelay waxaysan waligod arag bey usoo hoyisey

  43. zaki qanciye spaina boi Reply

    08-June-2012 at 2:35 pm

    Wa runti xavi wuxu ka hadlay Guardiola z d bst coach n d world murinho ma garao viva GUARdiola

  44. Dhagocaleen Reply

    08-June-2012 at 2:31 pm

    ciil ayaa ka hadlinaya kkkkk taariikh miyaa u dhiman Special One
    Pep Koox kale ha tago wuxuu yahay markaasa la arki kkkkk

  45. M. arteta Reply

    08-June-2012 at 2:29 pm

    Xavi waa ciyaarhan wayn laakiin waa qaabiilayste specail one waa coach fiican Guardiola koox kale hadii uu tago wax koob ah ma qaadayo lakiin ninka koox waliba uu tago wuxuu u qaadayaa koobab tayo leh teeda kale chelsea champion-keeda maxaa ka galay waa anshax xumo inuu ka hadlo xitaa hadii ay barca tahay wali the best team inthe world inuu is faansho malahan sanadkaan insha alaah koobka ureu-ga waa laga qaaday Germany

  46. Lampard Reply

    08-June-2012 at 2:28 pm

    Viva real and chelse

  47. Barcelona del barcelona Reply

    08-June-2012 at 2:25 pm

    Waa xavi kaas tababare ma aha waa baq baqaani ama carabdhere wax matare ah sida ad utaqanim

  48. C.raxmaan Reply

    08-June-2012 at 2:23 pm

    Wuu iska hadlay xavi

  49. Abdala Reply

    08-June-2012 at 2:19 pm

    Waa runtis saxafadu way bunbunisay real m

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>