Juventus Oo Go’aansatay Inaysan Xiddig Seddaxaad Ku Tolan Maaliyadeeda. | Laacib.net
Home » Horyaalada » Italy » Juventus Oo Go’aansatay Inaysan Xiddig Seddaxaad Ku Tolan Maaliyadeeda.

Juventus Oo Go’aansatay Inaysan Xiddig Seddaxaad Ku Tolan Maaliyadeeda.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 8-06-12 5:28 PM

Juventus ayaa go’aansatay inaysan xiddig seddexaad ku tolanin maaliyadeeda, lakiin taas bedelkeeda waxa ay calaamadooda hoosteeeda ku qoran doonaan “30 ayaan ku qaadnay garoonka dhexdiisa”.

Bianconeri ayaa ku guuleysatay Scudetto bishii hore, waxaana kooxo badan oo ay xafiiltamaan ka careysiisay markii ay sheegeen inay xiddig seddexaad ay ku tolan doonaan maaliyadooda madaama ay aaminsan yihiin inay ku guuleysteen 30 horyaal oo Serie A ah inkastoo labo horyaal looga qaaday fadeexadii Calciopoli.

Si kastaba, agaasimaha dhaqaalaha Francesco Calvo ayaa shaaca ka qaaday in kooxda aysan xiran doonin xilli ciyaareedka soo soca maaliyad ay ku xardhan tahay seddex xiddig oo dahab ah, madaama Italy halkii xiddigba ay la micno tahay 10 horyaal.

“Maaliyada cusub ee Juventus ma lahaan doonto xiddig seddexaad” ayuu agaasimaha u sheegay Sky Sport Italia.

“Taas bedelkeeda, calamaada kooxda hoosteeda waxaa ka soo muuqan doona ereyada ah: 30 ayaan ku qaadnay garoonka”.

“Maaliyadeena waxa ay matashaa Juventus iyo dadkeeda. Kaliya kooxda iyo taageerayaasheeda ayaa qeexi kara waxa ay kooxdu tahay”.

Juve ayaa qaaday horyaalka xilli ciyaareedkii hore iyadoo noqotay kooxdii seddexaad ee taariikhda Serie A ee horyaalka ku qaada iyadoo aan dhinaceeda dhulka la dhigin.

 

9 Responses to Juventus Oo Go’aansatay Inaysan Xiddig Seddaxaad Ku Tolan Maaliyadeeda.

  1. Aadan Dheere Reply

    09-June-2012 at 12:40 pm

    Reer milaano ayagoo aan 10 koob gaarin ayaan 20 koob qaadnay oo labo xiddig ku tolanay maaliyada marka waa caadi anaga waxba uma aragno

  2. c.x.h Reply

    09-June-2012 at 9:47 am

    dhib malahan wey gari doontaa waayo 2 scudetto aya ka dhiman kaliyae 30 wana la qaadi donaa

  3. italiano Reply

    09-June-2012 at 12:35 am

    pianco neri caadi ma aha reer milan daal ayaa dilaya sodonkana shaqay rabtaa

  4. C/lahi ole Reply

    08-June-2012 at 11:37 pm

    Juventus wa team weyn viva pirlo ole albaQRA

  5. Axmed vidal Reply

    08-June-2012 at 11:19 pm

    Grazie laacib.net waa loobahanyahay war bixinta juve inaad nosoo kudbisaan waxaa idin leyahay haka caajisina arimaha boqorada italiya forza juventus

  6. camo Reply

    08-June-2012 at 9:14 pm

    asc sxbayaal waxba ha ka war warina juva way ku tolanaysaa sanadaha soosocda sadex xidigood o ay shaqaysatay veva juva mar haday soo laabatay waa halkeedii ayay ka miisaysyaa.kkkkkkkkkkkkkkkkkk

  7. Ahmed sheikh macqulsome Reply

    08-June-2012 at 5:44 pm

    Waaw nice lkn waxa fcneyd in xidiga sedaxad lagu qoro funanada korkeda viva pianconeri

  8. Mhaji Reply

    08-June-2012 at 5:44 pm

    Wow cajib juv waxaa ugu dhiman 2 koob xidigada sadaxaad’

  9. Mhaji Reply

    08-June-2012 at 5:43 pm

    Wow cajib juv waxaa ugu dhiman 2 koob xidigada sadaxaad

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>