
Halyeeyga reer Holland Johan Cruyff ayaa aaminsan in fursada ay Spain u heysato koobka Euro 2012 inay kala dhantaalmi karto madaama uu jiro kala qeybsanaan u dhaxeysa ciyaartoyda Real Madrid iyo Barcelona.
Tan iyo markii uu Jose Mourinho macalin u noqday kooxda Los Blancos, labada kooxood ayaa kulamadooda El Clasico waxa ay noqdeen kuwa isku dhac badan uu ka soo baxo islamarkaana ay isku maandhaafaan ciyaartoyda iyo shaqaalaha tababarka.
Waxaana Cruyff oo shan sanno ku soo qaatay Camp Nou isagoo ciyaaryahan ah iyo sideed sanno oo uu tababare u ahaa uu aaminsan yahay in qilaafka u dhaxeeya ciyaaryahanada labada kooxood inay wiiqi karto fursada ay Spain u heysato inay difaacato koobkaan.
“Spain waa xul aad u wanaagsan, lakiin tababare Vincente del Bosque shaqo badan ayaa gacmaha ugu jirta oo ku aadan kala fogeyntii uu Jose Mourinho kala fogeeyay ciyaartoyda Real Madrid iyo Barcelona” ayuu Cruyff u sheegay De Telegraaf.
“Kooxna kuma cadcada koobkaan, waxaa jira xulal badan oo awood leh. Waxaa xiiso leh xilligan oo kale in tayada shaqsiyaadka aysan waxba ku soo kordhin Karin xulalka.
“Portugal ayaa tusaale kuugu filan. Waxaad arkeysaa magacyada qaar ee ay wataan, waxaadna ka filaneysaa xul weyn, lakiin koox ahaan uma istaagi karaan”.
Netherlands ayaa waxa ay ku Group yihiin Germany, Portugal iyo Denmark, waxaana Cruyff uu dareensan yahay in Group B uu yahay Group furan.
“Dabcan Jarmalka waa xul aad u fiican. Ciyaarihii ay isagu diyaarinayeen koobkaan waa laga badiyay qaarkood lakiin taas wax macno ah ma keeneyso. Kaliya waxa ay sii noqanayaan xul halis ah”.
“Dhanka kale Denmark hubaashii ma ahan xul tabar daran. Waana quruxda Groupka ay Netherlands ku jiro, sababtoo ah cidna ma taqaano xulkii soo bixi lahaa”.
Caaqil114
08-June-2012 at 7:33 pm
asc marka laciyaaraayo ciyaar adag inta badan weey jirtaa xamaasad waana la iksu dhacaa, laakiin markeey noqoto qaran nin waliba xil baaka saaran inuu qarankiisa guul usoo hoyo, markaan hadalkaan waxaan u arkaa siyaasad kale ama ciyaar lala ciyaaraayo spain si la iskugu diro koobkana uga haraan..kkkkk cajiib.. xitaa haduu isku diray waa laga dareemi lahaa iyagoo isku xanaaqsan taasna hadda ma muuqato duqa weeyku daadatay. kkk koobkaan spain baa ku leh hadeey weeysana holand baan larabaa holand waa xulkeeyga labaad… guul spain
shamso
08-June-2012 at 5:39 pm
mourinho tababare wa tahay wallee aniga aduunyada maanta tababare ka fiican mourinho maba haayo ku darso aniga waxaan taageeraa barcelona lkn qaranka spain waan rabaa ineeysan meel gaarin sidoo kale portugal ma jecli ineey xitaa groupka ka soo baxdo koobkan faransa ama holland ayaan la rabaa waliba faransa ayaan la jeclahay ineey qaadaan hadeey faransa hartana holland
real madrid
08-June-2012 at 4:32 pm
runti mourinio wax khalada kuma leh wayo intusan imanba kahor col ayay ahayen ciyartoyadu runti khilafka waxa wada ciyartoyada reer barca spain waxan urajaynaya gul daro holand na guul haday noqoto c.ronaldo wa nin kal soni leh o lugtisa kushaqaysta maha sida mesi kumana daba no lo sida raga kale by+++ m.x.c charles
Aric abidal
08-June-2012 at 4:23 pm
F aga speyn waa iney iska ceyriyan labad qaa,in teda kale xulka speyn uma jabayo koobkana asagaa iska leh wa gartenaa filaa
laki
08-June-2012 at 3:10 pm
Portugala ku leh viva cr7
Yaska
08-June-2012 at 3:01 pm
Kkkk waarun odaygan halaga racdeyo spain hadii kale laliga ayaa halabi doono odaygan waa quuqle iyo foodale ee ha iska baxo
TIGER-XAVI
08-June-2012 at 3:00 pm
Mourinho wuxu aminsanyahay inu Ronaldo qadi karo euro hadi u isku diro ciyartoyda Spain lkn ma surta galeyso tas. Hadu ogyahay in Portugal eytahay xulka ugu tabarta daran cupkan wu isnici laha.
Quman
08-June-2012 at 2:46 pm
Asc,, waxaan aad ula yaabanahay duqani meel walba oo la joogo maxaa jose mourinho daba dhigay ,,,meeshan barca iyo real ma yaalaan ee wa qaran spain la yiraahdo josena runta hadii laga hadlo iskuma dirin laba ciyaartoy maxaa yeelay haduu isku diray way bay maanta euro u ciyaarayaan may ku fashilmaan kulamadii usoo bixitaanka Euro,, waxaan u arkaa war lagu qoslo duqan waxa uu sheegayo,, waxanba qabaa isagaa kow ka ah waxa labadaa kooxood isku dira oo 24 hours colaad dhex dhigaya,, spain jose iskuma diri karo waa hadii runta la doonayo,, Hala Madrid!!
ahmed
08-June-2012 at 2:41 pm
kkkkkkkkkk odagii mourino ahaa wuxuu meesha u jooga waa lacadeeyeyna spian buu rabaa inuu fiiqo waa iska xadahayna taasi
yasin
08-June-2012 at 2:13 pm
wacadiyows
omar(palacios)
08-June-2012 at 2:05 pm
sxbyaal jimce wngsn marka hore ” Hadalka kasoo yeeray halyey Crouff waa run nin kan Mourinho na mesha wuxuu ujoogaa inuu baabiiyo xulka Spain wuxuuna kaxun yahay koobka sadexaad ee loo saadaalinayo S,Ramos na waa ilma yar oo doqona wuxuuna qaataa hadalka munaafaqaas mourinho spain na sanadka way qaadaysaa koobka ramos na isagaa wax fahmi doona Viva Spain or La roja
asad .gesey
08-June-2012 at 2:03 pm
portugal weraryahan iyo goal keeper labadaas aya kamaqan . Lakin spain dadku maxay u bunbuniyan . France ma arkan miya? Wacdaro aan horay loarkin aya kadhici donta uero. Viva gele and qorane
LiLMUU
08-June-2012 at 1:57 pm
oops
maestro Xavi hernandez
08-June-2012 at 1:38 pm
wa sax Ciyaartooyda Barca & madrid waxaa kala fogeeyay iskuna dirya odayga quuqlaha aha ee jose mourinho hadii eeysan xalin qilaafka kadhaxeeya kohor kulanka axada waxaa hubaal ah in eey meesha kabaxeeyso isku xirnaantii iyo wada shaqeeynii dhextaalay :la furia Roja” waxaana dhimaneeysa rajadooda ku aadan in eey difaacdaan koobka,
Barre.buurfulle
08-June-2012 at 1:37 pm
Wa yaabkas