Zlatan Ibrahimovic Oo Qashinka Ku Shubay Wararka Sheegaya Inuu U Dhaqaaqayo PSG. | Laacib.net
Home » Horyaalada » France » Zlatan Ibrahimovic Oo Qashinka Ku Shubay Wararka Sheegaya Inuu U Dhaqaaqayo PSG.

Zlatan Ibrahimovic Oo Qashinka Ku Shubay Wararka Sheegaya Inuu U Dhaqaaqayo PSG.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 6-06-12 1:31 PM

Zlatan Ibrahimovic ayaa wareysi uu bixiyay ka dib ciyaartii xalay ay xulkiisa Sweden kaga badiyeen Serbia waxa uu biyo qabow ku shubayay wararka sheegaya in loo soo bandhigay lacag aan laga jeesan karin si uu ugu biiro Paris Saint-Germain.

Waxaa aad la isla dhexmarayaa in ciyaaryahanka ku guuleystay xilli ciyaareedkii dhamaaday gooldhalinta Italy ee Capocannoniere inay xiiseyneyso kooxda ay iska leeyihiin qoyska reer boqor ee dalka Qatar ee PSG.

Waxaa jiray warar sheegaya in Milan miiska loo soo saaray dalab 40 milyan ginni ah, waxaana warkaasi sii shiday markii Andraino Galliani uu dhawaan booqasho ku tagay caasimada Faransiiska.

Si kastaba, ka dib markii Sweden ay 2-1 kaga badisay Serbia xalay, Ibrahimovic ayaa qashinka ku shubay wararkaas.

“Wax ka run ah haba yaraatee ma jirto” ayuu u sheegay Gazzetta dello Sport.

“Wax badan ayaa laga hadlay mustaqbalkeyga, lakiin kaliya waa warar iska xan ah”

“Waxaan ahay ciyaaryahan Milan ah, waana ku faraxsanahay kooxda” ayuu hadalkiisa ku koobay.

7 Responses to Zlatan Ibrahimovic Oo Qashinka Ku Shubay Wararka Sheegaya Inuu U Dhaqaaqayo PSG.

  1. Cawaale Sacad muuse Reply

    11-June-2012 at 11:29 am

    Ibraahim waa nin karti leh oo geesiya ilamana ah Inuu katagayo kooxdiisa Milan

  2. abdi naasir socdaal Reply

    07-June-2012 at 3:58 pm

    ila ma ahan in uu ka tagao ibra ac milan waayo asigaba wuu ogyahay meesha u wanaagsan hada ibra ac wuu ku farax san yahay

  3. Abdala Reply

    07-June-2012 at 11:58 am

    Ibra thx waa geesi jcl kooxdiida iyo mustaqbalkisa intaba viva milan iyo zalatan

  4. nuur milano Reply

    06-June-2012 at 10:08 pm

    sei ibra pravo tu jikatore sinmare resta milano forsa milan an forsa ibra

  5. pato Reply

    06-June-2012 at 5:44 pm

    yes pravo grand ibra

  6. somaliastar Reply

    06-June-2012 at 4:12 pm

    prov ibra nin jire dheeh

  7. Max'ed siciid cali Reply

    06-June-2012 at 1:50 pm

    Ibraahim waa qof jira oo u qalma in uu sii joogo koxda milin

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>