Tottenham Oo Dhameeystiri Doonta Isbuucaan Lasoo Wareegidooda Difaaca AJax Jan Vertonghen. | Laacib.net
Home » Horyaalada » Holland » Tottenham Oo Dhameeystiri Doonta Isbuucaan Lasoo Wareegidooda Difaaca AJax Jan Vertonghen.

Tottenham Oo Dhameeystiri Doonta Isbuucaan Lasoo Wareegidooda Difaaca AJax Jan Vertonghen.

Waxaa Qoray: Hanna Ibraahim
Twitter: Taariikh: 6-06-12 9:17 PM

Difaaca Ajax Jan Vertonghen ayaa dhameystiri kara usoo dhaqaaqitaankiisa Tottenham isbuuca dhexdiisa,sida uu sheegay wakiilka ciyaaryahnka.

Tottenham iyo Ajax ayey u muuqataa inay isla meel dhigeen wadahadalada 25 jirkaan kabtanka u ah kooxda Ajax kaasoo si aad ah loola dhacay qaab ciyaareeedkiisa kulankii xulkiisa Belgium ay guul darro 1-0 ah kasoo gaartay xulka England ciyaar ka dhacday Wembley Stadium axadii lasoo dhaafay.

Difaaca dhexe ee kooxda reer Holland ayaa lasoo werinayaa in la isla meel dhigay inuu 15 million euro ugu soo dhaqaaqo White Hart Line,laakiin kooxda reer London ayey u muuqataa inaysan qarash badan ku bixin doonin ciyaaryahanka,kaasoo qandaraaskiisu uu dhacayo xagaaga soo socda.

Vertonghen ayaa sheegay isbuucii hore in ku guul daraysashadii Spurs ee inay kasoo muuqdaan Isreereebka Champions League aysan saameyn ku yeelan doonin u dhaqaaqitaankisa waqooyiga London.

Wakiilka ciyaaryahanka Mustapha Nakhli ayaana sheegay inuu rajo weyn ka qabo in saxiixa lasoo gabagabeyn doono goor dhow.
“Jan wuxuu sugayaa.In kooxuhu is afgartaan,” Nakhli ayaa u sheegay Voetbal International.

“Waxaan rajeynayaa inay soo dhamaato isbuuca.Waxaan u maleynayaa inay saas noqon doonto.Tottenham ayaana la hadleynaaa.”

10 Responses to Tottenham Oo Dhameeystiri Doonta Isbuucaan Lasoo Wareegidooda Difaaca AJax Jan Vertonghen.

  1. Maxamed subane Reply

    07-June-2012 at 5:03 pm

    Mxma inu naga tago ajax cyrty uma dhutineyso verthongen v.d.wiel ha iska tagaan waxaa ciyaaraya boillsen iyo v.rhijn viva vermeer anita alderweireld v.rhijn boillsen janssen de jong ericksen sigthorson sulejmani boerigter

  2. zaki qanciye spaina boi Reply

    07-June-2012 at 4:36 pm

    Wlcm vortghen no imaw dawson na injari ayu ka so kaca wa adi & DAWSON

  3. Mullar Reply

    07-June-2012 at 10:14 am

    Arsenal ayada ninkan fasaxday lkn ajax wanka marana inta u jogo kscienly

  4. King khaan Reply

    07-June-2012 at 8:40 am

    Asc waxan ahay guur doon hala icawiyo fadlan waxan tageraa arsenal vs real madrid vs Ac milan vs borisyo dortamud

  5. ___________arab Reply

    07-June-2012 at 3:02 am

    caadi i$ka dhiga just wixii jira iya wixii qaldanba waa in la isu sheega ma diidani in la qaldoomi karo

  6. arap waraa doqonow webka ha caynin hawarta malahe is ka aqriso kanadag faido ayan ku qabna una mahad celi kakakakakakakak.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k Thanks webka

  7. calanka soomaaliyeed Reply

    07-June-2012 at 1:22 am

    waxaan aad ugu faraxsanahay ciyaaryahaykan kabtanka u ah ajex in uu u ciyaaro kooxda tottenham waayo sanakan oo dhan halka laga haysto ayaa ah khadka dhexe ee difaaca hadii ay hesho waxaa laga yaabaa inay ku guulaysan karto koobabka dalka iyo dibadaba

  8. wiilka sanadka Reply

    07-June-2012 at 12:55 am

    marax qalad waa dhacaa weli xaga qoraalka waa wax iska caadi ah ee wabka sidaas ha ula hadlin marax

  9. Mowga Reply

    07-June-2012 at 12:27 am

    Asc waxaan jeclaan lahaay vertonghen in uu u soo wareego Gunners lkn inta uu noo joogo Wenger kooxda faaido malahan intaas kadib ninkaan wato arab caadi iska dhig ninyahow waxa wax qoraayo waa bini aadam ee ma ahan compiyuutar hadane dadki wararka idiin soo godbinaaye ayaa ku mashquuleysin yaa idin ka fakanaa waaye su aasha Soomaliyeey dadka ha ku mashquulina

  10. _________arab Reply

    06-June-2012 at 9:47 pm

    MAGACA SAX WAA AJAX AMESTERDAM EE MA AHAN AXAX

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>