Massimiliano Allegri Oo Meesha Ka Saaray In Milan Ay La Soo Wareegi Doonto Mario Balotelli. | Laacib.net
Home » Horyaalada » Italy » Massimiliano Allegri Oo Meesha Ka Saaray In Milan Ay La Soo Wareegi Doonto Mario Balotelli.

Massimiliano Allegri Oo Meesha Ka Saaray In Milan Ay La Soo Wareegi Doonto Mario Balotelli.

Waxaa Qoray: Hanna Ibraahim
Twitter: Taariikh: 6-06-12 4:38 AM

Macalinka kooxda AC Milan Massimiliano Allegri ayaa qiray in kooxdiisu aysan xiiseyneyn weeraryahanka kooxda Manchester City Mario Balotelli.

Rossoneri ayaa si hoose loola xiriiriaayey ciyaaryahanka u dhashay Itlay ka dib markii tababaraha Sky Blue Roberto Mancini uu sheegay inuu maaro u waayey Anshax darada ciyaaryahanka xagaagii tegay tiiyoo Mario Balotelli. lala xiriiriyey inuu u hayaamayo San Siro inta lagu guda jiro xagaaga.

21 jirkaani ayaa intii uu xaqiijiyey inuusan ka tegeyn kooxda heysta horylaaka England, Allegri ayaana cadeeyey inuusan xiiseyneyn lasoo saxiixashada ciyaaryahankii hore ee Inter Milan.

“Mario ma imaan doono Milan,”ayuu u sheegay Chi magazine

“Waxaan rajeynayaa inuu noqdo nin weyn,  mustaqbalka ciyaareed ee ciyaaryahan waa ay gaaban tahay”

“Waa inuusan ka qoomameyn qaladaadkii uu sameeyey.”

44 jirkaani ayaa sidoo kale cadeeyey inuusan qorsheyneyn inuu soo afjaro xirfadiisa macalinimo, laakiin wuxuu qiray inuu jeclaan lahaa inuu hogaamiyo xulkiisa Talyaaniga ka hor inta uusan soo afjarin xirfadiisa tababarenimo

“Waxaan ku hakin doonaa 10 sano.”ayuu yiri mar kale Allegri.

“Waxaan ka bilaabay [Serie A] markii aan 40 jir ahaa, waxaana joojin doonaa marka ay da’adeydu gaarto 55 sano.

“Afar iyo toban sano oo macalinimo ah wey igu filan tahay ka dib ayaan iska dhaafi doonaa. Waxaan qirayaa inaan jeclaan lahaa inaan Macalin u noqdo Italy.”

5 Responses to Massimiliano Allegri Oo Meesha Ka Saaray In Milan Ay La Soo Wareegi Doonto Mario Balotelli.

  1. Maxamad deeq Reply

    06-June-2012 at 5:02 pm

    Sneijder,v.persie ibrahim afalay inanka muslimka ah iyo asxabtisa banoontiisa laqayb saneysa holan ama nether ayaa qaadi doonta koobka yurub (we support u)

  2. Maxamad deeq Reply

    06-June-2012 at 5:00 pm

    Waxa ku guleysan dona nether dadka fananada oranjiga ku labisan

  3. Waxey uficilayan waa nin madow ah misna kasojedo itely haficilina nin kan waa african sidini okale ah hal il haku firinina ku firiya 2= il by

  4. Maxamed ibrahim maxamuud Reply

    06-June-2012 at 5:34 am

    Wad uqalanta in aad macalin unoqotid itly

  5. yaxye25 Reply

    06-June-2012 at 5:26 am

    waa saxnyahay macalinkaan sababtoo ah mario waa cunug qalbi caruur ah kooxda hadii lakeeno wuxuu kubilaabayaa qas iyuo fowdo marka waan ku raacsanahay taba baraha milan

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>