
Zdenek Zeman ayaa shir jaraa’id uu qabtay wuxuu ku cadeeyey inuu hogaamin doono Roma xagaaga soo socda isagoona macsalaameeyey Kooxda Pescara.
Tababarahaan ayaa ka caawiyey Pescara inay 20 sano ka dib kusoo laabato Sera A, laakin bedelkii uu u ahaan lahaa tababarahooda wuxuu u hayaamayaa Stadio Olimpico si uu u dhameystiro shaqadii uu soo bilaabay 13 sano ka hor.
“Waxaan halkaan uga mahad celinayaa qof walba oo igala shaqeeyey kooxda iina ogolaaday inaan hogaamiyo kooxdaan. Caawiyayaasheydii, Franco Mancini, Daqaatitra iyo madaxda.
“Dhamaateen waxaan sameynay xilli ciyaareed weyn kaasoo aan si xamaasadeysan ku soo shaqeynay, sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa taageerayaasha Pescara, kuwaas oo had iyo jeer howsha nala fulinaayey.
“Wixii aan ka arkay baskii dusha ka furnaa ee aan ku soo wareegnay magaalada gudaheeda, waxa ay aheyd wax aanan meel kale waligeey ku arkin. Waxaan rajeynayaa in Pescara ay muddo dheer sii joogto Serie A”.
“Roma ayaa hogaamin doonaa xilli ciyaareedka soo socda. Roma hada ka hor ayaan ka soo shaqeeyay, mana awoodin inaan ku sameeyo wixii aan doonnayay, laakiin mar kale ayaa fursad u helay inaan tababare u noqdo koox muhim ah. Tani waa fursadeydii iigu danbeysay oo aan ku tababaro koox heer sarre ah oo leh hami weyn, madaama aanan in badan aheyn nin da’ yar” ayuu hadalkiisa raaciyay 65 jirkaan.
Zdenek Zeman ayaa Roma macalin u ahaa intii u dhaxeysay 1997–1999.
Blues man
03-June-2012 at 8:30 am
zeman ku so dhawaw asroma waxana laga raba inad koxdan isku dhexyaca ah kala saarto wa waqtigi ebed an arko roma o sanadahan danbe lidata marka shaqo wacan
Caaqil114
03-June-2012 at 5:24 am
asc bal hala arko wuxuu soo kordhiyo fursad hala siiyo…
C/raxmaan 10
03-June-2012 at 12:23 am
Asc dhamaan umada muslimka ah adan kuusoo dhaweey naaynaa hadan rre roma nahay wlcme hadad hore usocod tahay koobabna aad qaadeyso guul
milanelo
02-June-2012 at 11:29 pm
Ha wala xasuusta wagii uu roma joogay ninkan wa ninkii soo saaray totti, tommasi, delvechio, markale nasiib wacan ayan leeyahay zeman waxid check