Ciyaaro Saaxiibtinimo: Jarmalka Oo Garaacay Isreal Iyo France Oo Ka Talaabsatay Serbia. | Laacib.net
Home » Europa League » Ciyaaro Saaxiibtinimo: Jarmalka Oo Garaacay Isreal Iyo France Oo Ka Talaabsatay Serbia.

Ciyaaro Saaxiibtinimo: Jarmalka Oo Garaacay Isreal Iyo France Oo Ka Talaabsatay Serbia.

Waxaa Qoray: Hanna Ibraahim
Taariikh: 1-06-12 12:54 AM

Xulka Jarmalka ayaa caawa ciyaar saaxiibtinimo laba iyo waxba ku dardaray xulka Israel ciyaar ka dhacday Red Bull Arena.

Weeraryahankooda Mario Gomez ayaa goolka hore u furay daqiiqadii 40aad ee ciyaarta ka dib markii ay si fiican iskula jaanqaadeen Sami Khedira iyoThomas Müller iyadoo ugu dambeyn u si awood leh shabaqa ugu hubsaday Mario Gomez,sidaas ayaana lagu kala nastay.

Markii la isku soo laabtay iyadoo ay ciyaarta ka dhiman tahay wax ka yar 7 daqiiqo ayaa Andre Schürrle oo daqiiqad ka hor bedel kusoo galay wuxuu meel fog kasoo toogtay shabaqa isagoo Germany u saxiixay goolka labaad ee rajo dhinac u riday.

Dhanka kale xulka France ayaa natiijada taas la mid ah ku dardaray xulka Serbia.

Franck Ribéry ayaa goolasha u daah furay daqiiqadii 11aad ee ciyaarta ka dib loob uusoo dhigay Gael Clichy oo uu soo celiyey goolhayaha Serbia Zeljko Brkic ayaa waxaa meel shabaqa u dhow ka helay Ribéry oo si awood leh ugu dhex dhigay shabaqa.

Goolka labaad waxaa u dhiliyey Florent Malouda oo kubad si qalad ah uu ugu dhibay ciyaaryahan ka tirsan xulka Serbia Malouda ayaana meel dheer kaso toogtay goolka waana daqiiqadii 16aad ee ciyaarta, intaas kadib fursado ay abuureen ciyaartoyda xulka Serbia waxaa beeniyey daafacyada France.

Greece ayaana Hal iyo Waxba kaga talaabsaday Armenia goolka guushana waxaa u dhaliyey ciyaaryahankooda Papadopoulos daqiiqadii 23aad.

12 Responses to Ciyaaro Saaxiibtinimo: Jarmalka Oo Garaacay Isreal Iyo France Oo Ka Talaabsatay Serbia.

  1. magaca waa cabdi salaam xasan kurus Reply

    04-June-2012 at 4:34 pm

    ana waxaan dhihi karaa argantine ayaa ku guulesaneso koobkan argantine waxaa u ciyaaro dad qibrad gooni ah u leh kubada

  2. C/lahi ole Reply

    03-June-2012 at 11:42 pm

    Jarmelka wa qaranweyn wenaqadayan kobga uero viva oliech ole boy

  3. magaceyga wa c/raxmaan jubba Reply

    03-June-2012 at 8:36 am

    waxan kuheysataa spain viva spain and torres&xavi &ineista spain aya koban labeysaneyso sandkaan wana c/rxmn.jubba spain guul insha’allah by by

  4. Hanad Reply

    02-June-2012 at 11:57 pm

    K.k.k. Gobka wa france k.k.k.

  5. korneelka Reply

    01-June-2012 at 12:36 pm

    WAA SIDAY U BILAABATAY XISAABTANKA HADA AYAA CALCULATOR LA QAADANAYAA KA BILOW PURTUGAL ILAA FINAL KA FIF GERMANY FOR EVER AND LIVERPOOL

  6. Hanad yuukey Reply

    01-June-2012 at 9:37 am

    Koobka waa jarmal waana aragtay xasuuqa oo ku dhigay israeal waa sxbkiin hanad yuuukey oo idin leh byyyyyy

    • salaad Reply

      02-June-2012 at 5:53 pm

      sln kadib koobkaan waxaan u rajeynayaa in aay qaadaan qaranka germany waayo waxaay wataan awood ciyaaryahano aad u tayo badan ayaa jooga oo xili walba lagafilankaro gool iyo goolalba

  7. Mohamed hasen Reply

    01-June-2012 at 9:26 am

    Wegerey france lamakarayo 19 unbeaten games in a row. keep the faith, wana ino june 7deeda iyo poland and ukrain viva ahmedhasen

  8. yaasiin Reply

    01-June-2012 at 6:01 am

    asc walalahey muslimka ah hadabo waxaad ogaatan wadanka jarmalka waa wadan aad isku so diyariyay waxna jeclaan lahaay in uu ku guuleysto kobka viva jarmal

  9. C.raxmaan Reply

    01-June-2012 at 1:42 am

    Germany sidii hore ma.ahaanayaan isra.el koox ayay ka badiyeen lama dhihi karo hala gaadho uero cupka

  10. Baag hamashol Reply

    01-June-2012 at 1:38 am

    Guusha ay jarmalku gaadhay wamid looga fadhiyay wanan kufaraxsahay wana kooxda labad anwato. kooxda kowaadna waa spain

  11. c.karin chicharito Reply

    01-June-2012 at 1:20 am

    kkk sidas iyo si lamidaa laga filaya germany inkasto hbyn dhawayd qadari dhacday hadana cid hor istagasa majiran germany viva gotze

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>