Giorgio Chiellini Oo Diyaar U Ah Kulanka Ay Itlay Ka Horimaaneyso Xulka Russia. | Laacib.net
Home » Europa League » Giorgio Chiellini Oo Diyaar U Ah Kulanka Ay Itlay Ka Horimaaneyso Xulka Russia.

Giorgio Chiellini Oo Diyaar U Ah Kulanka Ay Itlay Ka Horimaaneyso Xulka Russia.

Waxaa Qoray: Hanna Ibraahim
Twitter: Taariikh: 31-05-12 12:31 AM

Ciyaaryahanka kooxda Juventus Giorgio Chiellini ayaa la filayaa inuu kusoo bilaan doono kulanka saaxiibtinimo ee xulkiisa Talyaanigu la balansan yihiin Russia jimcaha, iyadoo sidoo kale la filaayo in qorshaha ay ku jiraan Riccardo Montolivo, Antonio Cassano iyo Mario Balotelli.

Ciyaartii Luxembourg ayaa la baajiyey talaadadii markii Parma uu ka dhacay dhulgariir.

Taasi macnaheeda ayaa ah in wiilasha Cesare Prandelli ay keliya is tijaabiyeen hal kulan ka hor Euro 2012 taas oo aheyd kulankii ay Spain la ciyaareen 10kii June.

Cassano iyo Balotelli ayaa la filaayey inay labadoodu wajahaan kulankii Luxembourg, laakin waxaa la rajeynayaa inuu qeyb ka ahaado kulanka Russia Montolivo.

Chiellini ayaa dhaawac kasoo gaaray kulankiisii ugu dambeeyey ee Sera A ay 3-1 kaga talaabsadeen Atlanta,laakiin waxaan la rajeynayaa inuu kasoo bogsooday dhaawicii kasoo gaaray cajirka isagoo kusoo bilaaban doona kulanka jimcada ee xulka Italy.

Ciyaaryahanka ay isku kooxda yihiin Andrea Barzagli ayaa la ciyaari doona difaaca dhexe, halka Christian Maggio iyo Federico Balzaretti ay ciyaari donaan difaac labada garab.

Andrea Pirlo, Claudio Marchisio iyo Daniele De Rossi ayaan iyaguna dhameystiri doona qadka dhexe.

11 Responses to Giorgio Chiellini Oo Diyaar U Ah Kulanka Ay Itlay Ka Horimaaneyso Xulka Russia.

  1. Abubakar Reply

    31-May-2012 at 6:12 pm

    Asc shaqalaha & madaxda laacib .net & dhaman akhristayasha laacib .net kadib waxan idinka codsanayaah inaadan marka hormarinin comentigi ugu dambeyay sabab too marka qofku aqrishto warbixinta kutaala mesha uurabo kadib wuxu aadayaah dhanka comentiga qofkastana wuxu rabaah inuu arko xifaaltanka taagerayasha marka mafiicna iney qofku kuwarerto fikrada is dhaafsiga hada bal goal.com waxad arkeysay comentiga kore inuu yar waxi ugu horeeyay ee laqoray thanks dhaman

  2. mudane goal Reply

    31-May-2012 at 3:47 pm

    halla halla halla saasaan kaarabaa chiellini kaleexda xulka dhamayska tiran koobku sanadkan waa italy viva azzuri

  3. Islaaw socdaal Reply

    31-May-2012 at 2:52 pm

    Hayaay wasiirka difaaca talyaaniga waa nin culus oo muhiim inoo ah xulka azzuri waxaan urajeynayaa guul grazie chiellini

  4. Saabir yare Reply

    31-May-2012 at 2:23 pm

    Viva azzurri sanadkan sanadkeenii waaaye anagaa iskaleh loooool

  5. jamal Reply

    31-May-2012 at 1:34 pm

    italy qad dhexe iyo difaac cid kuheysata majirto werar koodana maxuma viv azzuri

  6. Xaaji Milaano Reply

    31-May-2012 at 11:53 am

    Saaxibayaal guul ayaan urajaynayaa italy team Geilini wuu caawin garaa daafaca dhexe

  7. Yuza Reply

    31-May-2012 at 11:53 am

    Waw xula ka dhacay pirlo merchesio and de rosi . Ama lugenburg darsin loga badiya

  8. Xuseen axmed cali Reply

    31-May-2012 at 11:24 am

    Italy sanadkan si fiican uma diyaarsano. Macanaha ma wataan laacib macquul ah

  9. Signore Reply

    31-May-2012 at 10:33 am

    Nagu filan halkaas kulan yaanan helin dhaawacyo cusub lee ileen waqti maharinee tan kale cid og majirto qaab ciyaareetka cusun ee noo qarsan ha idinku taagnaato kkkkkkk

  10. Omarmilano Reply

    31-May-2012 at 9:25 am

    Wan ka xumahay xulka talyaaniga ma aha koox uqalanto in ay wax laqeybsato kooxaha reer yurub mana filaya in talyaniga kasoo bixi karo wareega ugu horeeya waxana usaadaalinaya koobkan xulka spain

  11. Xuseen yare Reply

    31-May-2012 at 1:17 am

    Waaw waa juventus kalya aya la dhihi karaa AZZURI goalbeaper defender and middel filder FIFA AZZURI

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>