Xulka France Ee Euro 2012 Oo La Magacaabay Iyo Yoann Gourcuff Oo La Soo Tagay. | Laacib.net
Home » Europa League » Xulka France Ee Euro 2012 Oo La Magacaabay Iyo Yoann Gourcuff Oo La Soo Tagay.

Xulka France Ee Euro 2012 Oo La Magacaabay Iyo Yoann Gourcuff Oo La Soo Tagay.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 29-05-12 2:00 PM

Tababaraha xulka France Laurent Blanc ayaa ka ka soo tagay ciyaaryahankii khadka dhexe ee Yoann Gourcuff iyo daafaca Mapou Yanga Mibiwa, isagoo magacaabay 23ka ciyaaryahan ee France u mataleysa ciyaaraha Euro 2012.

Gourcuff ayaa qeyb ka ahaa xulkii 32da ka koobnaa ee tababarka uu u socday, lakiin waxa uu ku guuldareystay inuu sameeyn weyn yeesho kulankii saaxiibtinimo ee ay 3-2 kaga badiyeen Iceland habeenkii axada.

France ayaa bedelkisa waxa ay ku tiirsanaan doontaa ciyaaryahano orod leh oo garbaha ka ciyaaraya sida Jeremy Menez, Franck Ribery iyo Mathieu Valbuena kuwasoo xulka ku jira.

France ayaa ku jirta Group D oo ay kula wehliyaan England, Ukraine iyo Sweden.

Les Bleus, ayaan dhinaceeda dhulka la dhigin 19kii kulan ee ugu danbeysay, waxaana ay ciyaaraha Euro 2012 ku bilaaban doonaan kulan ay la ciyaarayaan England 11ka bisha June ee soo socota.

Xulka France ee Euro 2012:

Goolhaye: Hugo Lloris (Lyon), Steve Mandanda (Marseille), Cedric Carrasso (Bordeaux)

Daafac: Gael Clichy (Manchester City), Patrice Evra (Manchester United), Laurent Koscielny (Arsenal), Philippe Mexes (AC Milan), Adil Rami (Valencia), Mathieu Debuchy (Lille), Anthony Reveillere (Olympique Lyon

Khad Dhexe: Yohan Cabaye (Newcastle United), Florent Malouda (Chelsea), Samir Nasri (Manchester City), Alou Diarra (Marseille), Yann M’vila (Rennes), Marvin Martin (Sochaux), Blaise Matuidi (Paris St Germain)

Weerar: Hatem Ben Arfa (Newcastle United), Karim Benzema (Real Madrid), Franck Ribery (Bayern Munich), Olivier Giroud (Montpellier), Jeremy Menez (Paris St Germain), Mathieu Valbuena (Marseille).

16 Responses to Xulka France Ee Euro 2012 Oo La Magacaabay Iyo Yoann Gourcuff Oo La Soo Tagay.

  1. mustaphe Reply

    31-May-2012 at 11:32 pm

    a.s.c dhamaan daadihiyaahsa wepsitekan laacib.net
    hadaan kahadlo fekerkayga ku aadan france
    waxaa nasiib daro ah in laga tago ciyaar yahan dhex ah.aduunka imika waxa layska atacgareeyaa waa dhexda,markaa tabaruhu dhex hagaagsan muu soo xulanba!!!

  2. cabdi fatax cali Reply

    30-May-2012 at 8:50 pm

    waa sax in laga soo tago ciyartoy ka fiicanayaa jirta

  3. cabdi fatax cali Reply

    30-May-2012 at 8:48 pm

    waa war fiican la reebo waayo wax samayn ah kuma lah france wuxuu ka mid ahaa ciyartoydii flobka noqotay koobki addunka iyo euro 2008
    marka talabo sax ah ayuu qatay balanc nabadey

  4. c_/llahi germany Reply

    30-May-2012 at 7:33 pm

    AAD IYO AAD AYAAN UKA XUMAHAY IN LAKA SOO TAGO Gourcuff WAANA ARIN LA LA YAABO WAA CIYAAR YAHAN QABIIR AH HADANA SAA MEEN WEEN KU LEH XULKA FRNC MARKA IN LAKA SOO TAGO MA ILA EHEEN LKN FAKIRKA KOO BAAD WAXAA LEH TABRAHA XULKA ASAGA AYAA LA RABAA IN UU MAA RAAYO XAL WALBA OO YIMAADO IYO DHIBAATO WALBA OO IMAATO

  5. hamza bashiir yuusuf Reply

    30-May-2012 at 1:21 am

    haa waxan ahay farance lakin waa yaaab arimaha qaar marka aytimado walee wan wada arkidona hadii ilahay yirahdo byyyyyyyyyyyyyyyyyyyyy

  6. lamiiz Reply

    29-May-2012 at 7:48 pm

    ASC aniga fakar keyga markan kahatlo umaqalmo in laga sootago Gourcuff mana fiicno nin magac leh in laga sootago qaran ASC

  7. Caaqil114 Reply

    29-May-2012 at 3:57 pm

    walee rag xul ah ayaa lasoo xulay koleeba franca mataageero bal aan aragno halkeey gaaraan.. rag qibrad leh oo na xidigo ah ayuu soo xulay.. laakiin spain ayaa idin hortaagan.. viva spain..

  8. tageero england Reply

    29-May-2012 at 3:43 pm

    Kkkkkkkkkkkkk franca wan dardareynaa mana awoodaan in ee calshaan danny Welbacka 2

  9. Elmohamadey cade Reply

    29-May-2012 at 3:43 pm

    Wuu ku qaldanyahay tababaraha faransiska kasoo tagida uu kasoo tagay youn cocourf

  10. hargaysa cadey Reply

    29-May-2012 at 3:34 pm

    viva france viva ribery benzema nasri guuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuul yaab na celinkaradee

  11. magaceygu waa mayola Reply

    29-May-2012 at 2:48 pm

    ra igeyga hadii aan kahadlo runtii waxan aad iyo aad u taageraa xulka faransa sidookale waxaan maanka aan kuheynaa in sanadkan ay san jirin cid naga awood bdn inkastoo kubada ay tahay cad iyo madow hadana waan qaadeynaa sanadkan thanks all

  12. Firin Reply

    29-May-2012 at 2:29 pm

    Waxaan u jeedaa halkan Malouda ma aqaan ma indhahaygaa mise waad iila jeedaan tan labaad ma arko Abu Diaby maxaa sababay hee waa waalan yahay tababarahan wuxuu kasoo tagay Yoann Gourcuff

  13. Signore Reply

    29-May-2012 at 2:27 pm

    Good maxumakuwaan ilaa same final ka u rajay qatar waaye

  14. Caliyare Reply

    29-May-2012 at 2:21 pm

    Sinaba caadi ma ahin xulka uu soo magacaabay blanc england waa garaaceynaa xul tayo leh waaye good manager

  15. daahir abdullahi Reply

    29-May-2012 at 2:12 pm

    caadi ma aha xulka

  16. Kawaleridge_23 Reply

    29-May-2012 at 2:07 pm

    Hahahahahahahaha

    Florent Malouda
    Good lucky
    viva England and Chelsea

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>