
Isku diyaarinta xulka Italy ee koobka Euro 2012 ayaa waxaa hareeyay wararka ku saabsan xubno caan ka ah kubada Talyaaniga oo baaritaan uu ku socdo halka qaar kalena la xiray iyadoo looga shaki qabo inay lug ku leeyihiin fadeexada ku aadan qamaarka sharci darada ah ee ay ku sameeyeen kulamada qaar.
Boliiska Talyaaniga ayaa xiray kabtanka kooxda Lazio Stafano Mauri, kaasoo sidoo kale 11 kulan u saftay xulka Talyaaniga, isagoo lagu eedeeyay inuu ka qeyb qaatay ciyaaraha natiijoyiinkooda la sii qorsheeyay si qamaar loogu guuleysto, halka ciyaaryahanka khadka dhexe ee Genoa Omar Milanetto uu isna qeyb ka ahaa 19 kale oo la xiray sida boliiska ay sheegeen.
Dadka la xiray maanta ayaa ah dad looga shaki qabo inay ka qeyb qaateen koox si sharci darro ah qamaar ku dhigata ciyaaraha oo uu hogaaminayay nin u dhashay Singapore Tan Seet Eng kaasoo la xiray dhamaadkii 2011.
Daafaca Zenit St. Petersburg Domenico Criscito ayaa isna baaritaan uu ku socdaa, waxaana ay boliiska ay ku booqdeen xarunta tababarka ee xulka Talyaaniga saaka ee Coverciano.
Waxaa intaas sii dheer in sidoo kale tababaraha Juventus Antonio Conte isna farta lagu fiiqay, waxaana boliiska ay baaritaan ku sameeyeen gurigiisa si ay u ogaadaan inay ku lug lahaa ciyaarahaas natiijooyinkooda la qorsheeyay si qamaar loogu guuleysto.
Howlgalkii maanta ayaa qeyb ka ahaa baaritaan balaaran oo ku aadan ciyaaro natiijooyinkooda la qorsheeyay oo ka dhacay Talyaaniga.
Xiddigihii hore ee Italy Cristiano Doni iyo Giuseppe Signori ayaa laga mamnuucay inay ka qeyb qaataan kubada cagta, madaama lagu helay fadeexad la mid ah tan haatan baaritaanka lagu hayo.
yaxye25
28-May-2012 at 9:04 pm
qamaarka miyaa u qaaday horiyaalka juventus waxaas qiil manoqdo juventus si layaqaano ayee ku qaaday horiyaalka milan maba latartami karto juventus waayo isku awood mahan 6 oday ayaa laga diray milan sanadkaan tacbaanyaal waaye marka conte qamaar si shaqsi ah ayuu u dhigan karaa maxaa ka quseeyo juventus guulaheeda iyo qamaarka shaqsiyadeed soo barta kubada cagta aqaayaareey bye
Liban ali
28-May-2012 at 8:30 pm
Reer milano waxan idinku ognahay ciil & calaacal juventusna guusha iyo kobabka waligin ooya forza juventus
Mohaa/Heliwa/Macqulsome
28-May-2012 at 7:17 pm
asc wr wb aqyaarta sharafta leh dhamaan tiin salaan ka dib
taasna maxaa waaye marka Ac Milan inta qaladka laga galay soo ma badna marka sxbow waxa ey sameysteen taafeero wax weyn haka dhigin sxbnaa
youtube kal adna tan soo arag kkkkk
A message from AC Milan fans to FIGC, Referees, and Juve !
c.x.h
28-May-2012 at 10:42 pm
bro waan dawaday sifican u firi ac milan ayada ayaba is cadeesnoso in ay dhowr qalad gashay wataa goalki muntari wata adinka so qadanaaye goalkii cambiasso uu hadda ka dhalinaaye kulanki 4-2 ma adan arag miyaa iyo goalki matri offsideka niila dhahay
Mohaa/Heliwa/Macqulsome
28-May-2012 at 7:15 pm
Asc Wr Wb Dhamaan aqyaarta sharafta leh salaan ka dib waxa la haray waaye seria A sanad kaste wax lee qasayaan marka ayaga ayaa sharafta iskaaga cayaarayo oo league hoos u dhigaayo maalin kaste fadeexo socoto waaye waxaan rabaa sxbkey dhahaaayp youtubeqof kula mid ah oo taageero juve ah wax uu so habeystay waaye waxaas adna waxaad soo fiirisaa mid taageerayaasha ac milan ey ayaga habeysteen midee marka sax kula ah bal soo arag sxbow adna sidaas ka fiirsha inta loo diiday Ac Milan Seasonkan youtube gala sidaan ku qora waxa dhacay arka bal
waxaan u maleenayaa in aad adna qanci doodin sxbnaaa kkkkk
A message from AC Milan fans to FIGC, Referees, and Juve !
mudeey owdheere
28-May-2012 at 4:40 pm
hadii lagu soo daro baritaanka milkilaha AC MILAN, hala yabina. Talyaaniga ayaaba ku dhisan sheekada noocaas ah. kkkkkkkkkkkkk
aloora chelsea
28-May-2012 at 3:49 pm
asc dhaman aqyarta juve wa lagu yaqana howshas ee halaga ciliyo horyelka naadi intar milano aya ka ah inta kale ben viva intar milano
lakaftan chelsea xanaaqi maysee
28-May-2012 at 2:06 pm
chelsea fc barcelona fc juventus somaliland fotbool club viva england
Xaaji Milaano
28-May-2012 at 1:09 pm
Reer juventus way isku nexeen waxay soo xasuusteen fadexadii 2006 tababare qamaariste ah ayaa hokaamiya maxaad kafilan kartaa maamulka kale ee kooxda hala xiro conti kkkkk viva acmilan
xudeyfa syl
28-May-2012 at 12:20 pm
hhh nin daad qaday xumbo cuskay rer milan qil miyd weyden mida kale qamarka wa wax ka jra italy britanka ku socda mclim conte waxba culeys kuma ahan nadiga juvents wa arin shaqsiyadeyd viva juvents
c.x.h
28-May-2012 at 12:04 pm
dadka dhahayo juve waa musuqmasuq ac milan ayaa ka daran hadii aad u maleeisd in aan been shegaayo youtubka ka firi A MASSEGE FROM FC JUVE FANS TO FIGC REFEREES intaas mesha ku qor kadid adiga ayaa arlaayo milan sanadkaan wax yabaha lagu haayo in aad iska qeeliso wa alaga roonyahay gal inta ana meshaku qoray
youtubka ka firi A MASSEGE FROM FC JUVE FANS TO FIGC REFEREES
FBR7
28-May-2012 at 11:56 am
Wagaray ka waaweyn
hooyada khamaarka aduunka waa italy miyaad layaabteen. kkk xataa waxa yaqaan madaxweyne (jorgea napolitano) hala baadho dhaman (pirlo. di natale .cavani . iyo ibrahimovic)
abdi rahman nur balen
28-May-2012 at 11:26 am
doqonkaa dhageysta goolkii muntari hadaa ka hadlaayo wax ka sheeg rigooradi lagu galay prince boeteng caadi dhulka isgu tuuray julio cescer usan taabani wlh shalay ayuu garsoorahi ciyaartaas raali galin ka bixiyay ka hadla midaas waxaa kalo ka shekeysaan midki matri kow dhalinaayi ee refree dhahaaye waa offside ku celiskina aanu offside camerada aysan sheegin any way ciyaartas bareejo ama u qaata 2-2 ama 1-1 viva conte
saj
28-May-2012 at 11:21 am
abid ayaa talyaanigu khamaarijireen ee maaha wax kucusub maanta
waana fadeexad wax udhimeysa sumcada talyaaniga
abdi rahman nur balen
28-May-2012 at 11:16 am
tan ma ahan masuq maasuq waa wax jira oo kubadda la’aanteyda eyba xiisa lahayn labo qof oo ku qamaartantay kooxdaydaa badayso iyo midaydaa badayso reer milan caloosha dhuuqsada gacalaka ha iska boobina mclin antonio conte haduu qamaar ku dhigtay inay juventus badineso waa kalsooni iyo dhiig fresh iyo spread uu galinaayo ciyaartoydisa waana ku saxanyahay taas inuu sameeyo viva juventus iyo yadadilada u galinaayo ciyaartoydisa
wiil madiino
28-May-2012 at 11:10 am
asc rer ac milan fudeed badnaa see cml nin qamaar dheelay iyo koob laqaaday maxaa iska galay milan duqooshinka ha qubto tartanka kadib haka soo qeyb gasho cml
nuur milano
28-May-2012 at 11:07 am
asc kkkkkkkkkkk war itali fany wa aye xitaa siyaasiyiintooda kobada waa iskudilaan waxaa kaaga daran marka saaxaafada hadalo isku wedaarsadaan wa arin xiisa leh mideeda kale juve mar walba waxa ceebteeda loo soosaaro sida wax loo qarsado mataqaano meesha waweenkooda waa milan iyo napoli viva milano and viva azoori wa wadan fany ah run ahaantii
hamza
28-May-2012 at 11:04 am
Juve waa lagu yaqaan fadeexada noocaan scodettaha halaga qaado waxaa uqalanta oo iskaleh AC milan juve waad fashilanteen waxaana kow ka ah fashilkooda goalkii muntaari kkkkkkkkkkkk waxaasaa imaraayo
lamiiz
28-May-2012 at 10:47 am
ASC war ayagoo idil ayaa tuugo al iyo qamaar soocta ee waxaani anaga wax an layaabno maba ahan ayaa laga soo gaaray de tuukada waa ayaga italya viva qamar
Aadan Dheere
28-May-2012 at 10:46 am
kkkkk war ninka ra’iisula wasaaraha ka ahaa talyaaniga mudo 7 bilood oo lacago u dhunsada ACMilan ka dibna laga ceyriyey madaxtinimada Berlesconi mala sheegaayo miyaa Juventus reer milaano ayaa ugu horeeyey fadeexad oo wiliba nin talyaaniga dhan sumcad xumo usoo jiiday ayaa leh kooxda ee marka hore adinka is fiiriya mafio dhan Milaano iyo Napoli iyo Roma ugu taga
Jacfar love
28-May-2012 at 10:45 am
Asc dhamaan tageerayasha ac milan juve waa lagu yaqaannaa masuq maasuqa. viva milan and inta taagerta
mahir cade
28-May-2012 at 10:41 am
Kkk doqonka dhahayo jve kobka halaga soo celiyo marka hore warbixinta si fican udhuux arinta conte waa tuhum bes xaqiiq mahan tagero ac milan conte cejiya hadad wax ka taresan
Boxer 1
28-May-2012 at 10:32 am
asc marka hor then my idea waxaan aaminsanahay in musuqmaasuq uu waligii kajiray itly asxan italian koodhan hala baadho antonio counti halaga mamnuuco shaqada kubada oodhan why way ku cadahay ninku italy ayuu joogaa waxana kutaal (NAPOLI)
Katitow
28-May-2012 at 10:28 am
Bisada madax mukulal makaxajiso juvantusna tugnimona maka dhamato viva milano an inta tagerto
Dhuux
28-May-2012 at 10:27 am
Asc aqiyaarey hadan kahadlo fakirkeyga ku,aadan antonio conte waxan umaleyaa iney iskaga camiranayaan sababtoo ah waxay kaxunyin gulaalaha uusanadkan garay qasatan ambitinka barnamijkana waxaa wado AC MILAN
Dhuux cabdi
28-May-2012 at 10:23 am
Kakakakaka Juventus waligeedba mafio ayey ahayen sanadkana halaga so celiyo cupka kakakaka viva milano and ibrahimovic