
France ayaa labo gool oo looga hormaray waxa ay ugu bedeleen seddex gool xulka Iceland ka dib ciyaar saaxiibtinimo oo xiiso leh oo ay la yeesheen.
Iyadoo Germany ay guuldarro 5-3 ka soo gaartay Switzerland, islamarkaana Holland ay guuldarro kala kulantay Bulgaria ciyaarihii saaxiibtinimo ee dhacay habeenkii sabtida, France ayaa u muuqatay inay wadadaasi raaceyso ka dib markii Iceland ay labo gool ku hormartay qeybtii hor eee ciyaartii ka dhacday Stade du Hainut.
Qeybtii labaad ayaa France ay naf iska raadisay waxaana gool u soo celiyay daafaca Lille Mathieu Debuchy ka dib markii darbo uu tuuray Karim Benzema la baloog-gareeyay.
France ayaa ugu danbeyn barbareysay ka dib markii uu goolka barbaraha u dhaliyay Franck Ribery, waxaana goolka guusha dhamaadkii ciyaarta u saxiixay Adil Rami oo goolkii ugu horeeyay u dhaliyay wadankiisa.
Waa kulankii 19aad oo isku xiga oo xulka Le Blues aan dhinacooda dhulka weli la dhigin.
France ayaa 11ka bisha June waxa ay kulanka ugu horeeya Group D ay la ciyaari doonaan England ciyaaraha Euro 2012, waxaana Group-kooda ku wehliya Sweden iyo Ukraine.
Ciyaarihii saaxiibtinimo ee kale ee xalay dhacay xulka Mexico ayaa 2-0 waxa ay dirtay xulka Wales.
Maxamad xasan cabdi aakiyoow
29-May-2012 at 9:52 am
Vivi franca vivi benzema
Ahmed baraf
29-May-2012 at 6:25 am
France waxey hesa ciyartoy taya leh marka aniga fakrad ahantey ismadhahayo france kox lamid ah aya lahelaya wayo nasibka inu karayo ma,ogiye lakin bawarkeda wey so bandhige
Cabdirixmaan mohamed xujaale
29-May-2012 at 2:46 am
Sln sare asxbta france waa team of the world sanadan hana la daawado ciyaaraha le blues aa ladhaha sanada euro 2012 france guuuuul aan u rajeyn asxaabta france le blues
Signore
28-May-2012 at 1:36 pm
France ha u mahadnaqdo odayga wata ee blanca waa nin qatar ah waxayna tagaysaa finalka ama same waxay is argayaan xulka italy markaasna ha tashato ok
adam
28-May-2012 at 11:32 am
guul ninmanka ay ku badanm yihiin muslimku farce benzema and nasri and ribery iyo qaarkale oo badan guuuuuuuuuuul benzema viva real madrid
Karama
28-May-2012 at 8:17 am
Hadan fakirkeyga ka dhibto kobkan waxa leh spain waa qaran mucjiso badan spain aya leh ha.isdalina true idea
mohamed ahmed
28-May-2012 at 7:42 am
hadan ra,yigayga kadhiibto xulka faransiiska waa uuka firfirconyahay sanadihii hore waxana rajaynaa inuu guulo waa wayn ka keeno tartankan in kasto aa laysku halayn karin kubada cakta guul wacan farancccccccccc
mohamed ahmed
28-May-2012 at 7:31 am
hadan ra yigayga ka dhiibto farnce waxay igula muqata inay maanta ka fiicantahay shalay waxana rajaynaya inay guulo wa wayn ka keeni doonan tartanka qarmada urub inkasto an laysku hallen karin kubada cagta vivo farancccccccccccccc
Feysal wiil waal
28-May-2012 at 7:05 am
Viva holland
Balkazar
28-May-2012 at 6:42 am
AAAAAAHE war france waxe ogyihiin malahan ka daaya faanka ha iska badiyaan baashalka wax micno ma lahan lkn ouro aan arkeena meeshe gaarin ki hore world cupki ugu danbeeye groupka e ku hareen hal dhibic iyo ha goal ee la noqden ceeb bdn wadan dhan o laacibiin isku sheegayo o sas lo gly wlhi wa yaabka yaabkiis k.k.k.k. Viva maxico viva chicharito havier harnandez