
Deportivo La Coruna ayaa ku soo laabatay horyaalka La Liga ka dib markii ay 2-1 ku dubteen xalayto kooxda Huesca kulan ka tirsanaa horyaalka heerka labaad oo ay ku xaqiijisteen horyaalkaas.
Ciyaaryahanka bedelka ku soo galay Xisco ayaa goolka guusha u dhaliyay Deportivo daqiiqadii 70aad ee ciyaarta, iyadoo Deportivo ay haatan leedahay 88 dhibcood 41 kulan oo ay ciyaareen, waxaana u harsan hal kulan kale.
Waxaa kooxda Deportivo ay afar dhibcood ka sareysaa Celta Vigo oo kaalinta labaad ku jirta iyo kooxda kaalinta 3aad Valladolid oo ay ka sareeyaan lix dhibcood.
Labada kooxood ee ugu sareysa horyaalka heerka labaad ayaa u soo gudbi doona si toos ah horyaalka La Liga, halka kooxda kaalinta seddexaad ilaa iyo kaalinta lixaad ay ciyaari doonaan tartan Play offs oo ay hal koox ka soo bixi doonto.
Deportivo ayaa ka hartay La Liga 2011 ka dib labaatan sanno ay La Liga ka ciyaarayeen, waxaana ay La Liga ku guuleysteen 2000, halka sidoo kale ay Copa del rey ay ku guuleysteen 2002dii, waxaana ay si joogta ah uga qeyb qaadan jireen koobabka Yurub.
abdulle
28-May-2012 at 10:58 pm
waaaw diportivo lacurana waa team aan jecelahay waa naadiga spain aan ka taageero waxaan ku xasuustaa ciyrootooy aad u muhiim ahaa hadaan ka hadalo waxaana ka mid ah keeper romero difaaca mouro silva dhexda juan carlos valeron djelminho emerson avamiska weerarka walter bandiani iyo digo tristen
jamal
28-May-2012 at 9:50 pm
badri sxb adiga wakufahamnay waxa tagerta man united laliga wax hakashegin hadikale barcelona iyo messi a idishegeyna iyaga yaqano shaqadine hadii kale aamusa
Pepe
28-May-2012 at 9:18 pm
Midka ugu qororan tahy badri wuxuu yaqaano malaha ciyaraha haka aamuso vorza la liga
Badri
28-May-2012 at 5:46 pm
Laliga maa horyaal ah horyaalka egland man utd
al haji livarepool
28-May-2012 at 4:56 pm
waan so dhaweyneynaa lacuoronya waa team xamasad badan oo lawada xususto mide eey ku dhigtay milan ayaan aad u xasuu wana team jiro oo laliga xitaa xiso gaar ah ayuu yelanayaa hadii eey is soo adkeyaan
Xasan
28-May-2012 at 4:09 pm
Departivo hadii ay la soo laabato sidii lagu yaqaanay kooxaha ay iska wadankayihiin tartan adag ayaa sugaya
saldado
28-May-2012 at 3:26 pm
wlcome lacoruna viva deportivo is my team
Raasso
28-May-2012 at 3:15 pm
Maguu sxb adiga ayaa saxan ciyaarta lacarunya 4 iyo 0 ayee kaga badisay milan halka milan gurigeeda 1gooool loogu dhaliyay milan markaa gooolkas ayee ku hartay waana sidaa ciyaarta
maestro Xavi hernandez
28-May-2012 at 2:49 pm
waaaaaaaaaaaaaaaaw Deportivo welcome back waaa naadi weeeyn oooo aanan marnaba la iloobi karai viiva juan carlos Valeron
Mustaph
28-May-2012 at 2:25 pm
Depotivo waa naadi adag, la ligana ku haboon
Mustaph
28-May-2012 at 2:24 pm
Depotivo waa naadi adag, la ligana ku haboon.
Signore
28-May-2012 at 1:39 pm
Waxaan xasuustaa tariikhdee milan ku dhigtay mucjiso ayay lee dahay kooxdaas
Riki-xisco-all lagaruna players are the best
28-May-2012 at 1:36 pm
barca weey udamatay waayo Deportivo timid qofki cayaaraha waqti badan firsanayay yaqan barce 0:4 Depor 2002 camp nou yaaxususta
Riki-xisco-all lagaruna players are the best
28-May-2012 at 1:30 pm
waaaw wlcome Deportivo sanadkan laliga anaga leh viva la coruna
xudeyfa syl
28-May-2012 at 12:41 pm
wow horylka spian xmasad ayu si yeshay deportivo waxay ahyd nadiyada wa weyn sandkan sidas ka rajeneyna viva brca
run sheeg
28-May-2012 at 9:22 am
sxb maguu Barce farxaan wuu kaa saxan yahay agregatega waa 5-4 maxaa yeelay guriga milan 4-1 ayey aheyd kii deportivo 4-0 isku darso marka xisaabta sxb waa siduu kuu sheegay adiga dib isugu noqo
maguu barca
28-May-2012 at 8:49 am
farxan wad qaldantahay sa mahayn lacaronya 5 madhalin e waxay 4-1 o guri milan ahayd iyo 4-0 o guri dibortivo ahayd marka wasida mahadsanid sxb
Farhan qays
28-May-2012 at 7:17 am
Welcome lacaruna great team waxan ku xasusta ciyarti champions league dhex martay milan 4 lacaruna 5 agregate