
Tababaraha kooxda Juventus Antonio Conte ayaa shaaca ka qaaday inuusan ka warqabin ciyaaro natiijooyinkooda la soo qorsheeyay si qamaar loogu guuleysto intii uu macalin u ahaa Siena.
Waxaa lagu eedeeyay xiddigii hore ee Italy inuu ku lug lahaa isdabamarin dhanka qamaarka ah oo ku aadaneyd ciyaar u dhaxeysay Siena iyo Novara oo Serie B aheyd 30kii April 2011, waxaana 42 jirkaan gurigiisa baaray shalayto boliiska.
Si kastaba Conte ayaa sheegay inuusan jirin wax uu ka qarinayo maxkamada baareysa fadeexadaan qamaarka la xiriirta ee hareysay Italy, waxaana uu sheegay inuusan jirin wax sharci darro ah oo ay sameeyeen markii Siena ay ku soo laabaneysay Serie A xagaagii hore.
“Taariikhdeyda ciyaaryahan ahaan iyo tababare ahaan ayaaba ii hadlaysa, waxaad weydiin kartaa ragii aan soo wada ciyaarnay, ciyaartoydeyda, kooxaha iga soo horjeeda” ayuu Conte ku sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay.
“Lakiin daacadnimadeyda iyo sharafteyda, waxaa la igu soo weeraray budad” ayuu hadalkii raaciyay Conte oo boliiska ay baaris ugu dhaqaaqeen gurigiisa isagoo ka maqan, madaama looga shaki qabo in markii uu tababare u ahaa Seina uu sameeyay isdabamarin dhanka qamaarka ah.
“Sannadkii hore Seina waxa ay xaqiijisatay inay Serie A ku soo laabatay, waxaana ay taasi ku timid shaqo ah.”.
Waxaa sidoo kale la soo sheegayaa in daafaca Juventus Leonardo Bonucci isna baaritaan uu ku socdo madaama lagu soo eedeeyay inuu qeyb ka ahaa ciyaar waxa dhacaya la sii qorsheeyay oo u shaxeysay kooxdiisii hore ee Bari iyo Udinese xilli ciyaareedkii 2009-10.
Fadeexadan ayaa waxa ay la xiriirtaa in ciyaartoy qaar iyo tababarayaal qaar ay heshiis la galeen dad qamaarka caanka ku ah, iyagoo kula balamay inay sameeyaan waxyaabo u sahlaya dadkaas inay lacag ku guuleystaan, sida inay casaan qaataan ama jaale. Ama inay gool iska dhaliyaan.
Magacegu waa hanad
29-May-2012 at 2:06 pm
Run ahantii jufantus waa kox adag marka dad ayaa rabo iney fadexad ben ah ku abaa bulan sidey hos u ado tasne madhaceyso mahadsanidii laacib mida kale koxda liverbool xalkeyda halkuu danbeyaa taba bare maladortay jawb fadlan
Dayax
29-May-2012 at 1:53 pm
Antonio conte wa kamid yahay fadexadas by
Signore
29-May-2012 at 9:42 am
Wax wayn maaha dambiile marbaa laqaban tan kale saameen kuma yeelaneeso scutetto waayo bun badalkiisaa joogo
jamaal
29-May-2012 at 12:27 am
Asc hadan ka hadlo fikirgeyga italia wax walbo waa ka macquul sports kooda een yaan ka hordhicin baritanka boliska wana tilaabo fcn oo horey u sii dhiseysa kubada italia oo ah hoyada yurub midna hala ogado yurubta kale wey ka jiran waxas sida UK iyo spain lkn lama shegshego marka aan sugno jwb ta byy
Cali dhoof
28-May-2012 at 11:30 pm
Asc aal bahda laacib.net iyointa kutaxanba run ahanti ani waxan dhihi lahaa tababare antonio conte wax ka quseeya qamaarkaas malaha lkn waxaa wax qasaya dad kale ninkaan madama uu ku guuleystay horyaalka si aanan cadi ahen waliba dad ayaa laradinaya sumcad xumo lkn kuma guulesan doonaan viva antonio conte and juventus biangonero
Xaaji Milaano
28-May-2012 at 11:26 pm
Aduunka oo dhan dad xun wuu kajiraa brother italy gaar kuma ah booliska iyo madaxda xirirka waxay wadaan kahortak iyo baaritaan la xiriira arimahaas serieA
Hosny hamza
28-May-2012 at 10:18 pm
Italy ceebta waa caada deeda uma ahan bilow, waanna taageersanahay arinta laxidhiidha tababaraha juventus iyo cayaaryahanada kale.
Torres
28-May-2012 at 10:04 pm
Italy san ma ka daacad adunka kale mustaqbal ayuu ka fikira ayaga ceeb lee sharaxdaan