Ronaldo: Waxaan Doonayaa Inaan Real Madrid Kula Guuleysto Koobkoodii 10aad Ee Champions League. | Laacib.net
Home » Champions League » Ronaldo: Waxaan Doonayaa Inaan Real Madrid Kula Guuleysto Koobkoodii 10aad Ee Champions League.

Ronaldo: Waxaan Doonayaa Inaan Real Madrid Kula Guuleysto Koobkoodii 10aad Ee Champions League.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 23-05-12 3:02 PM

Cristiano Ronaldo ayaa kalsooni ku qaba in Real Madrid ay ku guuleysan doonto markoodii 10aad koobka Champions League mar aan dheereyn oo mustaqbalka dhow ah.

Kooxda Los Blancos ayaa seegtay koobka ugu qanisan koobabka kooxaha Yurub ka dib markii ay semi-final-ka kaga hareen gacmaha Bayern Munich, lakiin xiddiga reer Portugal ayaa xaqiijiyay in waxa ugu weyn ee diirada u saaran ay tahay inuu Los Blancos ka caawiyo inay koobkaas kor u qaado.

“Ujeedadeyda waxa ay tahay in aan Real Madrid kula guuleysto koobkoodii 10aad ee Champions League. Qof walba waxa uu ka hadlayaa in Champions League uu tago Madrid, waxaana hadii aan nahay ciyaartoyda aan dareensanahay inay muhim u tahay wadanka iyo dadkaba” ayuu Cristiano Ronaldo u sheegay suxufiyiinta.

“Sannadkaan waan ku dhaweyn, waxanaa u baahanahay inaan waxyaabo badan horumar ka sameyno sida nasiibka iyo kooxo fiican oo group-ka ku jira. Koobka 10aad waa uu imaanayaa sannadka soo socda ama kan ku xiga”.

“Dadka waxa ay mar walba indhaha ku hayaan Champions League sababtoo ah waa mid ka mid ah tartamada ugu fiican ee la ciyaaro. Waan hubaa inaan ugu danbeyn ku guuleysan doono”.

Markii ugu danbeysay ee Madrid ay ku guuleysato Champions League waxa ay aheyd 2001-02, markaasoo finalki ay 2-1 ku garaaceen kooxda Bayer Leverkusen.

38 Responses to Ronaldo: Waxaan Doonayaa Inaan Real Madrid Kula Guuleysto Koobkoodii 10aad Ee Champions League.

  1. C/lahi ole Reply

    03-June-2012 at 11:47 pm

    Ronaldo wulaqadino real kobkedi tomanaad wuna ushaqendona insha allah i.love u green united play ole

  2. najiib gio Reply

    03-June-2012 at 2:48 am

    (1)Man Utd ama (2)Juventus ama (3)real madrid ayaa ku leh sanad kan Uefa champions league insha Allah ::Barcelona calankeda woo dhacay waligedna lama arki dono Manchester United ayaan ku rajo weynahay

  3. Dimaria Reply

    02-June-2012 at 1:24 pm

    C.ronaldo waa laa cibka kaliya ee wado riyaal madrid lkn messi waa nin curyaan ah oo ay barcenola wado marka isku mid maha kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  4. mukhtar Reply

    30-May-2012 at 9:43 pm

    muxuu ku guulaysani kani imika wuu cuslaadaye sidaa ayey ugu dhamatey
    sanadkan soo socda waa barcelona,,,,,,

  5. kenaan Reply

    30-May-2012 at 8:25 pm

    sanadkaan waan wada sugeynaa taas in aay realmadrid qaadidoonto sanadkaan c.ronaldo awood ayuu u leyahay taas

  6. hashim Reply

    29-May-2012 at 3:40 pm

    real weyqade waliba c ronaldo ayaa khadayo halyagaas wan ku kal sanahay aniga o hashim inu chanmpions inu qadayo c ronaldo 100 100

  7. cabdaraxmaan naxar said Reply

    27-May-2012 at 10:25 pm

    sanadkan championka waxa leh man united insha alaah wayqadadaysaa

  8. khaarajiye Reply

    26-May-2012 at 12:33 pm

    waa runtaa c.ronaldo waad ku guulaysanaysaa bilaa shaki

  9. C/laahi Reply

    25-May-2012 at 8:04 am

    barca aya iska leh sanadkan cristianka wuu riyonay

  10. Maad Igaran Kartaa Reply

    24-May-2012 at 11:18 pm

    Mar kale mooyee lagama yaabo inta uu joogo cristiano ronaldo iyo jose morinio inay qaadaan real madrid champions league

  11. hano Reply

    24-May-2012 at 3:50 pm

    real aa labaysanaysa viva real

  12. neeshin11 Reply

    24-May-2012 at 2:47 pm

    wuu uqalma inu kuguulesto lkn waxan urajeyna naadiga arsenal vivah madrid and arsenal van goal hala

  13. Karaama Reply

    24-May-2012 at 1:32 pm

    Way qaadaysaa Sanadkan Real-madrid cid hor istaagi kartaana majirto.

  14. siin xaaji siin Reply

    24-May-2012 at 1:16 pm

    Waa sax way qaadi kartaaaaaaa lkn dadaaaaaaal ayaa looga baahan yahay C.ronaldo balse sandakaaaaaaan waxaaaan u rajeeeeeeenaa kooxda caanka ah ee Manchester united

  15. YAASK Reply

    24-May-2012 at 12:07 pm

    asc nuxuu yiri cr7 kii tawanaat ayaan laqadaayaa kkkkkkkkkk muxuu laqaadaa macalin kiisa ayaa labo sano kureebay sama finalka ee champions leuga labada jeerna mid wuxuu udiray b.munich midna waxaay ayeeyt dee FCB waa sanatka kii kahoreeyay marka nin sidaa ah miyaa koob ama kii tawanaat intuu haayo murinho malaga yaabo in ay qaadaan asc

  16. hamse Reply

    24-May-2012 at 11:14 am

    ma rajo xuma laacibka real madrid iyo portugal lakiin ani sanad dambe waxaan is leeyahay barcelona ayaa iska leh

  17. FUAAD_CAPTAN2015 Reply

    24-May-2012 at 10:02 am

    SANADKANI WAA KII LOZ BLANCOZ VIVA MUSET OZIL N C.RONALDO VIVA JUVENTUS N PIRLO

  18. dalmar man untd Reply

    24-May-2012 at 9:38 am

    waa runti akhyarey lacibkan 10 ayuu rajenaya mana raj0xuma ku guleys0 inshaAllaaaaaaah narjuu wad hele duqa n0”mt

  19. mahad Reply

    24-May-2012 at 1:40 am

    Asc walalayaal sax waaye waxa laacibku sheegayo waa qasab waana hubaal ineey qaadayaan koobkoodii 10naad hadaan nasiibku ka hiilin. waayo waa kooxdii jaambiyoonka waana heeystaan ciyaartooy ku filan iyo macalin intaba.

  20. mahad Reply

    24-May-2012 at 1:35 am

    Asc all walaalayaal waa hubaal waxa laacibku sheegayo. waayo kooxdu waa kooxdii champiyoonka ninka hadlayana waa laacib koodii marka waana qasab ineey qaadaan markoodii 10naad.

  21. lamiiz Reply

    23-May-2012 at 11:06 pm

    ASC war muxuu qaadayaa asiga laaci biintii kahoreysay oo asiga kaweenaa ayaa uqaadi wayay ma asigaa laqaadaaya kkkkkkkkk war dada kaani ama kooxdaani waxaa ugu dembeeyay CHAMPION ay qaadaa xiligii dee FERNANDO ridondo baa ugu dambeyaya marka imikamasheegin in ay dad kaasi dib ay ugu soolaabtaan bernaabu kkkkkkkkkkkkk markaa wey 10 san karaaaaaaan kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk lkn inta kahoreysa anigu u maleen maayo in ay qaado ama ay qaadaan CR7 iyo MURINHO kkkkkkkkkkk VIVA 10 champion mida kale CR7 wuxuu yiri sanat kaani wan udhabeen maxaa dhacay miyuu ilaabay ceshadii ee uu kuxanaagaayay ceyaar tooyda REAL MADRID 2 GAOL messi kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk wuu ilaabay wuuna ceeboobay

  22. A Reply

    23-May-2012 at 9:46 pm

    Asc all and lacib.net chelsea aaaa war ma xishonayan miya war reyal wa oll yurub champonska iika u badan 9 marka chelsea is ka dhafa an shax xumada hal mar le qaaden wa qelesin by reyal and milan and untd

  23. fitaax kidhaale Reply

    23-May-2012 at 9:40 pm

    kkkkk k rajada iska wado adunyada wax walba wa la fishayee chelsea foorso

  24. Farah haji Reply

    23-May-2012 at 9:34 pm

    Haa wa macqul ronaldo hadalkisa sanadkad ama midka xiga iney ku guleysan karan champions league.

  25. Abshir Reply

    23-May-2012 at 5:47 pm

    Sanad ka danbe waxa leh arsenal waxana final isku dhacayan real madrid wexeyna ku dhaman donta 4_2 golasha waxa kaladhalin dono rvp 3 welcott 1 ramos 1 cr7

  26. Abdalla-naji Reply

    23-May-2012 at 5:11 pm

    Arsenal aya iska leh sanadka so socdo real yey isdalinin

  27. Been haysku maaweelin Reply

    23-May-2012 at 4:48 pm

    Sanadka dambe cl waxa iska leh monpilere oo ka qadaysa arsenal

  28. Kaamil Reply

    23-May-2012 at 4:36 pm

    Dhaman wan idin salaamaya bahweynta isbotiga iyo umada somaliyed meel walbo ad jogtan Asc inta ka bacdi c.ronaldo koobka wuxu ku guulaysanaya markay badalan pepe ayna kenan 2 sida ivanovij viva real is my team and the best team in the world

  29. Deeq alfa Reply

    23-May-2012 at 4:12 pm

    Sanadka dambe wa ki 2aad ee chelsea ama ac milan naxwo arsenal cub sidan kuma arkeyse macalin qibrad uleh ucl haken sato meshan acedemiga ciyaartoyda laga sosaraa lama rabe kadibne laley yahay raciyaara v.bersie ama song kkkkkkkk ibashaal

  30. ina aadan Reply

    23-May-2012 at 3:49 pm

    siday u eegtay waxa laga yaabaa inay ku guulaystaan.cr7 ozil benzema alonso kaka waa mucjisooyinka kubada ee calamka. curyaanka sanadka dambe waa la dhawacayaa xavi waa da way ka dhamaatay no barca dambe ma maqli karo realllllllllllllllllllll is the best team in the world

  31. Caadil Reply

    23-May-2012 at 3:45 pm

    Waa runtis cr7 riyadisana warumobidoonta 2012-2013 hanbalyo tagerayasha real

  32. Deeqow Reply

    23-May-2012 at 3:40 pm

    Arsenal hada qado waxaay la mid tahay muqdisho dowlad ka dhalato k k k k viva juventus ind marchiso ind vidal

  33. barca Reply

    23-May-2012 at 3:37 pm

    hayaay sanadka danbe barcelona halkeed ka maree walee messi waa xanaqsanayahay yaa ka dhicin doona shantii ayuu kuu soo wataa kkkkkkkkkkkkkkk.

  34. Ali Reply

    23-May-2012 at 3:35 pm

    Chelsea ayaa markale qadidonto viva chelsea mata

  35. FR7 Reply

    23-May-2012 at 3:22 pm

    marka hore man ha qaado kii 4aad kadibna dad ka cadaalad darada iyo nasiibku ka hiiliyeen sida barca & bayer
    faataabakhlayaal cr7 and morinho kkk
    waxa sanad ka dambe iiqaadaya (man) rooney ‘ hazard ‘ kagawa & valencia
    we are the real gunners and divels

  36. abdi barca Reply

    23-May-2012 at 3:20 pm

    hahahhaha naxwo waad falaadeysaa abaayo arsenal koox tabar leh ma ahan just barcaa iska leh dheh inkastoo aan la ogeen cida qaadeyso laakiin barca ayaa ugu cad cad sanadka soo socda ronaldo iyo mourinho maseer ayaa nafta ka siibaayo :)

  37. wiilwaal Reply

    23-May-2012 at 3:17 pm

    wan aminsanahay in riyada c.ronaldo u rumoobi doonto xili ciyaareedka fooda inagu soo haya ama ugu dambayn kan ku xiga

  38. naxwo Reply

    23-May-2012 at 3:10 pm

    sanadkan champions league arsenal ayaa leh viva arsenal

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>