Schweinsteiger Oo Raaligelin Ka Bixiyay Markii Uu Finalkii Champions League Gacan Qaadi Waayay Madaxweynaha Jarmalka. | Laacib.net
Home » Champions League » Schweinsteiger Oo Raaligelin Ka Bixiyay Markii Uu Finalkii Champions League Gacan Qaadi Waayay Madaxweynaha Jarmalka.

Schweinsteiger Oo Raaligelin Ka Bixiyay Markii Uu Finalkii Champions League Gacan Qaadi Waayay Madaxweynaha Jarmalka.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 21-05-12 5:50 PM

Bastian Schweinsteiger ayaa sheegay inuu ahaa qof aad u murugeysan oo aan ka warqabin waxa agtiisa ka socda islamarkaana uusan arkin gacanta madaxweynaha Jarmalka Joachim Gauck finalkii Champions League markaasoo Schweinsteiger uu iska indhotiray gacanta uu u soo taagay madaxweynaha Jarmalka markii la siinayay biladiisa kaalinta labaad.

Schweinsteiger ayaa haatan raaligelin ka bixiyay dhacdadaas, waxaana uu sheegay inuusan u sameynin si u la kac ah ka dib guuldaradii Chelsea ka soo gaartay.

“Si qaldan ayaa la ii fahmay” ayuu Schweinsteiger u sheegay website-ka Bayern Munich.

“Qof walba oo kabaheyga gashta islamarkaana fiiriya sawirka waxa uu arki karaa inaan murugeysanahay, islamarkaana aanan ka warqabin waxa agteyda ka socda”

“Waan niyad jabsanaa, waxaan ahaa sidii qof aan miir laheyn. Ma aanan arkin gacanta madaxweynaha”

“Waan ka xumahay inaan xilligaas abuuro jawi qaldan. Waxaan jeclaan lahaa inaan raaligeliyo madaxweynaha”.

26 Responses to Schweinsteiger Oo Raaligelin Ka Bixiyay Markii Uu Finalkii Champions League Gacan Qaadi Waayay Madaxweynaha Jarmalka.

  1. cabdalla Reply

    31-May-2012 at 11:22 am

    salaan waqti uma heynin waqtigaas maxaa yeelay guuldarro ayaa madaxa usaarneed

  2. hashim cade Reply

    29-May-2012 at 4:38 pm

    horta schweinteger iyo madax wenaha yaa qalisan aniga ciyar yahan ayaa ila qalisan ksksks waxas wax wen ma ahan c ronaldo germney eney ciyar ka dhacdo uma maleto u dhahay ksksks

  3. salka Reply

    28-May-2012 at 5:17 pm

    chans to chelsea walee ciyaar ayaa lasoo baray labada dhinacba barca iyo bayermunchen ba laakiin nasiib ayaan jira aduunka
    taasi ayaan laga reebin

  4. Fanka yare Reply

    25-May-2012 at 7:18 pm

    YAAN LA DIFAACIN SCHWEINSTEIGER MAXAA YEELAY QALAD AAD UWEYN AYUU GALAY‏ ‏QALADKASNA WAXAA KENAY ROBEN MADAXWEYKA LOZ

  5. Fanka yare Reply

    25-May-2012 at 7:03 pm

    KKKK SOMALI WAXAY DHAHDAA TUKULUSH TIMIR GAARI WAAYEY QARAARAA KA GEEYAY SXB WAX SIXIR LA YIRAAGDO MA JIRAANE EE TABARAA KU CELISAY MIDA KALE CIYAARNA MEESHA KU MA HAYNIN SXB HORAA WAXAA LO YIRI GARI LABA QOFOOD KAMA QOSOLSIISO ANIGA WAN OGAHAY WAX BADAN WAA LA IGA BADIYEY LKN MANTA KOBKA ANIGA AYAA QAADAY WAXAN BAAQ KULUL U JEEDINAYA DADKA DERBIYADA NAGA XAG XAGANAYO HA OGAADEEN IN AAN WACDARADAN MID LA MID AH IN AAN DHIGI DOONO

  6. Mohame daacad Reply

    23-May-2012 at 10:48 pm

    Wa sax ninkasi wax qald ah kuma lahan team an wax qadi jirin hadu qado madaxa inu ku xanuno waye madax waynaha wa inu wax garad aha by arsenal 4eve

  7. mata yare Reply

    23-May-2012 at 6:41 pm

    dhibkas waxaa ka taliyay marka kowad drogba haduu so barejeylahay tan ma dhici lahay marka labadna waxa ka taliyay robben haduu dhalinlaha rigorada wa lagu kalabixi laha tan sedexad cech ayaa kataliyay hadu seefgareyn lahay wa lagu kala bixi lahaa sikastaba hadanahay reer chelsea raligelin ayan diyar lanahay hanalaga gadomo chelsea guuul every time

  8. Dalmar Reply

    23-May-2012 at 12:03 pm

    Run ahanti ma elaqaldano maxayelay chalsea oo kale wa madax wareer ciyariyahanka kuma qaldano ee madax wene naga rali ahaw

  9. cabdiraxmaan wadani Reply

    23-May-2012 at 10:45 am

    waa sax schweienstieger laacibkaasi aad bu ucadhaysnaa balse inuu madax waynihiisa slaamo ayey ahayd wax walboo dhaca lkn madaxwaynaha laftiisu wuu fahmi karayey jawiga laacibkaasi germalka ah wuxuuna kabixiyey approchance layaabna maleh wasalaamu calaykum

  10. abdullahi hassan Reply

    22-May-2012 at 6:37 pm

    Schweinsteiger waa uu saxnaa qalad maleh waa layaab ayee kunoqotqy waayo waad qadeysa ayuu is dhahay

  11. ahmad suarez Reply

    22-May-2012 at 12:30 pm

    Jarer sixir iyo waxas kusocdo ma cop laga qadi karaa war kuwan kox mahe kubada cagta halaga ganaxo

  12. Saadum Reply

    22-May-2012 at 12:03 pm

    Waxa sabab u ah inu salamiwayo madaxwaynihisa kooxda chelsia wayo iyad xasuqday thanks laacib.net wa tageraha wayn e Yaya toure

  13. Shamati yare Reply

    22-May-2012 at 10:47 am

    Best pleyr schweinsteiger wa ciyaranyahan ad u sareyso xirfadisa wuna u qalmay inu ku guleysto cupka lkn nasibka aya sida noqday madaxweynaha xili u gacanta u so tagaye na ma aheyn nin markasi maskaxdisa ey fadhiso wad qiyasi kartan daka qaar sportsga waxa ka yaqan nin final chanpion laga qaday marxalada u ku suganyahay so waxan dhihi karna schweinsteiger qalad malaha

  14. Muraad valencia Reply

    22-May-2012 at 10:46 am

    Xata aniga ilamahan inu qaldana halyega wayo qof walbo wuu oy laha xata aniga wa aragten nasib xumada kudhacday werar 90 daqiqo gol la.an 2korno gool wa wax laga naxo xata laga yabe habenkas inu garonka kuhoyday

  15. Lampard Reply

    22-May-2012 at 10:30 am

    Kkkkkkkkkkkkkkkkkkk cech iyo D drogba aya dhibkas kataliyen miya

  16. moha-iniesta Reply

    22-May-2012 at 8:27 am

    Wax wlbo waa waqtiga ula kacna ma eheyn madax weyna haku qanbo raali galin ayaan leeyahay hduu wax garad yhy wuu dareemi kraa dhibka heyso ciyaarihanka uuna usabab yhy robben

  17. Merengue Reply

    22-May-2012 at 1:59 am

    aad ayaan ugu faraxsanahay khaladka uu Schweinsteiger galay ee uu madaxweynaha salaami waayey runtii wuxuu dhadhamiyey guuldarrada soo gaadhay Semi-final-kii champion ka anaa dareemay guul daradan mid lamida waana markii ay real madrid reebeen ana waxaan leeyahay ha nalasoo arko habenkas si xun ayuu real ugu dabaal dagay

  18. ricky Reply

    22-May-2012 at 12:48 am

    waa bila adan..bila adankana wakhtigas oo kale waa maqanyahay uuna ka raligalinkaraa madaxwaynaha wayo madax waynaha sabab aw udhafo si ula kasa maysan jirin.wayo isba waa lamurugsanaa.

  19. Ereg Reply

    21-May-2012 at 7:10 pm

    Ama oy ama ha ooyin salaan ama hasalamin i dont care . Viva chelsea .

  20. Xasan cigow Reply

    21-May-2012 at 7:07 pm

    Waa jahwareer an kusameynay wa runtis, ee madax weynaha asagana dabal maaha wow iska fahmi kara waxa jira meesha so uma jeedo in dedkan ay yihin ded gul dareystay?

  21. Abdirahman abdikarim ahmed Reply

    21-May-2012 at 7:05 pm

    waxbana hasalamin dhe xiligas ma gacan la isku soo tagaa

  22. mo Reply

    21-May-2012 at 6:32 pm

    dhibkaas roben ayaa u kenay lug qalooca lol

  23. Xaaji Milaano Reply

    21-May-2012 at 6:27 pm

    Waa macquul hadaladiisa maxaa yeelay qofwalba oo muragaysan isma xakameen karo marka waxaa lakaabaa madaxwaynaha germany inuu kuqanci doonaa raali kalinta uu raali kaliyay laacibkaan caalamiga ah reer germany

  24. Leeleey Reply

    21-May-2012 at 6:16 pm

    KkkkkkkkkkkkkkkkkkkKkk dhibkas drogba ayaa kenay

  25. shaani Reply

    21-May-2012 at 6:04 pm

    waxaa ila tahay inuu ahaa nin laga qaaday kaab markaa xaalkiisa wani garanaynaa

  26. I'm The Best In The World Reply

    21-May-2012 at 6:01 pm

    Bastian Schweinsteiger halyeey ayaad tahay ma tihid qof ku caan baxay qalad ama ulakac qaldanoo lagula dhaqmo dadka waxaad tahay qof wanaagsan kuma dhihi karo ma aadan murugeysneyn waayo waxaan arkeynay inaad ooyin ku dhameysatay ilaa iyo dabaal degii Chelsea waxaan la yaabanahay dadka oranaata Bastian Schweinsteiger ayaa salaami waayey Madaxweynihiisa
    Miyey ku barteen Akhlaaq darro? waa maya ayaan filayaaa

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>