
Xiddiga kooxda Barcelona Lionel Messi ayaa ku dhameystay xilli ciyaareedka 2011-12 Champions League gooldhaliyaha ugu sareeya isagoo dhaliyay 14 gool 11 kulan oo uu saftay tartankaan, waxaana uu sidaasi darteed barbareeyay rikoorkii Altafini ee koobkii hore ee European Cup kaasoo isna gooldhalinta ku qaaday 14 gool xilli ciyaareedkii 1962-63 isagoo la joogay AC Milan.
Xiddiga reer Argentina ayaa labo gool ka dhaliyay BATE, waxa uu seddex gool ka dhaliyay Plzen, iyo hal gool oo uu ka dhaliyay Milan, taasoo ka dhigeysa lix gool oo uu ka dhaliyay wareega group-yada.
24 jirkaan ayaa dhaliyay lix gool kale labadii lug ee wareega 16ka ee Bayer Leverkusen, ka hor inta uusan labo gool kale ku darin wareegii 8da kulamada ay la ciyaareen Milan.
Messi ayaa awoodi waayay inuu gool ka dhaliyo goolhayaha Chelsea Petr Cech semi-finalkii, iyadoo Barca looga badiyay 3-2 wadar ahaan labada lug.
Weeraryahanka Bayern Munich Mario Gomez ayaa ku dhameystay xilli ciyaareedkan kaalinta labaad ee gooldhalinta isagoo dhaliyay 12 gool 12 kulan oo uu saftay.
Labada laacib ee Real Madrid Cristiano Ronaldo iyo Karim Benzema iyo xiddiga kooxda Chelsea Didier Drogba ayaa sii buuxiyay liiska shanta ciyaaryahan ee ugu goolasha badneyd Champions League xilli ciyaareedkan.
Lionel Messi (Barcelona) – 14 gool
Mario Gomez (Bayern Munich) – 12 gool
Cristiano Ronaldo (Real Madrid ) – 10 gool
Karim Benzema (Real Madrid) – 7 gool
Didier Drogba (Chelsea) – 6 gool.
macalin cabdow
23-May-2012 at 1:22 pm
kkkkkkkkkkkkkkk kolashisa maxey utarayaan baarca waa hal bacad lagu lisay viva dorgba
NInka
22-May-2012 at 7:20 am
ninkaan mala dilaa si kale malagu celin karo messi wax wax kale……sanadka soo socdo neh champ iyo gool wax walbo waa isku darsanaa kkkkkkkk cronaldo jiiiq jiiiiiiiiiiiiiq mataqana
ronaldo
22-May-2012 at 2:00 am
messi is the best of the wold realy.
C.X.J
21-May-2012 at 5:39 pm
asc messi mar walibo wuu qaadayaa kabaha ayaa kacelin karo kkkkkkkkkkk ma waxaa kace;inaayo CR7 mise murinho
claahi
22-May-2012 at 1:40 am
asc maaha waxloo qaadan waayo inuu messi goolashan keeno marka loo eego wacdarihiisakale ee layaabka leh
axmad omar
21-May-2012 at 5:35 pm
lin messi wa xadiga aduunka waxaana leenahay c.hakaquusto lama tartami karo messi messi waa laacibka aduunka lamanahelayo wax sidiisa kubad uyaqaana
YAASK
21-May-2012 at 5:27 pm
ASC messi WAA messi MAR WALIBA NA DEE WAA messi MARKA DADKA DHAHAAYOOW messi CHALSEA GOAL kama dhalin ADIGEY KUTAAL kkkkkkkkkkkkkk WALAAHI messi ASIGOO UU KADHALIN CHALSEA AYUU QAADAYAA GOAL DHALINTA messi NAH WAA KII UU KADHALIYA CHALSEA messi WAA 24 JIR messi WAA AABAHA MUCJISADA KUBADA CAKTA EE ADUUNKA messi VIVA fc barcelona
lamiiz
21-May-2012 at 5:02 pm
ASC waa nii wadasalamay dhamaan dhalinta iyo weyka ba mida kale aniga wan iska ogaa in uu qaadaaya wiilka dadda yar ee LEO goldhalinta sanadkaani nah dee waa kabtii labaat ee uu uguuleysata weyye MESSI nolo shiisana waxaay utahay kabtii 7 ee uu qaado inta ee ceyaraha kusoo biiray ama uu ubilabay messi aniga na fakar keyga waxa weye in uu qaadi doona 7 kale iyo wixii iskoor yiilay aduunka na oo kubada cagta ah in uu jajabiyo messi yare ban ku ogahay war ninkaani waxaa udoceysay hooyadii mgrty iyo aabihii baa u wada duceeyay ASC meessi GOAL mar waliba
Moha
21-May-2012 at 11:22 am
Aqiyarta dhamantin waa idin salamay yab yab yab waxas aya namarayo leo waa cadadisa inu dadka dhiig garka ju kacsho wa u dashay lkn ninkan fanka badan oo la dhaho c.ronaldo asiga qusan intu islayahay iska riix har cad ayan ka tagena qusa khamisa la qusta leo messi yah yah yah ayu ku han toona ninka fanka badan by c.ronaldo.
Nurcade
21-May-2012 at 9:37 am
Hadi runta laga had lo waxa laha c.ronaldo balse wa nasib ayu kuqaday
Dzaki
21-May-2012 at 9:18 am
Lio yaa kuqabsankareyba gool dhalinta championka messi bollan d’or 8 mar waqaada
Haasaawe gacal
21-May-2012 at 3:58 am
Kkk caadi waa waa shaqadiisa messi sanadki 4raad ayuuna qaaday gol dhalinta champion teeda kale kan waxaan ka jaahil bixinaa rigoorayaasha kula kala baxayaannaadiya laguma daro
Barqo
21-May-2012 at 12:02 am
Waxaa soo goolal lawada dhaliyey waxaa watarey .ninkii ugu goolasha yaraa oo dhaliyey 6gool dorogba 6diisii gool ayaa qaadatey koobkii .waad aragteen ninkii dhaliyey 14ka gool oo hadana ku ooyaya garoonkiisii .viva dorogba for evry yeare
akj
20-May-2012 at 11:56 pm
may rikoorada danbe laguma darayo messina 4 jeer oo isku xigta ayuu ku guulaysty gooldhalinta cl sidoo balonederkana isagaa leh cid kale ma jirtaba.
maxamed abi khaliif
20-May-2012 at 8:49 pm
wan idin salamaya dhaman akhayrata uu helan sogudbinta ciiyaraha waxan lama iilowan ahayd in lacibka reer lion miss u haya laacibka dunida ugu wanagsan ee ugu ficana dunida oo ah lacabka ugu fiicana lacibka dunid sidokale waxan rajayna inu noqodo lacibka dunida igu ficana waxanu uu misse mucjisada dunida ugu fican ku xisbtama kooxda reer kataloniga ah
maxamed cawil
20-May-2012 at 7:02 pm
lion messi wuu qadi duuna laacibtinimada waa hadii aan lago qiimeen uerda lion messi iskug aan waligii aanlagarikareern ayoo gadhay 74 waliba sidaa ciyaar ayaa udhiman byy cistano ronaldo
abba
20-May-2012 at 6:50 pm
bun hadii la waayo bedelkiisaa lahelaa messi haduu waayey labada koob ee laliga iyo championka laakiin labadameel gol dhalinta ayuu qaadey weli suuq ayuu leyahay
Mahamed
20-May-2012 at 6:17 pm
Lacib waxan idin xasusina mario gomez marki hore wuxu laha 12 xalay wuxu dhashtay rigoradi ayu goal dhashtay marka logumadarayo wan idin waydina
Ani
20-May-2012 at 6:09 pm
Waa baxsanyahay midkaas war garoonka milan 3:2 ayaa loga badshay messi rigore ayuu ka dhaliyay kkk wax lama socdo ineista waxa u dhaliyay kulankii 3:1 ee laacib shaqidiis waaye ee waxaas ha u sheegin nin walantahee
Ani
20-May-2012 at 6:07 pm
Waa baxsanyahay midkaas war garooka milan 3:2 ayaa loga badshay messi rigore ayuu ka dhaliyay kkk wax lama socdo ineista waxa u dhaliyay kulankii 3:1 ee laacib shaqidiis waaye ee waxaas ha u sheegin nin walantahee
Maxamed xaashi
20-May-2012 at 6:05 pm
Asc dhamantiin ninkan gaboow waa nin aan kaftameen wixiisa marhoruu meel kuxirtay wana argagixisada kubada cagta dadkana dhiigkar iyo wadna xanuun buu kuridaaa tageerayaasha kasoo horjeeda marka wa argagixisada kubada ee yan lagu daalin cronalda kugaba dhumay asagana dan ooga haraya ciyartooyda kale gacmahay katageen oo way uqireen balse ninba maseer udhimandoona wana wiilkan fanka badan oo isku mashquulsan
C.qadir.cadde
20-May-2012 at 5:21 pm
Laacib waad qaldantihin messi milan group yada goal kagama dhalin new come 2+2 milan waxa u dhaliye pato t.silva barc waxa udhaliye d.villa iyo sanchez lugta labad 3+2 milan waxa udhaliye ibrahimovic iyo boting barc waxa udhaliye own goal v.bomel aya iska dhaliye iyo xavi iniesta soxasusta
Lucky boY
20-May-2012 at 2:26 pm
Www. Lionel messi wa xidiga duunka!
Mhaji
20-May-2012 at 12:23 pm
Wow cajib