
Tababaraha kooxda Juventus Antonio Conte ayaa hadalo kulul ku tuuray AC Milan iyo tababarahooda Massimiliano Allegri, isagoo sheegay inuu hadalkooda uu badnaa balse wixii ay ku hadlayeen aysan ka muuqan garoonka dhexdiisa.
Kooxda Marwada Duqda ah ayaa tartan adag kaga qaaday horyaalkoodii 28aad ee sida rasmiga ah ugu diiwaangashan, lakiin madaxweyne ku xigeenka Milan Adriano Galliani ayaa weli ka cabanaya goolkii Sulley Muntari ee la diiday markii ay San Siro kula ciyaarayeen Bianconeri bishii Febraayo, isagoo sidoo kalena soo hadalqaadaya mar walba dhaawacyada hareeyay kooxda xilli ciyaareedkan.
Conte ayaase sheegay inuusan la yaabin qaraarka ka muuqda kooxda San Siro ka dhisan, waxaana uu ku dooday in Juventus ay wixii hadal ah ku soo bandhigtay garoonka dhexdiisa.
“Waxaan sidoo kale maqlayay Allegri oo shir jaraa’id ku dhahaya waxaana maaliyadeena ku tolan doonaa xiddiga ta labaad, xilligaas waxaan u maleynayay inay ka dhaadhacsan tahay inay ku guuleysan karaan Scudetto” ayuu Conte u sheegay Sky Sport Italia.
“Waxaan dhihi lahaa wixii garoonka ka dhexdhacay ayaa hadal inoogu filan. Waxaan badinay sideed kulan sagaalkii kulan ee u danbeysay, taasoo cadeyneysay inaan aheyn koox aan gees loo riixi karin”
“Waxaan mar walba dhahayay kooxda ugu fiican xilli ciyaareedka ayaa horyaalka ku guuleysan doonta, kooxda isku xiran, si fiican u dhisan islamarkaana kubad fiican soo bandhigta. Waxaan Juventus inay kaga fiicneyd intaas oo dhan Milan”
Juventus ayaa haatan noqon karta kooxdii seddexaad ee taariikhda Serie A ee horyaalka ku qaada iyadoo dhinaceeda aan dhulka la dhigin marka ay galabnimada axada fooda isgeliyaan Atlanta.
Juventus ayaa axada u dabaaldegi doonta horyaalkoodii 30aad, lakiin sida rasmiga ah waxaa ugu diiwaangashan horyaalkoodii 28aad madaama xiriirka kubada cagta uu ka xayuubiyay labo horyaal fadeexadii Calciopoli darteed.
Omar mohamed hiloowle (suud)
12-May-2012 at 7:35 pm
Hehehe shariif waxaad tahay taagera milan ha is qarin sxb teeda kale qaladka aduunka dhan ayuu ka jiraa iyadoo hada lagu talo jiro sameynta tecknolijaada sida in kamira kubada lasocoto lasameeyo iyo in xariiqa goolka lasameeyo kamira lagu xiro marka qof lagu eda majiro qaladka adunnka ayuu ka taaganyahay FORZA JUVE,,,,,,,,,,,,JUVE 4r LIFE.
Diouf
12-May-2012 at 4:44 pm
Asc dhamaan Madaxda iyo Shaqaalaha webka Laacib.net mid ayaa idinka maqan hadaan idiin sheego “waa naadigii ugu horeyay ee abid ku qaad unbeaten horyaal buuxa 20 naadi 38 kulan halka ac milan 17 naadi ay ka ahaayen 34 kulan record unbeaten ee seria A mar hore ayaa la jabiyay kulanki novara 0-4 juvent waana record cusub” waxaana dareemaa xubintaan inuu qoray qof taageero ac-milan sida uu ugu taagtaagsay 28 scudetto mid ayaa kaa maqan horyaalkii 2006 in wali dacwadiisa ay taagantahay misa ogtahay in xiriirka talyaani si maxkamad aanay u korin darteed juve la dhahay lacag magdhow ah qaata ee dacwada labada horyaal ka hara misa ogtahay morrati waa maal qabeenka inter uu laaluush ku baxshay si juve looga qaado 2 horyaal looguna celiyo seria B iyadoo juve loo balan qaaday inaan la ganaaxi doonin hadii xulka qaranka uu koobka aduunka soo qaado cayaartoydaas oo badnaa ku wii juve horyaalka u qaaday mise ogtahay balanqaadkaasi inaa la oofinin laaluush awgiis
Aadan Dheere
12-May-2012 at 4:10 pm
kkk war dadka dhahaayo laaluush ayee ku qaaday 28 koob laaluush maa lagu soo qaaday teeda kale fadeexada ilaa hada waa socotaa juventus kaliya maahan maalin walbo maamul ayaa la maxkamadeeyaa ee daawada skysport24 italy adinkaa quusa doonee italy dhan waa isla qabaan ceebtaan yaa koox kaliya loo saarin asxaabeey
Ahmed cesc
12-May-2012 at 3:49 pm
Hehehehe kii maseyray asige u taala vivi pirlo and del piero
Abdiqeys
12-May-2012 at 2:56 pm
Asc al tababare cont runti wa macalin qabir ah marka rer milan ebelba kobki hore nasib ad ku qadene iska amusa kobkan ebelba juve lahan jirte sidan axada u dabal dagi dono iska firsada d
qadaryare
12-May-2012 at 2:39 pm
waa salamantihiin dhamaan aaqiyaarta iyo laacib.net marka hore aan kalasaarno taageerenimo iyo musuqmaasuq run ahaantii kobada cagta yurub waaka jiraa dhaamaan arinta musuq maasuq hadaan tusaale asooqaadto premierlaegue wad ujeedeen wixi kadhacay hadii aad ciyaar fiirsataan iyo spein run aahaan labo kulan 2sano kahor ayeey eheed marki eey soo caan baxday spein laakin dhuulka ayaa ladhigay england sidoo kale wadan rabo maleh kubadiisa sida italia ineey hoos udhacdo italia waa wadanki ugu horeeyay ee isku dayo inoow kahortago waana ku qasaareen teeda kale juve milan lazio fiorentihna wa inta markaas ugu horeeysay inter weey ku jirtay lakin weey kabadbaaday
mahamed
12-May-2012 at 12:39 pm
hadal meel laga hadlo kooxda wax uma saa idineeso
lakiin marka garooonka la imaado halaga badiyo
macalinka waa sax war keesa acmilan markasto yee u maleenin in ay kaligeed tahay
shamso
12-May-2012 at 12:35 pm
asc laacib.net waa inaad dhahdaan koobkoodii 28 daad maadama eey musuq maasuqeen labadii koob ee 2006dii
dhiirane
12-May-2012 at 12:32 pm
war ku wani waa tuugab ee naga dhafaa wax na baray wax is daba marinta waa iyaka ee
Xaaji Milaano
12-May-2012 at 11:39 am
iska hadla ilaa laka gaarayo agoosto sanadka danbe markaas ayaan idintusi doonaa xidigo da yar oo kawanagsanan doona kuwa juventus acmilan 7winer of europe
Shariif Caddawe
12-May-2012 at 11:38 am
Marka Hore Dhamaan Bahda Laacib Waad Salaamantihiin Mar Xigta Hadaan Uguda Galo Moduuca Maanta Run Ahaantii Antonio Conte & Kooxdiisa Weey Guuleesteen Lkn Anigu Waxaan Ahay Taageero Taliyaniya Si Kastaba Ha Ahaatee Kuma Aanan Qancin Kubadii Taliyaniga Ee Xiligaan Maadaamo Ay Dhaceen Qaladaad Farabadan Hal Qalad baa Kox Rajo Beel Ku Ridi Kooxna Sare Gaarsiin Karo Palse Waano Somalidu Waxeey Tiraa Nin Daad Qaaday Xunbo Cugsaday Waxaana Ka Cabsi Qabaa Fadeexad Hor Leh Inee Heerka Labaad U Celiso Dadka KJa Qanacsado Tuuganimada Kubada Sida Conte & Kooxdiisa
Ustaad cabdulqaadir ducale
12-May-2012 at 10:42 am
Asc waa runtiis macalinka wuxuu ka reebay koobka dalka hadana waa uu kaqaaday horyaalkii marka ha iska qayliyaan waa dameer uu saaranyahay
barkat suldaan
12-May-2012 at 10:04 am
juve waa tuugo kubada haday ku qaday ha qaado chanpion leage 2 waa hor ayaa qaaday hor yaalka ayay laa luush ku qadaa
Caqil maxamed
12-May-2012 at 9:55 am
Asc lacib iyo takerada juventus salan kadib bota waxmatarto ee karomada lagarabaa juven waliga jir guul wacan insha allah
cumar sh qa
12-May-2012 at 9:54 am
antonio conte waxaa uu kahadlay xaqiiqda
milan hadii ay wax garato waxaa ku filan sidi ay juve sanadkaan usoo bandhigtay ciyaarihii horay loogu yaqiinay. Milan waligeed waxaa ay sugi jirtay hambada juventus vivo juventus goooooooooooooooooooooooool
daadinho
12-May-2012 at 9:53 am
hhhhhhh sharci ayaa ka yaaalo qaraarka badan melahaas la taga ku dheh waa daalan tihin rer milan
Omar mohamed hiloowle (suud)
12-May-2012 at 9:53 am
hehehehe oraah wacan antonio hadalka aad ka dhawaajisay waa xaqiiq FORZA JUVE,,,,,,,,,,,,,JUVE 4r LIFE
C.X.J
12-May-2012 at 9:44 am
asc talyanig oo dhan waa tuugo imikana dee waa labo tuugo is wedaar sanaayo hadalo kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk asc
barkat suldaan
12-May-2012 at 10:07 am
kallllllllllllllllllllhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhh
c.x.h
12-May-2012 at 9:44 am
waa rntiisa juve garoonka ayey ku hadasha saxafada dhaxdiisa kama hadasho taasna waa sax goalkisa muntari laga diiday iyo kan matri laga diday so looguma sixin mida kale cambiasso goalki laga diday uma jeedo miyaa misa waxa ayaga laga subiyay kaliye mety arkaan
Maxbuub man united
12-May-2012 at 9:43 am
Asc dhaman aqayarta siseysa kubada cagata gaar ahaan laacib.net juventus waa naadi weyn waanadigeyga waxana utajeynayaa inay koobab fara badan kuguleysato viva buffan pirlo and delpiero