Mark Hughes Oo Loo Balanqaaday £1m Hadii Uu QPR Ku Celiyo EPL, Islamarkaana Uu Ku Dhego City. | Laacib.net
Home » Horyaalada » England » Mark Hughes Oo Loo Balanqaaday £1m Hadii Uu QPR Ku Celiyo EPL, Islamarkaana Uu Ku Dhego City.

Mark Hughes Oo Loo Balanqaaday £1m Hadii Uu QPR Ku Celiyo EPL, Islamarkaana Uu Ku Dhego City.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 11-05-12 8:44 AM

Mark Hughes ayaa la siin doonaa 1 milyan ginni oo abaalmarin ah hadii uu QPR ku sii haayo Premier League axada, natiijo keeni karta inuu ka celiyo kooxdiisii hore ee Manchester City inay horyaalka qaadaan.

Caawiyayaasha tababaraha QPR Mark Bowen iyo Eddie Niedzwiecki, ayaa iyagana sidoo kale la siin doonaa lacag abaalmarin ah hadii QPR ay Premier League sii joogto.

Kooxda London ka dhisan ayaa u baahan inay hal dhibic ka hesho Etihad Stadium si ay uga fogaadaan inay u laabtaan horyaalka heerka labaad. Si kastaba, kooxda Roberto Mancini ee City ay u baahnaan doonta inay ka badiyaan QPR si ay u xaqiijistaan horyaalkoodii ugu horeeyay ee tan iyo 1968dii. Iyadoo Manchester United ay u safri doonto Sunderland iyagoo ku duceysanaya in City ay sibxato si ay u hantaan horyaalkoodii 20aad ee Premier League.

City ayaa ceyrisay Hughes 2009kii waxaana bedelay Mancini, iyadoo todobaadkii hore uu Sir Alex ferguson ku tilmaamay inay qalad aheyd ceyrintii Hughes la ceyriyay.

Waxaana intaas sii dheer in Hughes uu 13 sanno weeraryahan u soo ahaa Man United, waana iska cadahay in 46 jirkaan tababaraha u ah QPR inuu noqon doono ninka diirada la saari doono maalinta axada, madaama uu horyaalka u gacangeli doono mid ka mid ah kooxihiisii hore.

Madaxda horyaalka Premier League ayaa lagu soo waramayaa inay diyaariyeen labo set oo bilado ah oo ay kala geyn doonaan Etihad Stadium iyo Stadium of Light.

49 Responses to Mark Hughes Oo Loo Balanqaaday £1m Hadii Uu QPR Ku Celiyo EPL, Islamarkaana Uu Ku Dhego City.

  1. C.X.J Reply

    12-May-2012 at 8:24 am

    ASC waani wada salamay bahda weyka iyo dhalinta kale gemka biri ah hadan nahay rer MANutd WAXAAN KUTASHA NEENEE IN NALA QABTO man city mar kaa an kuqaatno horyaalka inasha allaaah wan qaadidoonaa ASC

  2. Saalax Nasri Reply

    11-May-2012 at 8:08 pm

    Asc dhamaan bahda laacib.net waan idin salaamay qaas ahaan taageerayaasha Man City iyo Real Madrid sanadkan wiilasha muslimiinta ah ee Yaya iyo Nasri lagama xigo iney hantaan horyaalka siiba Nasri waxaan filaa inuu ka dhabeeyo hadalkiisii ahaa in uu koob ku guuleesto ka hor Arsenal intaysan ku guuleysan viva Mesut Özil and Benzema

  3. V.bersie Reply

    11-May-2012 at 6:33 pm

    Walaga badinaya man city waxana qadeso man u vivi arsenal guuuuuuul

  4. Saacid arsenal Reply

    11-May-2012 at 6:13 pm

    Ar mala washtay iga qora QPR ugu yaraan 5 ila 8 aala geyha 1 milyan shegehe 50 milyan hala siyo

  5. Muktar mohammed Reply

    11-May-2012 at 5:22 pm

    Asc dhaman bahda reer sport iyo shaqalaha laacib.net marka hore qofki ku bambeyndono gusha reer city iyo reer united marka waxan tagerenaa hadan nahay fanska man united wiilasha musliminta taraabta iyo cisse

  6. ifka waxan layapay kii notastel ilaa kan opr saaan le u qalayaan tawapare iyo ciyardoy war adi hadi aad rapto kobkan maxa is kata cili wesay marki 2 mar lagudumaye waayaab iyo warer.com waxaa adi wax ka qadi wesay ilama aha 100kiba 95 in e qof kale waxba ka qaaden e calacalka daaya city aya leh maskinka by

  7. Qalanjo-dhuux Reply

    11-May-2012 at 5:02 pm

    Salan sare bahda lacib net iyo tagerayasha chelsea kadib hadan nahay reer chelsea man city ayan tagereynaa ila iyo hada man city war lagama maqal man untd calaacalka aya ka dhamaday waa yaap mar alex marna ferdinand kakakakaka sunday city 3_0 Qpr.viva wilasha muslimka ah yaya,and nasri

  8. Qalanjo-dhuux Reply

    11-May-2012 at 4:59 pm

    Salan sare bahda lacib net iyo tagerayasha chelsea kadib hadan nahay reer chelsea man city ayan tagereynaa ila iyo hada man city war lagama maqal man untd calaacalka aya ka dhamaday waa yaap mar alex marna ferdinand kakakakaka sunday city 3_0 Qpr

  9. yaya toure Reply

    11-May-2012 at 4:31 pm

    kkkkk waa wax lagu qoslo wlh reer man utd way isku dhex yaaceen anigu markii hore Newcastle ayaan islahaa city way qabanayaan lkn QPR waxba idinkama celinayaa ee kan galbayee samir gudoonsada insha alaah axada ma sugi karo dabaaldaga sky blue..

  10. mr arsenal Reply

    11-May-2012 at 4:14 pm

    ani waxan la yabanahy somalida dhehe viv man city wa seri b man city gorme bilawden tageranimada man city war iska day mela raca viv arsenal like man und livpool ha lkn man city uf

  11. abdullahi osman Reply

    11-May-2012 at 4:14 pm

    asc dhaman koobka waxa kor u ruxi doonto city elthehad ma dhafaayo insha alah

  12. V.bersie Reply

    11-May-2012 at 3:53 pm

    Asc dhaman dhalinyarad jecel sportska man united inkasto aan jecleyn lkn hadan nahnay rer arsenal waxan rabna in ow arkin nasri mado neyno xata mel omaray cupka in oo arko arsenal guuul kkkkk

  13. Ahmed giraanyo Reply

    11-May-2012 at 2:58 pm

    Asc to all man united . Why we are always united .waa ino sanad ka dambe .cadawyada sida :chelsea liverpol arsenak waan garaaci doooa

  14. MOZY B BABY_DA CITIZENS Reply

    11-May-2012 at 2:30 pm

    @caynanshe habarta maa garonka ku jirto…kkk…
    Man city aya luxaysa kobkan hadan ahay tagero WAYN ee koxda herka clamiga ah ee man city inshalah.
    Man city 4my heart

  15. Maxamed ote dheere Reply

    11-May-2012 at 2:29 pm

    Asc bahda laacib.net haddi ka hadlo fikir keyga man city vs Qbr waxa badinayo kooxda QBR wexee ku badinesa sadax gool man utd goobkan kii 20 aye ka dhiganesa man utd guul aya urajena…

  16. Abdi qane c.ronaldo Reply

    11-May-2012 at 2:14 pm

    Man cety eska quusta horyaakee 20 naad guul q.b.r aya ka baden doonta cety

  17. daadir fidow Reply

    11-May-2012 at 1:48 pm

    man u aya iskaleh waa ki 20tanad insh allah wax arka axada diriska qelida badan leh ooooyin toda

  18. Deekoow Reply

    11-May-2012 at 1:39 pm

    Marka hore wan salamay dhaman bahda sportiga horta suaal? Yaa adag Qpr iyo man utd? Man utd 6 dhibic ayaa laga qaatay Qpr maxay file? macini hora lo borina hadaw qadan wayo horyalkan

  19. Ahmed Reply

    11-May-2012 at 12:53 pm

    Asc dhamaan inta xiiseysa sportiga, tan kale hadii an kuda gala fikirkeyga anigoo ah tageera weyn o city waxan ku raja weynahay in an an ka fakan doona q.p.r islamarkana an wax la gu farxa an sameyn doono. Txn

  20. ibraahim Reply

    11-May-2012 at 12:02 pm

    viva man citiy tagerayasha man citiy wn ugu hambalyeyna hanashada horyalka man u ha qusato sanderland aya ka badineyso viva man citiy

  21. A.aziz Reply

    11-May-2012 at 11:55 am

    KKkkk qbr ayaau da danteeda ayaa ku jirto anagana danteena ayaa ku jirto huges inuu kooxdiis hore ee utd cupka siiyo wuu ku qasbanyahay huges city ayaa so burisay marka wuu xifaaltamaa kkk ferdinand walkiis wuu ka difaacaa shabaq fadrigo mceda wuu ka dhalinaa city cupkaan utd ayaa leh waa kii 20 kkkk rayan giggs poul scholes rio ferdinand iyo dhamaan ciyaartoyda utd wey qaadayaan kkkkk utd insha alah axad wey qaadeee

  22. Hanan Reply

    11-May-2012 at 11:30 am

    Hi dhaman wad slamantihiin inta dawata kubada cagta gar ahan kuwa tageera man utd sxbayaal cupka dadki lahan jiray ayana lahan dona QPR way farxi doonta MAN UTD sido kale city wu ka ohin dona game-ka axada WHY ALWAYS WE 20?

  23. Cilow Reply

    11-May-2012 at 10:30 am

    Xata hadi ay naceliyan qpr adiga sundland aya ka badin donta

  24. Maxamed shafici Reply

    11-May-2012 at 10:17 am

    Asc dhaman salan qas ahne tagera iasha blues man u waxan dhihi laha iska qusta kobkan waxa lo wada city garonkeda by

  25. Chicharito14 Reply

    11-May-2012 at 10:14 am

    Akhyarey wan idin salamay dadka kuhaya ma celinkaran qpr man city waxan wa ball hadi la ogyahay cida qadaysa wa hore aya logu gayn laha groung koda

  26. Wiseman Reply

    11-May-2012 at 10:11 am

    Waw waw man city insha allah walagudhaga wayo ciyar wa nasib rero man city quuqdoda arka o walaga bdina man untd vivaaaa kopki 20ad an kor utagi dna

    • fiidow ozil Reply

      11-May-2012 at 10:50 am

      shabaqii chelsea 6 goal gelisay aniga inaan 8 galiya suga, reer MAN U sxbyal horyaalkaan ETIHAD STADIUM ayaan ku qaadannay kooxdaan yara kka baqeynay NEWCASLE ayey ahaayeen ayadana YAYA unbaaba nooga filnaaday marka no riyo halla joojiyo riyada

  27. Cabdi Qani Reply

    11-May-2012 at 10:05 am

    Asc kkk man u.t.d quusta man city aya soobaxday hos u.n.t

  28. Duceysane1992 Reply

    11-May-2012 at 10:05 am

    Rer man unatid amad qusaneysan citi miley xataa saan &saan idin garaacdy QPR AFKA CIIDA LOO DARA viva kun aguero and l.messi

  29. suudi (man and real) Reply

    11-May-2012 at 9:51 am

    Koox la yasaa u daran qpr way sabaaxaden toon taa cite biladahane waa kuwii ashl young welbeck chicharito & aabo suudi kooxdisa

  30. Hassan brawe Reply

    11-May-2012 at 9:44 am

    Insha alah qpr wey ka badine man city fifa man united

  31. Cali kalafoge Reply

    11-May-2012 at 9:42 am

    Kkkkkkk war waxan fiiriya fikradoda rer man unt ayagoo labo ah kaqaada cup ka ma QPR bay naf ka raadiyeen hhhhhhhh kkkk

  32. malaay cadde Reply

    11-May-2012 at 9:41 am

    Horto ani tageero ma united ayaan ahay mana umaleenaayo iney qbr celineyso man city horyaalkan city ayaa qaaday tankale anaga sida arsenal ookale mudo cobla aan manihin sanadka danbo ayeey inotaalaa iinsha alaah city. Home iyo away ayaan utumi jirnay halsano dhib maleh arsenal ayaan hore iyo gadaal utumay kkkkkkkk 8 2 ayaaka dhacday kkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  33. Daacad Yare Reply

    11-May-2012 at 9:38 am

    Kkkk Qpr ha ku dhagto City maxuma e united yaa iney Sunderland ka badineso u bln qaday United 1 Sunderlan 3 kkkk wax wlbo lashego wilasha musliminta aya gcntoda ku qadayo EPL Yaya toure, dzeko, nasri and kolo toure

  34. mustafe liverpoolfc Reply

    11-May-2012 at 9:32 am

    anagu haddaanu nahay taageerayaasha liverpoolfc waxaanu axada taageeraynaa manchester city inay hanato horyaalka insha allaah

  35. Carrick Reply

    11-May-2012 at 9:30 am

    Runtii hadaan nahay taageero man u waan dagaalmeenaa kubadana waa cad iyo madow inkastoo ay adagtahay in lagu dhago city hadana dadka yeysan umaleenin in sidii everton man u ugu dhagtay in loogu dhagi karo kooxda mancini ok guul wacan weyn rooney and schoals machel carrick nani young valencia ferdinand by by city

  36. Wariye saxaafa Reply

    11-May-2012 at 9:25 am

    {Waa sax qbr city weey celin kartaa oo celis waxba maaha waa city oo difaac adag laka galo marka man utd senderland ayeey soo tumeesa cityne waa laku dhagaa sitaa ayeey horyaalka man utd ku qaateesa viva juve and man utd and real madrid waa 3sadax naadi ee horyaalada sanadkaan heesto}

  37. Wariye saxaafa Reply

    11-May-2012 at 9:23 am

    Waa sax qbr city weey celin kartaa oo celis waxba maaha waa city oo difaac adag laka galo marka man utd senderland ayeey soo tumeesa cityne waa laku dhagaa sitaa ayeey horyaalka man utd ku qaateesa viva juve and man utd and real madrid waa 3sadax naadi ee horyaalada sanadkaan heesto

  38. C/raxmaan mohmed carab"daacad" Reply

    11-May-2012 at 9:13 am

    Asc dhamaan run ahanti hadaynu nahay taagerayasha united rajo wayn kama qabno inay city ay celiso koxda Q.P.R Maxa yelay city 2-kulan oo lis lahaa city taako ayaa loo dhigi doona guul ayey qaaday marka 90% horyalka city ayaa leh haday san wax kale aysan dhicin by.

  39. cabdullaahi blues Reply

    11-May-2012 at 9:10 am

    Asc all midkaa riyo ayuu ku jiraa caqligiisa mawaxaa man city celineyso koox heerka labaad usocoto. man city ayaa ku leh viva chelsea viva man city

  40. Van persie Reply

    11-May-2012 at 9:08 am

    Man city ayaa iska leh reer man u iska quusta

  41. Abuukar shiraaye Reply

    11-May-2012 at 9:06 am

    Dhamaan bahda xiiseesa sportiga waad salaaman tihiin hadii aan fakradayda uguda galo waa iska cadahay horyaalkii 20aad inay man u kadhigan donta marka man c yeey isdaalin by abuukar shiraaye

  42. C/qadir jeena Reply

    11-May-2012 at 9:02 am

    Way iska cadaha inan horyalkan eeqadeso city cidna kama xigto inay qadeyso city vs qpr 4:1

  43. Saacid Reply

    11-May-2012 at 9:01 am

    Waaaaw waxan rajeynayaa hadaanu nahnay tagero united in city laku dhago viv QPR &man united

  44. Mr liverpool Reply

    11-May-2012 at 8:59 am

    Man u uma hayo horyal sanadkan Qpr waxaan leeyahay sabra seria B aada inta man u horyal qadi lahed

  45. Saacid Reply

    11-May-2012 at 8:59 am

    Waaaw waxan rajenayaa in QPR ay celin donto city waa wax aan filayo midaas viv united

  46. samaan bdn Reply

    11-May-2012 at 8:56 am

    hadan fikirkeyga ka dhibto game ka shity vs QPR waxa ay guusha raci donta coachka lo baan qaday 1m

  47. Baashi Reply

    11-May-2012 at 8:55 am

    Kooxda man city wey iska cdahay iney ku guleysaneyso horyaalka sanadkan mark hughes 1milyan iskaday xta hdi lasiyo 100milyan kuma dhegi karo city viva city loooooooooooooz

  48. Caynaashe Reply

    11-May-2012 at 8:55 am

    Man u aya qadanaysa biladaha viva rooney viva my mather

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>