
Agaasimaha kooxda Roma Franco Baldini ayaa xaqiijiyay in tababare Luis Enrique inuu kooxda ka tagi doono dhamaadka xilli ciyaareedkan ka dib hal sanno oo uu macalin u ahaa Giallorossi.
Ciyaaryahankii hore ee xulka Spain ayaa qabtay kooxda ku ciyaarta Stadio Olimpico xagaagii 2011, lakiin waxa uu ku dhibtooday inuu isbedel weyn ku sameeyo kooxda iyagoo haatan ku jira kaalinta 7aad.
Luis Enrique ayaa shalayto ciyaartoydiisa u sheegay inuu kooxda ka tagi doono ka dib kulanka ugu danbeeya ee Serie A marka ay ciyaaraan todobaadkan, waxaana Roma ay haatan xaqiijisay inuu tababaraha reer Spain ka tagayo.
“Muddo waqti ah ayaan ogeyn inuu inaga tagayo. Lakiin waxa uu Luis Enrique doonayay inuu marka hore u sheego ciyaartoyda” ayuu Baldini u sheegay Sky Italia.
“Wadahadal dheer ayaan la galnay a dib kulankii Fiorentina [25kii Aprill], waxaana uu markaasi inoo sheegay inuu doonayo inuu baxo”
“Waxaan aaminsanahay inuu qabtay shaqo fiican, waana sababta aan u siinay waqti badan oo uu go’aan ku gaaro”
Roma ayaa haatan isku diyaarineysa kulanka ugu danbeeya ee Serie A ee xilli ciyaareedkan oo ay axada la ciyaarayaan Cesena.
Steven gerarad
12-May-2012 at 4:21 pm
Sxb yaal mar kale waxan dhahaya liverpool haa nolaata ok wan jclahay teamkaas by ugaas yare
Steven gerarad
12-May-2012 at 4:19 pm
Asc marka hore dhamatin waxan idin dhahaya roma wa team lkn player mahaysato by all of you ?
qable
12-May-2012 at 2:54 pm
Orad iskatag sxb waa kuu mahadcelineynaa shaqadii aad qabatay lakiin heerkii aan rabnay maaa aanan gaarin viva roma. Welcome AVB
van persie podolski ARTETA BANSEMA HIGUWAI kaka vamolan ozil wilsher ibrahimvic falamini harunyare
11-May-2012 at 4:57 pm
asc all and lacib.net bax dheh Taas benlow waye lkn vila-boas aya ka fcnan don0 ayan aminsanahay by
C.m baroodo
11-May-2012 at 4:44 pm
Asc jatag kuwaas waxbo ma ogo roma waliged mel magaareyso xitaa murinho haduu yimaado ma isbadalayan nathing
Caaqil114
11-May-2012 at 4:29 pm
maclin fiican beey heesteen laakiin roma laacibiinta ayaa ku yar, oo suuqa inta badan xoogga ma saarto..
Ali
11-May-2012 at 4:09 pm
Luis daneso sxb roma wa koxda xun
Xaaji Milaano
11-May-2012 at 2:46 pm
Wax fiican kuma soo kordhinin naadiga roma tababre luis by by