Sergio Aguero: Manchester City Sannado Badan Ayay Sii Heysan Doontaa Ingariiska. | Laacib.net
Home » Horyaalada » England » Sergio Aguero: Manchester City Sannado Badan Ayay Sii Heysan Doontaa Ingariiska.

Sergio Aguero: Manchester City Sannado Badan Ayay Sii Heysan Doontaa Ingariiska.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 10-05-12 10:55 AM

Weeraryahanka Manchester City Sergio Aguero ayaa aaminsan in hadii kooxdiisa ay xilli ciyaareedkan hanato horyaalka Premier League inay bilow u noqon doonto koobab badan oo mustaqbalka u soo xarooda kooxda Sky Blue.

Man City ayaa qarka u saaran horyaalkoodii ugu horeeyay ee muddo 44 sanno ah, waa hadii ay guul ka gaaraan QPR oo axada ku soo booqaneysa Etihad Stadium.

“Waxaan doonayaa inaan horyaalka ku guuleysto xilli ciyaareedkan – iyo xilli ciyaareedyo badan oo soo socda oo ka danbeeya midkaan” ayuu Aguero u sheegay The Sun.

“Waxaa ina soo maray xilli ciyaareed aad u fiican, lakiin wax badan ayaa ka soo socda kooxdaan” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Manchester Ciy ayaa koox weyn ka noqotay wadanka Argentina taasoo ay ugu wacan tahay qaabka ay u ciyaaraan iyo xiddigaha u ciyaara ee reer Argentina oo ay ku jiraan Pablo Zabaleta iyo Carlos Tevez.

“Dadka reer Argentina waxa ay jecel yihiin kubad fiican – City waxa ay ciyaartay xilli ciyaareedkan kubad aad u weyn. Wadankeyga waa laga jecel yahay, waxaana ay ka yihiin koox caan ah” ayuu yiri.

“Waxaan kooxda ku joognaa seddex ciyaaryahan oo Argentina ah, taas ayaana u sabab ah”

“Premier League sidoo kale waxaa laga daawadaa wadanka, taas xitaa saameyn ayay ku leedahay”

19 Responses to Sergio Aguero: Manchester City Sannado Badan Ayay Sii Heysan Doontaa Ingariiska.

  1. Adnaan Reply

    14-May-2012 at 3:56 pm

    walah sxbo yalow waxaan layaabay cayaartoyda gaar ama tagerayash siday raban ayey u hadlan look last year fabrican and sanches i want barca bcos cup aya rab look sergio and nasri they come they won incredible

  2. Xsnfodey Reply

    13-May-2012 at 11:16 am

    Kkkkkkkkkkk qosalka yaya tura ayaa ku dan beynyaa roney away moo hadla kkkkkkkkkk m u byyyy sadkan shikh mansur ayaa is kaleh kob kan

  3. neizaam bin cammar Reply

    11-May-2012 at 8:45 am

    kkkkkkkkkkkkk snadkan waxu ino noqon dona snad tarikhed qufi walipaa ha iska diwan geshato bogga tarikhda inlagu qoro ayu mudanyahay sxp viva MANCITY man cty 4 ever nd 4 evry one

  4. Abdirazak Note Reply

    10-May-2012 at 4:26 pm

    ASC
    Salaan ka dib, horta yaan lagu deg degin cidda qaadaysa kubaddu waa bar madow iyo bar cad wax kasta ayaa dhici kara Ilaahay baana og cidda cal fan doonta lkn waxaad ogaataan man united in aan dhayal dhayal wax lagaga qaadayn, waxaan jeclahay in sanadkan city ay qaaddo anigoo ah taageere man united ah waayo si kooxda meelaha ay ka liidato loo dhamaystiro sida dhexda iyo weerarka iyo baalayaasha oo la xoojiyo iyo weliba difaaca sidaa darteed, la arki doonee bal waynu sugnaa waxa dhaca in man city ay farxad ku sii jirto iyo in kale insha Allah.

  5. MOZY B BABY_DA CITIZENS Reply

    10-May-2012 at 2:03 pm

    woman united way dhamatay xiligina its time 4 man city

  6. Caaqil114 Reply

    10-May-2012 at 1:21 pm

    asc sanadaakn kooxda mancity waxbadan ayey soo halgameen weeyna u qalmaan ineey qaadaan koobkaan.. laakiin sanado badan ayaan boqor kasii ahaa neeynaa england taas riyo ayaan u arkaa, waayo kooxo waa weeyn ayaa wadanka jooga.. yaxya toure ayaan larabaa sanadkaan inuu qaado koobkaan..

  7. Updez Reply

    10-May-2012 at 12:45 pm

    Dhib Majiro sanadkan Man City aya iska leh lkn Nxt year Arsenal Ama Isla Man City Wixi Kadambeeyo Waa Laga fikiri doona

  8. Updez Reply

    10-May-2012 at 12:44 pm

    Dhib Majiro sanadkan Man City aya iska leh lkn Nxt year Arsenal Ama Isla Man City Wixi Kadambeeyo Waa Laga fakiridoona

  9. asad .gesey Reply

    10-May-2012 at 12:28 pm

    xaqiqda kubadad wa cad iyo madow . Mancity wa xoox bixineysa la.ag aad u fara badan . Wayn sameyn karan iney sanada kale ku guleystan wa hadi ay si hayan watada ay ay hada ku tagan yihin . Man utd . Waxay raban bilaa qarash iney qadan horyalka taasina surawi meyso

  10. fanaan(Ruux sir) Reply

    10-May-2012 at 12:24 pm

    Man utd ayaa qaadeeso koobka gacanteedo kuna jira wali city walikeedba ha iska hadlaan waxa seefta lasoo baxeena kulanka uku danbeeya ee horyaalka.

  11. Mahad napoli Reply

    10-May-2012 at 12:19 pm

    Kkk ninki rooney ahaay aawaay oo booteen jiray hada moo soo hadlo aniga hore ayaan usheegay inuu yaya toure qosolka ku dambeeyn doono viva man city viva gaagaabyaalka reer argentine sergio and carlos

  12. maax Reply

    10-May-2012 at 12:14 pm

    hortaa horyaalka Premier League haadii la haysan lahaa hora loo haysaan lahaa waa 20 teams oo teamkastaa guul kuu fakarayo maa ahan sida spain iyo itlia markaa aguero pls don.t dream it’s english premier league

  13. dalmar man untd Reply

    10-May-2012 at 11:53 am

    kkkkkkkkkkkkkkk kan muu riynaya kulaha sanad0 badan waan qadeyna riyaaa ahaaaaaaaaaaaaaaaa taaaaaaaaaaaaaaaas l000000000000000lz man untd vivaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaa

  14. Ahmadey cawishow Reply

    10-May-2012 at 11:46 am

    War nin kani beentiis ayey nuqundoontaa inshallah waxaa qaadi doonta man unated waad mahad santihiin dhamaan taagey rayaasha man unated

  15. hodanya Reply

    10-May-2012 at 11:36 am

    kkkkk sanadkaan waa kii man city waxba yaa lasys daalin meesha man utited waa ay uga dhamaatayna oo wixii ay ku dhigeen inkastoo aysan wali dhamaan lkn man city baa lamoodaa in ay u cad cadcadahayna insha allah iyada ayaana qaadanasa hadii alle idmo

  16. lazarazuu Reply

    10-May-2012 at 11:30 am

    kkkkkk war dee nin kan wuu riyoonaya horiyaal uusan qaadin isi siiyay viva manchester united

  17. Cilow Reply

    10-May-2012 at 11:27 am

    Wa sida aguaro diir bay ka noqon donta ingland iyo calamkaba koobab fara badana way ku gulaysan donta

  18. Wadani Reply

    10-May-2012 at 11:20 am

    Waa runtis aguwera hadalkisa maxa yelay man utd ayow 6dhibcod ka qatay marka sow rabo ha uhadlo 10ka sano o so socdo ayaga aya kamadax ah wadnaka

  19. xaliya Reply

    10-May-2012 at 11:07 am

    inkastoo aan jeclahay teamka argen hadana man city yeeysan is mahadin wali waa ilmo hada soo korayee

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>