
Manchester United ayaa xaqiijisay inay heshiis la gaartay xiriirka kubada cagta Mexiso oo ku aadan in Javier Hernandez uusan ka qeyb qaadan doonin ciyaaraha Olimpikada adduunka ee xagaaga lagu qabanayo London.
23 jirkaan ayaa u ciyaaray wadankiisa koobkii adduunka ka hor xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee Old Trafford, halka sidoo kale uu weeraryahanka ka muuqday koobkii Gold Cup, islamarkaana uu noqday gooldhiyaha koobkaas.
Hernandez, ayaa lagu waday inuu ka miq noqdo seddexda ciyaaryahan ee Mexico ay u soo yeeran karto ee ka weyn da’da 23 sanno, waxaana sidoo kale lala xiriiriyay inuu calanka wadankiisa u qaadi lahaa furitaanka xaflada Olimbikada.
Lakiin, Sir Alex Ferguson ayaa aaminsan in weeraryahankaasi uu daalan yahay, islamarkaana nasasho buuxda oo uu helo xagaaga inay faa’ido ku jirto.
“Qaab ciyaareedkiisii xilli ciyaareedka hore waxa uu ahaa mid fantastik ah. Sannadkiisii labaad waxa ay u aheyd mid dhib badan sababtoo seddexdii xagaa ee ugu danbeysay ma uusan nasan wuxuu u ciyaarayay wadankiisa” ayuu SAF u sheegay website-ka kooxdiisa.
“Sannadka soo socda waa uu fiicnaan doonaa madaama aan isku raacnay xiriirka kubada cagta Mexico inuu nasto oo uusan ka qeyb gelin ciyaaraha Olimbikada adduunka”
ahmedberkan mohamed yarow
18-May-2012 at 2:47 pm
asckm fargusen wa nin waya arag ah wayo wax yabaha uuka hadlay wuu qaba chicharito wayo waxan aminsanahay ama ey aminsanyihin jumhurta utd aragtida sir ka wayo fit ma ahan hernandez waxan tageraya kadhawajinta fargusen wana wax lagu farxo chicharito waxa u ubahanyahay nasasho si u ula janqado xili ciyareyd ka cusub e shayadinta cas cas wax weyn ayu kuso kordindona horyalka furmaya bye
abdirisaq
17-May-2012 at 7:57 pm
Hernandez waa inuu nastaa mar hadii macalinkiisi sidaa yidhi way fiican tahat………………
Farris
16-May-2012 at 4:49 pm
Wan edin salamay sln ka dib waxan edinshegaya wa khalad waxa osamanayo ser alex wayo ninkan in o ciyaro aya larawa hada ciyeri wayo wadankesa hormar makarayo ninka hada xanon wayn maqabo sedan walakaficanyahay
A.young b.schols
12-May-2012 at 8:47 am
Horta all waan idin slmy sln kadib
haaa wasax waa inuu nastaa ciyaaryahanka dada yar hdane xirfadisa ey wanagsantahay mclinka wuu fikiray harnandes wuxuu ukaday inuu dalan yahay man chestr united kuuuuul
Cowke
11-May-2012 at 6:14 pm
Horta aqiyaarey waa ni slmay sln ka dib waa run mclinka hadalkiisa ciyaaryahanka wuxuu ubahanyahay inuu nasto mclinkana waa mclin qabiir ah duqnimadiisa iyo maskaxdiisa isku mid ma ahan. iga dheh mcnka aduunka thanks coach s a f by by scholes and rooney
Fate
11-May-2012 at 3:19 am
Waa sax ha nasto
wiilka sanadka
11-May-2012 at 1:33 am
walle macalinka aduunka ugu qabirsan wa sir alex fergusen ilahay aya maskax iyo caqli siiyay
Jaylaani manchester
10-May-2012 at 9:43 pm
Anaga hadi an nahay united maxa noga jiraa qaran iyo calankisa muhimadena wa inan ceshanaa lacibkena
Elmi Goal United
10-May-2012 at 9:34 pm
Ciyaalkaan Qeylinaa meeshaan dad idinka Weyn baa Tashtay Waaa Wadan Iyo Naadi Adinku Maxaaa Ka Tihiin Meesha Safka Waaa Maskax Miiran hayey City Qpr Oo SeraB Ka Carareysø cupka wuu Idin Daaayey At least bareejo Ayey idinku Qaban doønaaan Viva Unitedka
Barre'buurfulle
10-May-2012 at 7:49 pm
Wa muhim inow nasto laacibka
TELKOM GSM
10-May-2012 at 5:05 pm
Kkkkkkkkkk war waxaas wax ka jira malaha yan la idinku qoslin tagerayasha man utd nadi waxa ka weyn calanka iyo qaranimada waxaas miya aminten wale maskax ma jirto
Ahmadey cawishow
10-May-2012 at 4:52 pm
Waa arinfarxadleh taageyrayaasha arsenal waa umurug haye hadda sooqeyliya hayey hernandez
Qaalid young
10-May-2012 at 3:36 pm
Thanks
Mr-SAF
Waxaan kugu jeclahay maskax.daada aad ukaashatit your players kaga waah waah wa maskax Aqli iyo waya arag k.k.k macalin iga dheh Fargusan manCITY Waxa goals ka ka dhalindon Chicharito ayan sugeyna Frist goal waxa ubilawi dono Man United waa Xavi Chicharito k.k.k viva caoch SAF AND PLAYER CHICHARITO K.K.K
Bile cabdi jaamac ugaaska
10-May-2012 at 3:30 pm
Waa muhiim inuu nasto ciyaaryahankaan waayo waa hal bawle waana laga xisaabtami karaa