FC Porto Oo Ku Guuleysatay Horyaalka Portugal Markii 8aad Ee 10kii Xilli Ciyaareed Ee U Danbeysay. | Laacib.net
Home » Horyaalada » FC Porto Oo Ku Guuleysatay Horyaalka Portugal Markii 8aad Ee 10kii Xilli Ciyaareed Ee U Danbeysay.

FC Porto Oo Ku Guuleysatay Horyaalka Portugal Markii 8aad Ee 10kii Xilli Ciyaareed Ee U Danbeysay.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Taariikh: 30-04-12 4:22 AM

Kooxda Porto ayaa ku guuleysatay horyaalkeedii 26aad ee Portugal ka dib markii kooxda ay xafiiltamaan ee Benfica ay barbaro 2-2 ah la gashay kooxda Rio Ave, waxaana ay taasi keentay in Porto ay iska sii wataan awooda ay 10kii sanno ku heysteen horyaalka dalkaas.

Kooxda FC Porto aayaa 2-0 kaga badisay sabtidii Maritimo iyagoo uga mahadcelinaya labo rigoore oo uu u dhaliyay xiddigooda reer Brazil Hulk.

Barbaraha ay gashay Benfica oo kaalinta labaad ku jirta ayaa keentay in Porto ay hogaanka ku qabato lix dhibcood iyadoo labo kulan ay ka harsan tahay horyaalka, lakiin Porto ayaa rikoor fiican heysata kulamadii waji ka wajiga ee ay la ciyaareen Benfica. Xitaa hadii labada kulan ee horyaalka ugu danbeysa laga badiyo.

Hanashada horyaalka ayaa waxa ay la micno tahay in Porto ay qaadeyso markii sideedaad koobka horyaalka 10kii xilli ciyaareed ee ugu danbeysay.

Kumanaan taageerayaal ah ayaa isagu soo baxay Porto iyagoo u dabaaldegay hanashada horyaalkoodii 26aad ee Portugal Premier League.

“Horyaalkan waxa uu ahaa mid dhib badan, lakiin waxaa la xisaabinayaa kaliya inaan ugu danbeyn ku guuleysanay” ayuu Hulk u sheegay Tv-ga Portugal.

“Waxaan ciyaarta Benfica ka daawanayay maqaaxi Barzil ah, waxaana jeclaan lahaa inaan horyaalka ku qaadno garoonka dhexdiisa, lakiin tan xitaa waa la xisaabinayaa”

One Response to FC Porto Oo Ku Guuleysatay Horyaalka Portugal Markii 8aad Ee 10kii Xilli Ciyaareed Ee U Danbeysay.

  1. Maawel Ali Isak Roma Reply

    30-April-2012 at 6:53 am

    Congrotulation’S..
    PORT FC

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>