
* Kooxda hogaanka u heysa La Liga Real Madrid ayaa xaqiijisan doonta hanashada horyaalka markii 32aad, hadii ay axada garoonkooda kaga badiyaan kooxda Sevilla, islamarkaana kooxda kaalinta labaad ee Barcelona ay guuldarro ka soo gaarto Rayo Vallecano.
Kooxda Jose Mourinho ayaa qarka u saaran inay kor u qaadaan markii ugu horeysay koobka horyaalka muddo afar sanadood ah, iyagoo leh 88 dhibcood, islamarkaana hogaanka ku haya 7 dhibcood, afar kulan oo ka hartay horyaalka.
Real ayaa heysata koox buuxda oo ay ka soo xushaan line-upkooda, lakiin kooxda kaalinta 9aad ee Sevilla ayaa waxaa ganaax kaga maqnaan doona Gary Medel iyo weeraryahan Manu del Moral.
Xiriirka kubada cagta Spain ayaa dhawaan ku ganaaxay kooxda Sevilla 600 euro ka dib markii taageerayaashooda ay kubado tennis ah garoonka dhexdiisa ku soo tuureen si ay dib ugu dhigaan bilaabashada kulankii todobaadkii hore ay la lahaayeen Levante. Taageerayaasha ayaa ka careysnaa in la bedelay waqtigii loogu talogaly inay kooxdooda ciyaarto iyadoo la fiirinayo in kulanka El Clasio uu helo waqti banaan.
* Ka dib seddex kulan oo isku xigta oo aysan guul gaarin, Barca ayaa u safri doonta habeenka axada Madrid si ay u la ciyaaraan kooxda ku jirta kaalinta 15aad ee Rayo, waana kulankii ugu horeysay ee ay Barca ciyaarto ka dib markii macalinkooda uu ku dhawaaqay inuu kooxda ka tagayo dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Waxaa dhaawac kaga maqnaan doona Barcelona Xavi iyo Gerard Pique.
*Kooxda kaalinta 3aad ee Valencia ayaa u baahnaan doonta inay boorka iska jafaan ka dib markii ay qamiistii ka hareen Europa League waxaana ay u safri doonaan axada kooxda kaalinta afaraad ee Malaga.
Los Che ayaa 3 dhibcood oo faa’ido ah ku heysata booska kaalinta 3aad ee sida tooska ah xilli ciyaareedka soo socda loogu soo baxayo Champions League.
* Ciyaaryahanka reer Spain ee kooxda Valencia Sergio Canales ayaa garoomada ka maqnaan doona lix bilood kale, ka dib markii uu dhaawac ka soo gaaray jilibka kulankii khamiistii ee Atletico Madrid ee Europa League.
21 jirkaan ayaa amaah kaga soo maqan Real Madrid, waxaana qaliin looga sameeyay jilibka bishii October, isagoo goordhow ku soo laabtay garoomada.
* Kooxda laga yaaban yahay ee Levante, oo dad badan ay filayeen inay xilligan oo kale u dagaalami laheyd inay La Liga sii joogto ayaa bedelkeeda waxa ay haatan ku jirtaa kaalinta 5aad waxaana ayqalqaalo xoogan ugu jiraan inay helaan boos tartamada Yurub ah, iyagoo maanta martigelin doona Granada.
*Kooxda ugu hooseysa horyaalka ee Racing Santander, oo kaliya labo dhibcood ka heshay 10kii kulan ee ugu danbeysay, ayaa ku qasban inay ka badiso maanta Real Sociedad si ay u helaan fursad kasta oo ay kaga badbaadaan inay u laabtaan horyaalka heerka labaad.
Racing waxa ay 11 dhibcood ka danbeysaa kooxda kaalinta 17aad ee Villarreal kuwasoo iyagana maanta martigelin doona Osasuna.
samiir
29-April-2012 at 1:49 pm
waa horyaalka SANADKA
Quman
29-April-2012 at 10:01 am
asc dhamaantiin asxaabta sharafta leh, sln sare dhamaan fanska realmadrid,, hadaan usoo noqdo fikirkayga kulanka caawa ee realmadrid vs sevilla ma ahn kulan sahlan sevilla waxay ka mid tahay kooxaha ugu adag spain inkastoo wayad ay awood darneyd iyadoo sidaas ah waxaan u rajaynaa madrid inay guul fiican ku gaarto gurigeeda santiago bernabeu,, Hala Madrid!!
Dahir ugas dahirturaabi
29-April-2012 at 7:37 am
Asc all bahda sportiga laacib.net real kobkan waqadaye ree barca wa noo markale by by
muniiromar daauud
28-April-2012 at 10:31 pm
Asc.asxaabta odhan iyo bahda laacib.net salaan kadib waxan idin leyahay copkan waxa iskaleh barcelona viva barcelona and inesta
lamya
28-April-2012 at 5:14 pm
Real madrid ayaa iska leh wax ba yaa la gu lu goin
Naalo
28-April-2012 at 1:51 pm
Wax walba waa ay dhici karaan laakiin afar sano kadib real oo ku qanacsan hanashada horyaalka
aadan ibrahim heyban@geysiga murinho
28-April-2012 at 10:06 am
asc asxabta qadarinta iyo qayaha mudan marka xigta hora waxa loyiri nin adunyo joga maxa arkate kulaban guardiola inta uu murinha joga maxa arakate kulaban messe inta runaldo joga maxa arakte kulaban real caawa 6 ronaldo iyo dimaria o kale aa kufilan rer barka by by
waa ino horyalka dambe iyo guul daro by dhamanten wa geysiga murinho k.k.k.k.k.k.
Cabdi keeck
28-April-2012 at 9:03 am
Real aya leh wa iska caadi waxba maaha
C.ronaldo
28-April-2012 at 8:48 am
Real Madrid vs Sevila 7-0 C.ronaldo Super Hattrick… Ozil Hattrick…
Ninki didiyo ninki donaba alla siye siya horyalka Real Madrid ronaldana golasha haka gadho 53goals ka ka naxaw nafta waa khasatan reer catalonia….
Caydaruus
28-April-2012 at 8:26 am
Asc aqiyaarta aniga waxaan qabaa in ay ku guuleysandoonaan horyalka man united
Abuukar jaale
28-April-2012 at 7:08 am
Asc aqiyarta sln kadib aqiyaarey awalba shaki kuma jirin iney aqiyarey in riyal qaadi doonto horyaalka c.ronaldo adigana misse kaquusi goul dhalinta horyalka hadathy xidig weyn viva man utd and riyal
Ismailovic
28-April-2012 at 6:59 am
Real madrid 4:0 sivilla c.ronaldo hatrick
Cabdulaahi shuuriye faarax
28-April-2012 at 6:49 am
Wax kaxigo majirto real madrid inee qaado la liga markedii 32