
Maanta waa jimce waa xilligii aad inooga barateen barnaamijkeenii su’aalaha jimcaha ee barbaarta laacib.net, lakiin inta aanan u guda gelin su’aasha cusub ee todobaadkan aan marka hore fiirino su’aashii hore iyo akhristyaashii ka soo jawaabay.
Su’aashii isbuucii hore akhristayaal badan ayaa isku dayay inay ka jawaabaan lakiin waa ay haleeli waayeen, waxaana leenahay weli tartanka waa furan yahay.
Su’aashii todobaadka hore aad idiin weydiinay waxa ay aheyd:
A- Waxaad Sheegtaan Ciyaaryahan Haatan Kooxdiisa Line-up Ka Ah, Misana Ah Ciyaaryahanka Ugu Da’da Weyn Ciyaartooyda Ka Dheesha, Horyaalada Sida Serei A, Laliga, EPL, & Bundesliga? Sheeg Magaciisa, Kooxdiisa & Da’diisa?
B- Waxaad Sheegtaan Macalin Kamid Ah Macalimiinta Horyaalada Ugu Waa Weyn Yurub Sida EPL, Laliga, Serie A, & Bundesliga Oo Xili Ciyaareedkan Eeynu Kujirno Ee 2011-12 Macalin Unoqday Laba Kooxood Oo Ka Kala Dheela Horyaalada Heerka 2-aad & Heerka 1-aad Ee Dalkiisa?
Jawaabta Waa Sida Tan:
A- Ciiyaaryahanka haatan kooxdiisa line-upka ka ah ee ugu da’da weyn ciyaartoyda ka dheesha horyaalada Spain, Italy, England & Germany waa goolhayaha kooxda Tottenham Brad Friedel oo da’diisu ay tahay 40 sanno jir.
B- Macalinkaas waa macalinka haatan leyliya kooxda Villarreal Miguel Angel Lotina, waxaana uu kaga soo biiray isla xilli ciyaareedkan kooxda Deportivo La Coruna oo ka dheesha horyaalka heerka labaad ee dalka Spain.
Kala Horeynta Akhristayaasha:
Qassim Axmed Cabdulle 20dhibcood
Liibaan Axmed “Liibaan Sergio” 14 Dhibcood
Cabdi Maalik Sheikh Maxamed (Xidiga) 14 dhibcood
Axmed Xasan Sheikh (Salas) 14 dhibcood
Cabdi Nuur Cadoow 12 Dhibcood
Xamza Cabdi Raxmaan “David Luiz” 12 Dhibcood
Cabdulqaadir Cabdulle Xaayow 12 dhibcood
Guure Cali Guure (Caseyr Yare) 12 dhibcood
Maxamuud Abuukar Siidow (Lacala) 10 dhibcood
Cabdi Shakuur Siciid Faarax 10 dhibcood
Axmed Yuusuf Xasan (Tuur Yare) 10 dhibcood
Axmed Yaasiin 8 Dhibcood
Nuux Axmed Faarax (Nuux Internazionale) 8 dhibcood
Maxamed Deeq Sahal (Aanit) 8 dhibcood
Maxamed Siciid Nuur 8 dhibcood
Mahdi Bashiir 8 dhibcood
Zeki Cali Bariise 8 dhibcood
Liibaan Cali Xuseen ( Captian Abti Doon) 8 dhibcood
C/raxmaan Xaaji Axmed 8 dhibcood
Maxamed Amiin Dayib Cabdi 8 dhibcood
Ikraan C/Samad (Ikraan Man United) 8 dhibcood
Xuseen Nuur (Buulo Mareer) 8 dhibcood
Micraaj Maxamed Jaamac 6 dhibcood
Aadan Maxamed Axmed (Aadan Black) 6 dhibcood
Xasan Aadan Cali (Carab Cadde) 6 dhibcood
Axmed Siciid 6 dhibcood
Yoonis Cali (Xeydara) 6 dhibcood
Maxamuud Sheikh Maxamed (Samir Nasri Macqulsome) 6 dhibcood
Zakariye Daahir Xasan (Zeki) 6 dhibcood
Cumar Maxamuud Cumar ( Cumar Palacios) 6 dhibcood
Cabdi Naasir Ibraahim Cabdullahi 6 dhibcood
C/ Raxmaan Cali (Liyoonta Macquulsome) 6 dhibcood
Siid Cali Eebow 6 dhibcood
Luqmaan Maxamed Xasan (Luqmaan Madridista) 6 dhibcood
Da’uud Xuseen (Duuda) 6 Dhibcood
Xasan Cali (Xasan Eindhoven) 6 dhibcood
Waxaa afar dhibcood wadaaga :
Mahdi Nuur 4 dhibcood
Cabdirisaaq Xasan Ugaas “Duceeysane” 4 Dhibcood
Maxamed Amin Xasan Geedow 4 dhibcood
Maxamed C/raxmaan Muumin 4 dhibcood
Axmed Keyse Cali (Axmed Cajab) 4 dhibcood
C/kheeyr C/qaadir Axmed 4 dhibcood
Cabdalla Maxamed Geelle 4 dhibcood
Maxamed Maxamuud Daahir (Cesc_fly Macqulsome) 4 dhibcood
Axmed xmed C/rashiid (Axmed Carrick Macqulsome) 4 dhibcood
Cumar Muuse Shire (Kadhac) 4 dhibcood
C/Qaadir Axmed Cumar (C/Qaadir 4u Macqulsome) 4 dhibcood.
Saabir Daahir (Abtiyaalo) 4 dhibcood
Zakariye Xasan Cali (Keeynadiid) 4 dhibcood
Daahir Axmed Cali (Daahir Yare) 4 dhibcood
Cabdi Raxiim Amiir 4 dhibcood
Maxamed Ibraahim Cali 4 dhibcood
Intisaar Maxamuud Maxamed 4 dhibcood
Cabdi Fitaax Maxamed 4 dhibcood
Guuleed Cabdulqaadir Axmed 4 dhibcood
Keeynadiid C/Wali Yuusf (Barca Fan) 4 dhibcood.
Maxamed Cabdiraxmaan Aadan 4 dhibcood
Waxaa Labo Dhicbood leh dadkan kala ah:
Axmed Cali Cilmi 2 dhibcood
Axmed Taajir Axmed 2 Dhibcood
Aadan Maxamed Cali 2 Dhicood
Saalax Saciid (Timo-Faras) 2 dhibcood
Cabdi Salaan Xaashi (Cabdi Yare) 2 dhibcood
C/fataax Barseeye (Sweden) 2 dhibcood
Maxamuud Dhamaal 2 dhibcood
Daahir Axmed Guuleed 2 dhibcood
C/shakuur Siciid Ibraahim 2 dhibcood
Zakariye Cumar Axmed 2 dhibcood
Cabdalla Cismaan Axmed 2 dhibcood
Maxamed Kaafi 2 dhibcood
Shaafici Aadan Nuur (Carfaaye) 2 dhibcood
Leeylo Axmed (Mimi) 2 dhibcood.
Jaamac Cali Yuusuf 2 dhibcood
Abakar Muriidi Siid
Maxamed C/qaadir Faarax (Man City Fan)
C/shakuur Ibraahim Cali
Najiib C/qadir Shiil
Maxamed C/nuur (Macqulsome)
Warsame Cali Gacal
C/raxmaan Dhooleey
Cabdalla Xaashi Cismaan (Barca Boy)
Dalal Xasan Cilmi
Ceeydaruus C/Samad Yaasiin
C/Xaliim Maxamed
Maxamed Xaaji Muumin
Cadnaan Xuseen Cumar (Cadnaan Anfield)
C/shakuur Sheikh Xasan
C/Raxmaan Xasan C/Qaadir (Blues)
Maxamed Cali Maxamed (Moha Xavi Macqulsome)
Maxamud Aden (Barca)
Ismahaan Cali ( Barca Fan)
Maxamed Nuur Maxamuud (Sirwaan)
Cabdalla Xasan Cabdi (Xujo)
Cabdi Fitaax Muuse Cali ( Alif Waxmaleh)
Maxamed Cabdi Risaaq Aadan (Shidane)
Abshir Cali Yuusuf (Madrid-Man)
Cumar Xasan (Cumar Sweden)
Mustaf Cabdi Faarax (Mustaf Yar)
Mahad Cali (M Sheegow)
Maxamed Ibraahim
Cabdi Fitaax Bakri
Siciid Ibraahim Hilowle
Liibaan Maxamed Axmed
Sacdiid Cali Bashiir
Axmed Cumar Maxamed (Ningubte)
Cabdi Qani Maxamuud Xasan
Cabdi Fitaax Faarax Kooshin
Maxamed Faarax Xaashi (Saacid Xaashi)
Axmed Maxamed Cabdulaahi
Cabdi Qadar Axmed Dhoore
Bile Maxamed (Bilaal Jowhar)
Keenadiid Cabdi Weli
Maxamed Wardheere
Saacid Barqadle (Saacid 505)
Cumar Cabdulle (Cumar Milano)
Nuur Caabi Tahliil ( Nuur Happy)
Cabdullahi Cawaale Xaashi ( Cawale Zeco)
Xasan Maxamed Yuusuf (Suubow)
Mustafa Maxamed (Xeyle)
Markaana su’aasha cusub ee jimcahan ee barnaamijkeena barbaarta laacib.net, su’aasha waxa ay ka kooban tahay labo qeybood A iyo B, waana inaad kawada jawaabtaa si aad u hesho labada dhibcood.
A- Waxaad sheegtaan waa kee goolhayihii ugu dambeeyay ee gool ka dhaliya ciyaar Champions League ah? kooxdeese ayuu kadhaliyay? xilli ciyaareed keese ayuu ahaaa?
B- Waxaad sheegtaaan waa kee goolhayihii ugu horeeyey ee qaata kaarka cas ciyaaraha aduunka? sheeg ciyaata uu ku qaatay? iyo sanadka ay aheyd?
Nasiib Wacan!!!!
*Codsi inooga yimid ka qeyb galayaasha darteed waxaan dheereynay mudadii looga soo jawaabi lahaa su’aasha todobaadka, waxaana ka qeyb galayaasha ay heystaan ilaa 12ka duhurnimo maalinta sabtida oo berri ah, wixii xiligaasi ka danbeeya jawaabtii ina soo gaarta ma aqbali doono.
Jawaabta su’aashan waxaad inoogu soo dirtaa emailka: jawaab@laacib.net.
Fadlan jawaabta su’aalahan haku qorin qeybta fekradaha ee laacib.net, sidoo kale waxaan jeclaan laheyn inay ogaadaan akhristayaasheena ka qeyb qaadanaya barnaamijkaan in sharcigiisa uu yara adag yahay.
1- Jawaab uu magac ka maqan yahay ma xisaabi doono, xitaa hadii jawaabta ay saxan tahay, magacaaga waa qeyb ka mid ah jawaabta fadlan soo raaci marka aad jawaabta inoo soo direyso, ku soo dhex qor emailka aad jawaabta ku soo direyso.
2- Magaca aan ku diiwangelinay ha bedbedelin, hadii kale dhibcahaaga la isaguma kaa dari doono, magacii aan markii hore ku diiwangelinay markasta jawaabta ku soo dir.
3- Hadii aad qalado qeyb ka mid ah su’aasha habayaraatee wax dhibic ah ma lihid, waa inaad jawaabta wada saxdaa oo labo dhibcood heshaa ama hadii kale wax dhibic ah ma heleysid.
4- Hal mar kaliya jawaabta inoo soo dir, hadii aad ku celceliso oo jawaabo kala gedisan aad nasiiso markaas waxba kuuma xisaabi doono xitaa hadii mid ka mid ah jawaabaha aad noo soo dirtay ay sax yihiin.
5- Fadlan hadii aad qabto wax su’’aal ah ama cabasho ah emailkeenu waa jawaab@laacib.net halkaas inoogu soo dir inaga ayaa dhaqsi kuu soo jawaabeyna kuna qancin doona.
6- Ka jaawabida su’aasha isbuuca waxa ay ku egtahay 12ka duhurnimo maalinta sabtida.
Balanteenu waa jimcaha soo socda iyo jawaabta su’aasha todobaadkan iyo sida ay u kala sareyaan ka qeybgalayaasha Barbaarta Isboortiga Ee laacib.net iyo su;aasha cusub.