Jose Mourinho Oo Sheegay In Kooxdiisa Uu Nasiibka Ka Hiiliyay Inay Gaaraan Finalka Champions League. | Laacib.net
Home » Champions League » Jose Mourinho Oo Sheegay In Kooxdiisa Uu Nasiibka Ka Hiiliyay Inay Gaaraan Finalka Champions League.

Jose Mourinho Oo Sheegay In Kooxdiisa Uu Nasiibka Ka Hiiliyay Inay Gaaraan Finalka Champions League.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 26-04-12 8:16 AM

Jose Mourinho ayaa guuldaradii ka soo gaartay kooxdiisa semi-finalka Champions League ku eedeeyay nasiib darro soo wajahday kooxdiisa.

Kooxda ku guuleysatay 9 jeer Champions League ayaa rigoore 3-1 waxaa kaga badisay kooxda Bayern Munich oo 19ka May la ciyaari doonta finalka Champions League kooxda Chelsea.

“Nasiibka ayaa na diiday” ayuu yiri Mourinho ciyaartii xalay ka dib.

“Waa adag tahay in labo sanno oo isku xigta la gaaro semi-final islamarkaana loo gudbi waayo final. Waxaan u qalanay inaan badino”

“Waxaan xusuustaa kulankii Liverpool ee Champions League waxaan ciyaartaas ka hor laheyn kulan adag oo horyaalka ah, iyagana cadaadiskaas ma uusan saarneyn, waana ay inaga badiyeen”

“Tana la mid ayay aheyd. Waxaan la ciyaarnay isbuuc dhamaadkii Barcelona, Bayern Munich-na kulana dag ma aysan ciyaarin”

“Marka laga soo tago inay ciyaartoy nastay heysteen, waxaan ciyaarnay kubad fiican. Ciyaartoyda intii karaankooda ah waa ay dadaaleen” ayuu yiri.

Mourinho ayaa ku booqday sida sheegay ciyaartoyda Bayern Munich qolka labiska isagoo u hambalyeeyay guusha ay gaareen, lakiin waxa uu shirkiisa jaraa’id ku sheegay inuu rajeynayo in Chelsea ay qaadi doonto Champions League 19ka May.

“John Terry ayaa ka maqan, lakiin Chelsea waa ay joogtaa. Waxaan rajeynayaa inuu noqdo final wanaagsan. Waxaan doonayaa in Blues ay badiso lakiin ixtiraam ayaan u hayaa Bayern”

Waxaana uu sidoo kale ka hadlay sida Chelsea ay ku reebtay kooxda ay xafiiltamaan ee Barcelona.

“Chelsea geesiyaal ayay ahaayeen shalay. Dadka qaar ayaa Barcelona u heysta inay madax ka yihiin kubada cagta waxaana ay hoos u fiiriyaan kooxo sida Chelsea ama Inter, lakiin wax ay ka yaqanaan ma lahan dadaalka iyo isbiiritka kooxahaas”

“Chelsea waa ay u qalantaa inay final gaarto sida la mid ah Bayern Munich”

60 Responses to Jose Mourinho Oo Sheegay In Kooxdiisa Uu Nasiibka Ka Hiiliyay Inay Gaaraan Finalka Champions League.

  1. RIO***SOM MAN UTD Reply

    27-April-2012 at 12:20 am

    Odaygaan jilbaha dhulka dhigtay xoow ahaay garoonka dhaxdiisa tuugsi cusub maa ka bilaawday 2012 waan u maleynaaysy in egshimo cusub imaanaayo kkkkk .

  2. bashka Reply

    26-April-2012 at 9:41 pm

    dhamaan asxaabta salaan sare ok odaygii murinhio ahaa oo aan dhihin referiga aya naga hiliyay iyo qaladba leyga galay maxuma balse hadi dhabta laga hadlayo ciyaar baa loga badiyay pasaska iyo position intaba walaga lahaa [38;62] position maaha inuu calaacalo barca oo nasiibku saacidi wayay ayaa in laga guulestay ogol lkn duqan iyo cunugiisu meel xunbey kusoo hareen no calaacal murinhio viva fcarca

  3. c.kayd xirsi Reply

    26-April-2012 at 9:32 pm

    nasiibku sidisa qoof ayuu raca hadii uu jose morinho yidhi nasiibka yaa nareebay hadaba barca maxareebay murugo iyo ciil ayuu kala kulmaay barca tasana keentay inuuu calacalo sxb wadada walawada maraay ama nasiib haku reebo ama halaga gulysto kolay waad hadhay brsaba sharaf ayay ku hadhaye calacalka daa fifa wax ku qaban mayse

  4. MACOW Reply

    26-April-2012 at 9:17 pm

    War aduunka inta lagu nool yahay wax walbo waa la arkayaa, JOSE MORONHO oo loo maleynaayo inuu salaad ku jiro ayaan xalay arkay sida sawirka ka muuqda, Miyuu iloobay markii Fc Barca laga raayay wuxuu ku hadlay oo uu ku farxay in ay Barca harto, Marka nasiib wax la dhoho ma jiro cayaar ayaa leyska rabaa. VIVA BARCA

  5. abdirazak Reply

    26-April-2012 at 6:37 pm

    HHHHHHHHHHB OOYINTA WAALOOGA HOREEYAY REAL DHIB MALAHAN BARCA WAASOO OOSAY REAL HORTEED OOOOOOOOOOWWWWWWWW

  6. Hero for life Reply

    26-April-2012 at 6:05 pm

    Aqayare waxan layabanahay tageryasha barcelona rael madred horiyal gacanta kuheestaan barca maxay heeysaa ilmo aabahood kaweyn barca raelmadred kaweyn kkkkkkk viva rael madred

  7. abdullahi Reply

    26-April-2012 at 3:29 pm

    kkkkkk hadaa aragtid waa uu calaacalaa markii lagabadiyo, markii uu guul gaaro neh faan, war iska aamus dheh calaacal looma baahnee,VIVA CHELSEA

  8. dhiirane Reply

    26-April-2012 at 2:43 pm

    WALAAHAY CASHARBAA LOO DHIGAY BAL WUXUU KU HAD LAAYO DHEGAYSTA ODAYGII AAD BAA ÖOOGA BANOONI FIICNAA CALAAL VIVA BARCELONA VIVA MESSI

  9. Garka Reply

    26-April-2012 at 2:40 pm

    Asc mourinho wuxuu jecel yahay in uu barca markasta wax uu ka sheego maxaa ku mashquuliyay barca dhamaan real oo dhan wey ka siman yihiin. Markaad weydiiso su.aal reer real maxad ugu mashquulsan tahiin barca jawaab ku qancisa ma hayan. Mida kale joseph pep kama hadlo arimaha real. kala wanaag san kana aqlaaqroon labada naadi. Kuma aadin real koox awood weyn ee mar hore ayay ka hari laheyd cl. Sida groubka ama 16 ama 8 lkn 4 waxaa heshay koox awood weyn bayer. Nasiib real ayuu u hiilshay hadiiba uu intaan soo gaaray. Dhinaca kale cr7 fursadi wuu iska dhumiyay uu ku gaari laha messi. Wexey ila tahay sanadkan messi marka loo qiimeeyo goolasha oo dhan iyo iskoorada uu dhigay sanadkan horyaalada iyo ucl ilaa iyo hada asaga ayaa u roon… Wey u qalantay bayer iney badiso xly sorry mourinho viva joseph pep and barca

  10. Mata Reply

    26-April-2012 at 2:24 pm

    Aduunka wxa iiku yaab bdna marki labadi koox e aduunyada u jclaa la iska hor keenay chlse vs brce wa ka xumahay wlh blse wxa farxad ah real jabki so gaaray xalaya ka farxad bdneed habeen hore go go mourinho waxa u ku sameyo cataloniya u aqoon wayey markasu chlse u daba dhaqa wxu yiri chlse xabad uma haayo barce aya so baxeyso iyo kooxdeyda mxa ku dhacay isaga barce waaba lagartay nasiib ay ku harty viva chlse viva barce.

  11. ahmed abdi Reply

    26-April-2012 at 1:34 pm

    asc dhamaantiin muhqadi hadii aan fiirino fikirkaaga wax yaabo badan ayaa run ka ah oo aad sheegaty mourina muxuu ugu mashquulaa barcelona waa su aal? inta badan dadku is weydiiyaan iley barcelona oo hadal haysa real wali lama arkine

    markaan kahadlo nasiibka mourina isaga nasiib ayuuba leeyahy waayo semi final ayuu yiri imisa kooxood ayuu reebay isagu horta taa ma is weydiiyey

    tan uu iileeyahay chelsea ayaa qaadanaysa kooba taasi waa kharaar loo jeedo indhaha caalamka oo dhan u jeedaa wali cid qaadanaysa majidho lkn inasha allah waa la arki doonaa wixii qaata

    aniga fikir ahaan umalayn maayo in ay qaadayso chelsea waayo qaab ciyaareedba malaha in kastoo xarash iyo madax tahayna lkn umalayn maayo hade waa male ogow

    insha allah wixii nool oogaara ayaa ardi doona wixii qaata

  12. najma Reply

    26-April-2012 at 1:33 pm

    asc aqyaarta wan idisalamy waxan leyahay odaygan dhahayo nasiib ayan kuharnay mailaway inta kubada lagahaystay 61 ayalaga haystay garoonkisa marka in barca kubada cagta madaxkatahay waxa cadaynayo inta ay kubada haysatay qof hadu nasiibka hiliyay barca ayu kahiliyay hadi unasib qofsacidona adiga ayuba kusaciday o rigorayal sogaray waxu islaha barca wa hartaye iska bashal lkn asaga lagu dhagay hadu qof nasib kusobaxna chelsea aya kusobaxday dafac ayay home iyo away ba kugaleen

  13. messi 10 Reply

    26-April-2012 at 1:33 pm

    hahahahah calaacalka iskadaa nasiib lahayne waa lagugu baashaale viva barca

    • salaad yare Reply

      26-April-2012 at 2:46 pm

      sln kadib sxb banooni lahaaysto faa iido malahan lkn waxaa umiihim ah natiijo banooni iskahaaysanayaa waana iskaniikinayaa shuut malahan waxba malahan kaliya baas ayaan goosha kugalayaa mashaqeyneysa waa maya barca awood ayaa loosheegtay banooniga waa cad iyo madow adoo fiican ayaa lagaabadinkaraa lkn barca dadka qaar waxaay umaleeyeen in aan lagabadinkarin lkn waa latusay waxaay tahay aad ayaan ugufaraxsanahay 2isbuuco oo guuldaro ah in aay kudhacdo barca viva chelsea

  14. ali Reply

    26-April-2012 at 1:32 pm

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk WAR ODAYGA WUU WAASHAYE ISKA DHAAFA NASIIB AYUU LEEYAHAY NASIIB MEESHA KUMA HAYNINE ADIGAABA FARA CIDI LEH KU FAKADAY KUBADNA WAXBA KAMA TAQAANIDE HA KUUGU TAAGNATO BARCANA MA GAARTID CALOOL XANUUN AYAA KU DILAAYO ADIGA IYO TAAGERAYAASHA REAL KKKKKKKKKKK WAAN KA XUMAHAY SXB CHELEA IAKA TAAGEERA HEEE KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK

  15. nuhqadi Reply

    26-April-2012 at 12:26 pm

    nasiibka haduu qof nool ahaan lahaa mouriho ayuu max kamad la fuuli lahaa kkkkkk nasiibka xalay real ka hiiliyay kaas nasiib lama dhaho ee ayaga ayaaba nasiibka uu saaciday oo waxa ayba gaartay ilaa gool ku laad markaasuu leeyahay nasiib ayaa naga hiiliyay nasiibka waa mikaba gaarsiiyay gool ku laadka mida kale odaygaan waxa uuba ku waashay barca sxb barka waa naadi caqliga wax ka sareeya kubada cagta ku soo bandhigtay hadaad adiga diido aduunka ayaa kaa badan oo indhahooda marqaati u ah shalay barca iyo chelsea markay isku soo aadeen waxaad laheed barca ayaa soo baxeesa balse ma aadan ogeen in ay ciyaareesa kubad kubadana ay cad iyo madoow tahay waligaa ma aragtay barca oo real ku mashquuleesa jawaabtu waa maya balse adiga maxaa barca ugu mashquushaa maadan ogeen barca in aad ka aheed tarjubaan oo kaliya oo aadan ka aheen dhaxdeeda nin kubada wax ka yaqaana waa sababtaas mida ay jawaabaha kuu siin la yihiin sxb

  16. Mahad Reply

    26-April-2012 at 12:19 pm

    Wan kaxumahay guuldarad naso

  17. Jayte Reply

    26-April-2012 at 12:01 pm

    Kooxda real waxa u qalmate in ay final u soo gudubto lakiin nasiibdaro madhicin waxaanse rajayneen in an sanadka dambe qaadno real way qaadeee

  18. M.Jacelow Reply

    26-April-2012 at 11:57 am

    Asc dhamaan aqrisiyasha iyo bahda laacib.net runtii special one waxan leyaay mahadsanid forme coach waxan kalo leyahay mar labad ku so dhawow viva blues cupkan saadalin lagama bixin karo waayo waa kulan adag chelsea waxaan leyaha guul wacan ka so hoyo viva torres super lampard drogba cupkan waxa qadeysa chelsea insha allah

  19. Guudow.yare Reply

    26-April-2012 at 11:54 am

    Asc dhamaan ita xiiseyso laacib.net salan kadib morino waa runtii nasiibka kahiiliyey ciyaar toydisuna wey dadaalen lkn gushaa didey koobkana waxaan ku han weynahey iney chelsea qadi donto viva chelsea

  20. Farhan32 Reply

    26-April-2012 at 11:25 am

    Asc dhamaan aqyarta sportiga sln kadib xalay waxaa dhacay kulan sima finalka muxuu dhahay special one nasiibka ayaa na diiday haa damcan wa runtii nasiibkana waa wax jira kagudub B:MUNICH hadii ay badinayso waa inoo chelsia viva chelia kopkam waxan u rajaynayaa chelia mourinho na ku soo lbo chelsia soo na dhawaaw hahahahaha

  21. suldan barkat Reply

    26-April-2012 at 11:21 am

    as/c kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
    horay waxaa loo yiri aba dhamay qaraarkee waa in aad dhadhamisaa
    sidaa waxaa leh barc waxay heestaa u qaday jose and cop ronaldo
    nasiib waa film magaciis magarateen haadi cid nasiib ku harayso waxaa ku hartay barca 5 birta garacay horay waxaa loo yiri gar laba nin kama qoslido waa layna kabaday yaay moronho real waxaa loo keenay champ looma keenin laliga ama koob kale by barkat

  22. Aadan Dheere Reply

    26-April-2012 at 11:20 am

    kkkk War waa yaab horaa loo yiri nin daad qaaday xumbo cuskay, Mourinho iyo ciyaalkiisa taageera oo leh nasiibka. Bayern iyo Real yaa fursado qatar ah helay 90 kii daqiiqo kudahooda wiliba 5 iyo 2 ayee ku dhamaan laheed lakin nasiibka ayaa rigoorayaal gaarsiiyey Real ee ceebtii uu garoonka ugu orday adinkana inta ugu orda taageera Real koobkaan sharaf daro iyo si xarago leh ayaa leedinkaga reebay wiliba waa leedinka dheel fiicnaa inta badan waad baqeyseen fulay yaal yahoo baxa

  23. Cumde Reply

    26-April-2012 at 11:16 am

    Asc all bahda sportiga moha isagaa ama idaa isgagan waataad lahayd fakarkagii aad ku dhiibatay pagekii macalin guardielo ood lahaayd nasiibka dhar halooso xero ee habadiyo hadana hal haben kadib waxaa murinhio uu saxaafada kahor leeyahay nasiibkaa eeda leh kashekeyhee hadaad tahay taageero madrid hadaad tahay taageero cid kalana u sheeg murinhio hadii kale adi soo baro sportiga ee taageera yaash barka sharafta leh afkaaga hakuso taagin nasiibkana waa jiraa barka malooga badin ciyaar xumo iyagaa heystay kubada boqolkiba 75 chelsea.na waa naadi weyn waana u qalmeen badiska ileen difaac bir ah oo qiiro lasocota ayey layimadeen guul ayaana u rajeena iyaga iyo munich kii nasiibka zaacido and by

  24. Omar(palacios) Reply

    26-April-2012 at 11:05 am

    asc dhamaan all ,,,,mourinho nasiibka uu sheegayo waa mid xagee kayimi Real kubad baa labaray waxaan lagu weeraray gurigooda Caalamka oo dhan ayaana arkayay in laga kubad fiicnaa ee calaacalka iska dhaafa reer real waad hadheen awood iyo kubad ayaana laydinkaga badiyay Nasiib waxa ladhahaa kii Barca la ciyaartay game kaas wxn laciyaarnay Nasiib lkn bayern m. Waxay ku soo baxday awood ,,aawey ciyaalkii gabadha yar ee rigoorada cuntay taageeri jiray miyay kala dhunteen .Shalayba waa tan ka fariisan weynaye Saasaa larabaa la liga Vs Copa del rey ViVa Jabka Real

  25. Cumar barca and messi Reply

    26-April-2012 at 10:58 am

    K.k.k.k.k.k.k. Cala cal ayu bilaway k.k.k. Sxb walaga banoni ficna habaliyo tagegerayasha barce kadib awalbo abi hin aya soharay idinka xage baa garisan k.k. Away umadi shalay canesay messi k.k.k.k rolandho xalay away yaa arkay k.k.k.k muxu ucunay k.k.k.k sxb kobkan bayar ayaa leh chasea xata sanadka danbe madheleso chanbiyon xata madheleso kane walaga qadaa ala xalay maxa farxay xalay hawen kadhashte ila mitahay real bolo joga meshina bolayey tagerayasha barce hanbaliyo messi gul gul

  26. nasir suul Reply

    26-April-2012 at 10:56 am

    viva chelsea and jose mourinho

  27. hassan abdi nur xasan Geedi Reply

    26-April-2012 at 10:52 am

    Mourinoh waa runtiis waxaa diiday wa nasiibka

  28. Jabra Reply

    26-April-2012 at 10:45 am

    Asc wan ina salamay tagareyasha munich waxan urajeynaya wilasha di matio riyo ayay ku jiran iska hilmama ayao in dhihilaha munich 2=1 chelsea

  29. magacayga waa cabdi fitaax claahi Reply

    26-April-2012 at 10:42 am

    jose wuxuu yiri waxaa iga hiiliyay nasiibka lkn nasiib waxba kama oga nasiib waxaa ladhaha tan barca oo kale maxuu nasiibku diida ma`iyaagaaba kubad ciyaaray mise wuxu ku qancinayaa taageeraha real odey bybbbbyyyyy filimkaaga waxaa cunay eey

  30. magacayga waa cabdi fitaax claahi Reply

    26-April-2012 at 10:34 am

    marka hore asc bahda laacib.net marka xiga kubada cagta saadaalin malahan sida lafilaayay mahan sida kale ayay wax u dhaceen horta chelsea hambalyo real iam sory bayer waxy qabatay shaqo aad u weyn hadii aan aan nahay rer barca waxn leenahay bayer mahadsanidiin fiinlaha waxn u rajeenena guul bayer

  31. Xasan Reply

    26-April-2012 at 10:29 am

    Mourinho nasiibka ayaa ka hiiliyay waa runtiis. Sanadka chelsea ayaa leh oo af libaax kala soo dhexbaxday koobkana kor waxaa u qaadaya super legend frank lampard torresna shabaqa ayuu soo taabanayaa viva super frank

  32. Baazi999 Reply

    26-April-2012 at 10:28 am

    Kkkkkkkk wa cjiiib murinho haduuu tiisi ku tilmaamay mid nasiibka kahiiliyay war hadii uu wax nasiibka kahiilinaayo barcelona ayu ka hiiliyay murinho wax kama gelin chelsea iyo inter lkn waajibki sarnaa bayer weey kasoo baxday hambalyona waan leyhay teda kale ronlado janis aya so maray oo kaga fa,ideysan karo messi lkn wuu beer dareeyay janiskaas messi hada tar tan ayuu kala kulmayaa kkkkk viva barcelon and arsenal and ac milan bayer guul ayan u rajeyna finalaha may 19 kkkkkkkkkkkkkkkkk

  33. pro.Abdi fatah Reply

    26-April-2012 at 10:19 am

    the special one the best coach ever in the football world…. we will make revenge for u. what ever it costs cuze u r in our heart…

  34. Yaasir yare Reply

    26-April-2012 at 10:16 am

    Run ahantii real waxaa ka hiliyay nasiibka. Kubadana waa cadaan iyo madow lamana sadalin karo cid ku guleysan donto CL. Balse waxan oran karaa koobkan waxaa xaq u leh koxda chelsea sawabto ah wey uso halgamen aflibaax ayeyna kaso baxen kadib markii 180 daqiiqo oo home iyo away ba iskugu jirto ee la hardamayen barca. Chelsea for ever

  35. buskud Reply

    26-April-2012 at 10:14 am

    alla Moriinio calooshuu i huriyey hadaan koob siin karo waan siin lahaa isaga iyo taageeradiisaba,,,,,,,,,,,, mida kale hada waxii ka dambeeya special One waxuu u yahay Hooyadiisa , maxaa yeelay Goroonkiisuu ku dhex ooyey ,,,, caloosha ma xiran sidii gardiola oo kale, barca hartaye lkn sidaan oo kale kuma harin daal iyo calaan cal kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  36. kaafi Reply

    26-April-2012 at 10:10 am

    ar gar labo kama wada qosliso jose morinho rigoro aya loga bediyey balse barco xiliga aragteen ayaa j.terry ciyaarta laga saarey 10qof ayaane leydin ka badiyey waxaas nasib miyaa messi ayeey baratey kkkkkkkk tan kale morinho la liga ayuu qaadahe barco maxeey ku haaayse meesha
    (i hope chelsea to win this champion)

  37. xasan Reply

    26-April-2012 at 9:58 am

    murinho maxuu ugu calaacala inter ama chelsea real ayuu macalin u yahay real haku ekaado wayo tabartiisa ayaa meeshaas ku ekayd wixii qaadaayo ha qaadan wcl

  38. Mohaa/Macqulsome/Heliwaa Reply

    26-April-2012 at 9:56 am

    Asc Dhamaan Aqyaarta Iyo Bahda Laacib.net Macalinka Waa Runtiis Nasiibka Ayaa Diiday Laakiin Barca Gurigeeda Ayaa Habeen Cad Bye Lagu Dhahay London Waa Lagu Dubtay Hadaad Aragteen Weerarka Barca Adna Ha Ilaawin Difaaca Chelsea Kooxba Meel Eyka Dhisan Tahay Weerar Barca Difaaca Chelsea Ayaa Been Dhahay….. mida Kale B.Munich Koox Lagu Tashan Karo Maahan Sababtoo Ah Waxaa Ku Haayo Arjen Roben Iyo Bilal Ribary Aaba Calool Xanuun Kuugu Filan Marka Kulan Adag Ayaana Sugaayo Ee Waxaan Rajee Nayaa Nasiibka In Uu Dhinaceyna Soo Noqdo Markale Insha.Allah Aqyaarey Sanadkaan Waxaan Rajeenayaa In Aan London Keeno UCL Insha.allaah Reer Gunners Free Ayaad Ku Daawa Neysaa Haka Cansanina Taaas Taabashada Xitaaa Free Waaye kkkkkkkkkkk

  39. kamal Reply

    26-April-2012 at 9:42 am

    hahahahahahaha murinho iyo real raaxeeye ayee ka raaceen baska loollz

  40. Abdi rahman Reply

    26-April-2012 at 9:39 am

    Wan ku faraxsanahay madaama ey nooso paxday Buyern munich wayo wa ey fududahay sida an ooga qaadno koobka now its time 4 c.p.t super frank lampard guul wcn chelsea

  41. Cabdiqani maxamud ciise Reply

    26-April-2012 at 9:23 am

    Asc dhaman asxaabta laacib.net sxbyal wey cadahay natijada udaya koobkan chealsea iyo tobabarohada qibrada badan frank lampard ayana ruxayo koobkan

  42. cabdlahi shekh dahir Reply

    26-April-2012 at 9:10 am

    Wuu mahad sanyahay maCalinki hore

  43. Tahliil axmed Reply

    26-April-2012 at 9:09 am

    Asc sln kadib waxan kaloo halkaan kasalamaa tageerasha barc f.c waxaana wax aan anaga qaadi waynay miyay real qaadi kartaa nasiib ayuu leeyahay waa la iga badiyay halag helo duqa madaxa cadow no calaacal cml marka abayaashiin ayaa mesha ka baxay adinka oo ah abaha qal qalkana inaad jogtan ayaad rabtaan oo aad kood qadan sry kkkkkkkkkkkkkkk

  44. ahmed Reply

    26-April-2012 at 9:07 am

    asc dhaman bahda sportiga bayern wa u qalantay runti natijada ay ka gartay real wana u hanbalyeynayaa kobkan cidna kama hortagna runti guul ayan u rajeynaa riberry and roben guul

  45. ahmed Reply

    26-April-2012 at 9:03 am

    asc dhaman bahda sportiga bayern wa u qalantay runti natijada ay ka gartay real wana u hanbalyeynayaa kobkan cidna kama hortagna runti guul ayan u rajeynaa riberry and roben

  46. C/kaafi cali Reply

    26-April-2012 at 8:57 am

    Asc dhaman musliminta meelkasto adjogtan ciyarti xalay waxa rebay nasibka kooxda facaweyn lkn kubkan waxan urajena insha alh chelse 19 may

  47. osman Reply

    26-April-2012 at 8:56 am

    chelsea waa habeen iyo maalin kubadda jarmalka ma aha mid qalqal ku dhisan marka wax dhici karo ma ahan team gurigeeda looga qaado mana udhicin horay sida loogu bixiyay ucl bbyy rea we will see arena stadiuml

  48. Kabtan awcali Reply

    26-April-2012 at 8:55 am

    Jose morinho hakugu taknato filmkadi waa u dhamaday wayo qiyanadaada waysuro geli weyday adiga waxad isleheyd barca walaga qabtaye iska tartibso ayad leheyd nasiibkuma atharin tii xalay nasiib chelsea aya ah byby morinho

  49. Samaan Reply

    26-April-2012 at 8:53 am

    Kulankan wu adagyahay lakin waxan umaleynaya sanadkan sanadki Chelsea wayo waxa wata maclin nasiib iyo qibrad difaacba leh marka chelsea guul ayan leyahay

  50. Barca fans Reply

    26-April-2012 at 8:48 am

    Kkkkk faxshir ceba karon cida nasibka ku hartay wa barca not real wayo real cayar kumeyna heynin mesha wana layaqana barca inay tahay koxda adunka 3 penelty laqasariyay nasib lama dhaho e wa fuleynimo viva barcelo mesi sancehz cesc xavi iniesta

  51. Torres kacabso. . Reply

    26-April-2012 at 8:44 am

    Kobkan waki chelsea . . .viva chelsea

  52. cagajabey Reply

    26-April-2012 at 8:43 am

    Waw mclinka hore kooxda chelsea runta ayo Kahadlay waan kugulese cupka

  53. Klose Reply

    26-April-2012 at 8:43 am

    Waa Runtiis Special One Nasiibka Aka Hiiliyey Barca Maxe Nasiib Gaarta 3_2 Aa Logu Awo0od Sheegtey Lakin Ninkaan penalty Lagu Reebey Koox Kasta Ayaa Badin Kartey Mar Hadi Rigoore La Gaaro Wax Saadalin Karo Maleh

  54. Cabdulaahi xasan axmed Reply

    26-April-2012 at 8:41 am

    Waxaan jeclaa lahaa iney kobka qaado kooxda chelsea

  55. Hasan :Gaas` Reply

    26-April-2012 at 8:36 am

    hhhhhhhhhh chelsea maxay ugu qalantay in ay soobaxdo koox laba guri difaac ku dhameysatay ayay aheed haddii nasiib cid ku hartay ay jirtay waa barca hhhhhhhhhhhhh topaz laq faataale

  56. Daauud really Reply

    26-April-2012 at 8:35 am

    Asc dhamman bahda isbortiga jecel majirto cid manka ku hesay iney final tagan koxaha chalsea vs B:munich xalay iyo haben hore waxa dhacay ciyaro layab leh waxana les laha kobka waxa ruxi dono lacibinta cr7 iyo messi midkod riyadasna wey benowday hada waxa lagaray xiligey qadi lehed koxda kasocoto londan the blues chalsea fc waxayna la ciyari donan kox ay isku tayo yihin marka lo firiyo dhigoda barca and real waxana ku rajo weynahay iney kobka ku gulesato chalsea

  57. Hasan :Gaas` Reply

    26-April-2012 at 8:34 am

    hhhhhhhhhhhhh, nasiiboow xaal qaado garoonkaaga ayaaba kubada lagugu diiday inkaar qabe, waxaaba lagu gaarsiiyay 69 halka aad ka possitionka ka heysatay 31 maxaad ugu qalantay in aad soo baxdo, muxuuse nasiibku kaa hiiliyay adigaaba nasiib ku soo bixi lahaa hadaa badiso, cyaartana rigoore ma gaarteen haddii fursada bdn oo ay ku qubeysteen laga xareyn lahaa, barcelonana ku qaraw hhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhh

  58. bukharie Reply

    26-April-2012 at 8:26 am

    hhhhhhhhh hada iyo calaacal markii nala reebay Nou camp waa nagaula daadsday lkn koobkan waxaan u rajynayaa Bayr Munichen

  59. hussein abdulahi abshir Reply

    26-April-2012 at 8:22 am

    nasib aya laga badiyey rial

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>