Islam Feruz Oo Guul Ku Hogaamiyay Juunyeerka Chelsea Lugta Hore Ee Finalka FA Youth Cup. | Laacib.net
Home » Horyaalada » England » Islam Feruz Oo Guul Ku Hogaamiyay Juunyeerka Chelsea Lugta Hore Ee Finalka FA Youth Cup.

Islam Feruz Oo Guul Ku Hogaamiyay Juunyeerka Chelsea Lugta Hore Ee Finalka FA Youth Cup.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 21-04-12 1:55 AM

Ciyaaryahanka asalkiisa Soomaaliga yahay Islam Feruz ayaa labo gool oo uu dhaliyay waxa ay ka caawisay juunyeerka Chelsea inay 4-0 kaga badiyaan juunyeerka Blackburn Rovers lugta hore finalka koobka FA Youth Cup.

16 jirkaan oo xagaagii hore kaga soo biiray Chelsea kooxda Celtic ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ahaa, isagoo inta badan kooxda markii labaad u gacan geliyay FA Youth Cup muddo seddex xilli ciyaareed gudaheeda ah.

Ciyaaryahanka oo heysta dhalashada Scotland ayaa labada gool waxa uu dhaliyay qeybtii labaad ee ciyaarta, iyadoo uu gacan ka geystay ciyaaryahanka da’da yar ee Brazil Lucas Paizon.

Labada gool kale waxaa juunyeerka Chelsea u dhaliyay kabtankooda Chaolbah iyo Baker, waxaana ay lugta labaad ee finalka FA Youth Cup ay booqan doonaan Ewood Park 9ka bisha May.

Ciyaartaan ayaa waxaa daawanayay oo Islam Feruz iyo asxaabtiisa u sacaba tumayay kabtanka Chelsea John Terry iyo ciyaaryahanka khadka dhexe Raul Meireless.

57 Responses to Islam Feruz Oo Guul Ku Hogaamiyay Juunyeerka Chelsea Lugta Hore Ee Finalka FA Youth Cup.

  1. maxamed Reply

    02-May-2012 at 11:51 am

    cooooooooooooool

  2. maxamed Reply

    02-May-2012 at 11:50 am

    aad iyo aad ayaan uga helay inaan arko islam oo u ciyaara blues

  3. ali jousaph Reply

    27-April-2012 at 9:40 pm

    walalayaal waan idin salmay walal si wacan
    hadan ka dhiibto fikradayda wiilka dhalin yarada aha horta waa wax farxad ah naadi heerka kowaad ah ee plm in ciyaartoy u dhashay wadanka somaliyeed laga helo lakiin tanu waa jonyarta waa uu soo kacayaaa waxaan ugu hanbalyaynaya guushiida waxaana ku waaninayaa walalkay in uu sii kobciyo dadaalkiisa ilaa uu ka gaarayo ciyaartoy firs ah ee kooxaha d1 sxb islamhanbalyo somali nah waxaan ku waa ninayaa waxa jira dhalinyaro aad u xirfad badan oo anan haysan ama anan heli karin wax caawin ah walal layaal dagaalka inta laga baxo haloo soo jeesto wadanka iyo ciyaartoyda

  4. m geedi Reply

    22-April-2012 at 12:29 pm

    islaam hadii ay cadato in uu somali yahay waa guul somali usoo hoyatay sababto ah waxay dhiiri galin unaqan dontaa in somalida lacibii xirfad le kasoobixi karaan laguna daysan doono islam iyo kuwakale oo kaciyaaro koxaha kale mida kale boga laacib waa in uu soo baraa ciyaytooyda kale oo lamidka oo kooxaha kale u ciyaara oo somaligaa

  5. lfc boy Reply

    21-April-2012 at 3:21 pm

    aniga uma arko faido aan helnay hadaan nahay somalida faruz waxaa ku faideyso scotland marka wuxuu nola midyahay ciyaartoda kalle ee calamka ka ciyaarto

  6. Cabdullaahi Reply

    21-April-2012 at 2:07 pm

    Asalamu calaykum, waxa iga sual ah, wiilkan Soomaali miyaa? Mise wa la yiri lee waa? Jwbta waxan uga fadhina iyado dhamaystiran (tarikh nololedkisa) bahda laacib.

  7. Sihaam Reply

    21-April-2012 at 1:48 pm

    Hambalyo wiilkena somalied waa guul somali usoo hoyatay majiro wadamo nalamid ah oo calan keena aduunka lagu baahinaayo viva feruz

  8. I love chelea Reply

    21-April-2012 at 12:56 pm

    Asc dhaman wan idin salamay man sha alah wilka somali qab ciyaredkisa ad ayey ixamaso galisay wana kufaraxsanahay wlh sa.id

  9. qabaw Reply

    21-April-2012 at 12:39 pm

    fadlan noo qora ciyaarta falaqaynteeda barca vs real

  10. Afro Bob Reply

    21-April-2012 at 12:23 pm

    Walee Chelsea Rag yayar baa usoo Baxaya , siiba Wiil Aan ku faani Doonno ee Soomaaliyed Viva Chelsea:

  11. Cabdulaahishaam Reply

    21-April-2012 at 11:45 am

    Marka hore aadan ugu faraxsanahay inankan somaliyed islam ferus marka xigta inkasto ferus asal kiisa somali yahay hadana inanka magaca ama calanka uu haatan utaaganyahay wa kan scotland marka sikastaba sinji wa maguuraan islam ferus wa inan somaliyed waxana lenahay barbaar viva islam ferus and all blues players

  12. Cabdulaahishaam Reply

    21-April-2012 at 11:44 am

    Marka hore aadan ugu faraxsahay inankan somaliyed ilam ferus marka xigta inkasto ferus asal kiisa somali yahay hadana inanka magaca ama calanka uu haatan utaaganyahay wa scotland marka sikastaba sinji wa maguuran islam ferus wa inan somaliyed waxana lenahay barbaar viva islam ferus and all blues players

  13. Dhiblaawe Reply

    21-April-2012 at 11:28 am

    Islaam ferus melkale ha karadin o RONEY o madow ah xogisa iyo oradkisa leh chelsea 2011 ay ibsatay qimihisa 300 o gani waxa u kadanbeya lukus paizos muqal ahanta wa nin wey lakin dadisa waxa ku qorneyd marki la ibsaday 15 jir gul an u rajayna iyo in u kaciyaro koxa magaca leh sida koxda hada u joga milan barca real afarta england u horey lakin hos uma rajeynayo in u u dhaco o kox yar u tago

  14. Maan Reply

    21-April-2012 at 11:27 am

    Asc dhamaan aqtaarta taageerto chelsea salaan kadu sxbyaal waan kufaraxsanahay guushii uu kagaaray walaalkeen chelsea inshaa allahwaqti aan fogeen wax uu imaandoonaa istaafan biriij waxuuna ka ag ciyaaridoonaa toress keena cad iyo david luzi iyo drogba inshaa allah chelsea is alweys chelsea no one can change sidaa u ogaada reer arsenal iyo reer sheedaamada cascas uh xaarkiinaa socda by maanqaboojiye

  15. sulfa Reply

    21-April-2012 at 11:07 am

    Asc walaal dhaman waxan inta ka salamaya umada somaliyed waxa ah wax lagu farxo iin u wil yar oo samali ah u no so baxey islam feruz ha iska jogo chelsea balse waxa u dambeen doona xulka somaliyed islam well come back to somalia.waxakalo ino jogo england mo farah oo isagana orodyahan ah iyo gabada ayadana hada u ciyarto kubada koleyga ooh mansha allah mufanye bidii …….asc all muslim

  16. C\raxman blues Reply

    21-April-2012 at 11:05 am

    Waaaw waa xidig yar misane mustaqbal fcn leh viva blues 4 ever

  17. Cumde Reply

    21-April-2012 at 10:56 am

    Asc wr wb salaan kadib maanta waxaan runtii la.ilmeyay farxad wadaninimo wax badana waan soo xusuustay 1 farxad weyn ayey u tahay soomaalida muwaadinka eh dacar qaraar ayey u tahay soomaalida daciifka eh 2 waxaan soo xusuustay mar laacib.net kafalootay islaam daciifiin badan ayaa fikirkoda ka dhiibtay qaarbaa yiri kani soomaali uma eka kubaa yiri shegata waaye iyo wax badan aan ilaabeeyn maantana waxaan kufaxsanahay 2 guul iyo ineey dhahaan gebigod somaalida waa ku faraxsanahay horaase loo yiri qofaan shantaada kaa reebin sharci kaama reebo iyo tu kale ayaa ahaayd afkey kucuntey ku heybineysaa.iskusoo wada duuboo cidna farta kuma fiiqaayo bes waxaan ahay muwaadin somaali dhalad eh alloow uu noqda midey kashekeyaan dunida oo dhan ciyaartiisa waloow uu yahay scotland hadana waxan rabaa kaliya asalkiisa waa soomaali cunsuriyada ilaahoow naga galti bixi and by

  18. Shaqiri Reply

    21-April-2012 at 10:49 am

    waxan layabanahay anaga miya aqonsi ubahan marka ladhahayo wil somali kaso jedo aya goal dhaliyay war xita hadi u noqdo xidaga adunka o uu hesto dhalasho kale anaga uma bahnin tankale boqolal somali ah aya kadhesho yurub maxay nako so kor dhiyen?

  19. maxamad deeq ina cali xareed Reply

    21-April-2012 at 10:29 am

    waa wax lagu farxo in wiil soomaliyeed yurub kasoo can baxo wan ku mahad celinaya feruz adna dadalka badi ankugu arka layn abka waaweyn ee chelsea booska kala bax torres iyo drogba

  20. Maame messi Reply

    21-April-2012 at 10:27 am

    Ilahay waxaan uga rajaynayaa islam feruz inu noqdo xidig weyn oo magac ku leh aduunyada.a…n a…n

  21. Omar suud Reply

    21-April-2012 at 10:22 am

    Inkastoo uusan wadan calanka wadankeena hadana waa wiikkeena mar walbo waana ku faraxsanahay hore umarka uu samaynayo

  22. shaafici Xasan Nuux Reply

    21-April-2012 at 10:20 am

    asc dhamaan bahda laacib iyo aqristayaashiisa sharafta leh.
    mida xigta runtii waa wax lagu farxo in ciyaariyahan soomaaliyeed uu gaaro heerkaan oo kale islam Feruz waa xidig soomaliyeed, blse waxaa u nasiib darro ah in dalkiisii uu yahay mid qariban, ilaahoow somaliya Nabad kayeel.

  23. xasan Geedi Reply

    21-April-2012 at 10:19 am

    Asc dhamaan aqiyaarta laacin.net waad idin slmay aad ayaan ugu faraxsanahay in uu islam furuz uu guul ka gaaro ciyaraha FA YOUTH CUP juunyarta chelsea taasna waxay horu mar u tahay umadda soomalia magacooda

  24. F chelsea Reply

    21-April-2012 at 9:46 am

  25. F chelsea Reply

    21-April-2012 at 9:42 am

    Marka hore sl dhaman umada somaliyed mel kastay jogan runti farus wuxu horumar unoqon dona koxda chel ilove farus and chelsea HTML

  26. Aadan deeq Reply

    21-April-2012 at 9:32 am

    Ciyariyahankan ku dhashay magaalo xebedka kismayo sanadi 1995 tii balse hada heysta dhalashada scotland kana mid ah da’yarata qaranka scotish-ka waa mid farxad leh horumarka uu sameynayo wana mid qofwalba oo somalinimada jecel niyadisa sare u qadeysa walow aan jeclaa inu xirto maliyada qarankena hadana dhib malahan marba hadii looso eray celinayo ciyariyahanka asalkisa somaliga yahay marwalba guul iyo horumar islam feruz

  27. Dalmardhere kakuma Reply

    21-April-2012 at 9:26 am

    Waxa So Qadata Calanka Buluga Xidigta na leh adunka Ha Arkan Quruxdisa

  28. Koosaar Reply

    21-April-2012 at 9:13 am

    Wa wax lagu farxo wawana dhihi laha viva somalia viva

  29. Sahal Reply

    21-April-2012 at 9:11 am

    Asc dhamaan umada somaliyeed sln kadib aad iyo aad ban ugu faraxsanahay feruz guuul feruz iyo chelsea

  30. daali Reply

    21-April-2012 at 8:57 am

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk sxbyaal aan wax idin sheego chelsea iyo arsenal waa habeyn iyo maalin ilaa iyo xaafadeyda ayan hayaa gunners guul

  31. mohamed Reply

    21-April-2012 at 8:56 am

    asc wan ku farax sanahay farus madamo am magacena wado wana sugayna waqti gow so bar baro garomada wa wayn an ku aragno ham balyo ham balyo chelsea viv torrs

  32. maxamemataan Reply

    21-April-2012 at 8:56 am

    mustaqbal fiican buu leeyahay lkn waxaa kasii fiicnaan lahayd isagoo dhalashada somalia ku ciyaaraya

  33. Kamaal Reply

    21-April-2012 at 8:39 am

    C.raxman nani Waa farxad wiil soomaaliyed inuu hor mar kagaaro ciyaaraha yurub by

  34. mustafe liverpoolfc Reply

    21-April-2012 at 8:38 am

    chelsea kuma wanaagsana ciyaar yahanka muslimka ah wuxuu ku fiicnaa liverpoolfc waa magaalo qadiim ah naug soo biir ayaan lee nahay

  35. Terry iyo ciyaaalkiisa Reply

    21-April-2012 at 8:37 am

    Islam feruz waa nin ka soo.jeedo.asal ahaan jazirada camoro asland ee ku taalo badweynda hindia magaca somalia wuu isku dhiibeey quxuti.com

  36. Caabi Reply

    21-April-2012 at 8:27 am

    Waw wa arin lagu farxo waxana dhihilahaa sxb dadaal ka badso

  37. Mohamed,toress Reply

    21-April-2012 at 8:10 am

    Kkkkkkkkkkkk
    dadkanaan layaabaay war somali haduna ahayn ma xuu u sheegtay maxu ku fali lahaa somli sumcadba dunida kuma lahane hada e war waxan waxay idinka tahay chealsea neceyb ee dadka yaan laxaqirin dhalashadiisana lodiidin viva drogba

  38. Diouf Reply

    21-April-2012 at 8:05 am

    Hore man utd ayoo uga soo badiyay

  39. C.qadir.cadde Reply

    21-April-2012 at 7:39 am

    Canuga wan ogahay inu somali yahay walibo from kismayo waye lkin magca ayu badashay magalobay canuga subxanalah feruz waligey ma maqal hindi miyana kkkk

  40. Nasir Reply

    21-April-2012 at 7:30 am

    Talow islam mayahay magaca inu badashay wan u jednaye islamkana mabadalay

  41. Lucky boy Reply

    21-April-2012 at 7:20 am

    Asc hambalyo dhaman umada somaliyed wax lagu farxo mada xidiga u yahay striker som sxb noqo halyeega chelsea viva blve

  42. M.Jacelow Reply

    21-April-2012 at 7:13 am

    Waa ciyar yahan so baxaaya ferus magac carbeed waaye aqyarta ana maqlin magacan hada ogaada viva blues mantana arsenal ayaa lagaraca

  43. Kame jijigawi Reply

    21-April-2012 at 6:30 am

    Kabtanka natian cholabah iyo lucaz paizon cadi maha iyo rooneyga cusub viva islam feruz + all chelsea youngester

  44. Lughman Reply

    21-April-2012 at 6:15 am

    Somali alla!mucarad sanaa adunka umad somali kaxasidsan lamahelayan umalaynaya bal wilkanyaray iska muqato inu somali yahay asalkisu lakn dhalasho kale haystay leyahn muxu ahayo magacu magc smali mahayo war naw waxan idin odhan laha dan la anba idinkabadate asharada mesha laydnkusoqoro saytahay uaqrista

  45. yaa tarabi?rabi si haa khanu! Reply

    21-April-2012 at 5:41 am

    furez kulahaa abidkey ma maqlin mgcs ani yaahuda ee yaa ubaxshey

  46. Taageero man united Reply

    21-April-2012 at 5:39 am

    Waaw waa ciyaarihan da, yar islaam feruz walaal soo bar baar waan ku sugeynaa

  47. Walal ninka layirdo maxadam ibraahim maxad indhaha isutiresaa islam feruz waa wiil walaalka ah somaliyed dayarta hada kusocanbaxay kubada cagta midakale ankuwedinayo maxamad ibramih macagka fiican maajiro o lashegto muslimo shey kaqaalisan majirte o maxakugu dhacay walal. Ciyaarihan da.yarkan hada so ifaayo waa in loohambayeeya viva islam feruz 4 ever

  48. Deeqa cabdulaahi Reply

    21-April-2012 at 3:22 am

    Waaaaaw caaadi maaha waxaan feroz urajeeyna qeeyr waalala bixi kara magacaaas darruri maaha inaay somaalidu baxsato

  49. Mohamed ibrahim Reply

    21-April-2012 at 3:08 am

    Macnaha yarka magacisi hore miyu badalay mise? Waa iga su.ale maxayeli magacas uma eko magacyada somalida

  50. fccaanka Reply

    21-April-2012 at 3:07 am

    somaali fures an aragno inoo eka

  51. Ciyaariyahan kan soomali.ah waa wiil geesi ah maxaayely magacisa sifican udhadhamiya? islaam feruz waa will dhalay waxoona naqon doona ciyaariyahan dunida labarto o caan.ah maxaayelay markata waxa ku arkijiray juunyarka chelsea kulankasta o ciyaro e ciyaalka badshan ama gool okinijiray ama goolka asaaga dhalin jiray waxana kadawan jiray chelsea tv ama wapsadka chelsea viva islaam feruz sobar baar noqo kii dadkisa iyo dalkisa somaliyed loo.aayo viva feruz wana new messi labaad feruz viva chelsea

  52. bashiir Reply

    21-April-2012 at 2:57 am

    feruz waa wiil soomaaliyeeed oo chelsea u ciyaara waxaa sugaynaa iuu sidaa iyo si kafiica ugu dheelo mustaqbalka dhow naadiga chelsea heerkiisa koowaad waxaaa sugaynaa inu dhagaha katumo arsenal iyo manchester uited after 2 years inshaa,alaah viva chelsea fan

  53. muller Reply

    21-April-2012 at 2:28 am

    waaaaaaaaaaaw wlhi google aan ka baaray cunuga horay ma u maqlin maasha allah mustaqbal fiican iyo diin dhowrid walaal

  54. suudi Reply

    21-April-2012 at 2:20 am

    islam feruz viva wan ku sugayna sxb so bar barbaar

  55. Sakariye Reply

    21-April-2012 at 2:19 am

    Gul ayan u rajeynaya all islaam…….. fifa f.c.Barcelona and mesi eniesta xavi afaley vila fabregas abidal pique alvis pedro puyol fifa

  56. Yazeed Reply

    21-April-2012 at 2:11 am

    Feruz magac somaliyed ma aha

  57. Cabey xasan Reply

    21-April-2012 at 2:10 am

    Woooow caadi ma aha waa wax lagu farxo wlhi viva chalsea feruz iyo dhamaan xidigaha musliminta ah

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>