Waa Jimce Maanta, Waa Barnaamijkii Su’aalaha Ee Barbaarta Isboortiga Iyo Shabakada Laacib.net. | Laacib.net
Home » Wararka Maanta » Waa Jimce Maanta, Waa Barnaamijkii Su’aalaha Ee Barbaarta Isboortiga Iyo Shabakada Laacib.net.

Waa Jimce Maanta, Waa Barnaamijkii Su’aalaha Ee Barbaarta Isboortiga Iyo Shabakada Laacib.net.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 20-04-12 1:19 PM

Jimce wanaagsan akhristyaasha sharafta leh meel kasta oo aad joogtaan, waa barnaamijkii su’aalaha Jimcaha iyo Barbaarta Laacib.net, jimcihii hore waxaan idiin weydiinay su’aasha hoos ku qoran, lakiin akhristayaasheena waa ay awoodi waayeen inay jawabaaha noo soo diraan madaama emailkii aan u sheegnay inay noogu soo direen uu shaqeyn waayay cilad farsamo aawadeed.

Haatan waan hagaajinay emailka jawaab@laacib.net waadna ku soo diri kartaan jawaabtay, waxaana weli fursad u siineynaa akhristayaasha ka qeyb qaadanaya inay isla su’aashii isbuucii hore ka jawabaan.

Su’aasha waxa ay ka kooban tahay A iyo B, waana inaad ka wada jawaabtaa si aad u hesho labada dhibcood ee buuxda.

A- Waxaad Sheegtaan Ciyaaryahan Haatan Kooxdiisa Line-up Ka Ah, Misana Ah Ciyaaryahanka Ugu Da’da Weyn Ciyaartooyda Ka Dheesha, Horyaalada Sida Serei A, Laliga, EPL, & Bundesliga? Sheeg Magaciisa, Kooxdiisa & Da’diisa?

B- Waxaad Sheegtaan Macalin Kamid Ah Macalimiinta Horyaalada Ugu Waa Weyn Yurub Sida EPL, Laliga, Serie A, & Bundesliga Oo Xili Ciyaareedkan Eeynu Kujirno Ee 2011-12 Macalin Unoqday Laba Kooxood Oo Ka Kala Dheela Horyaalada Heerka 2-aad & Heerka 1-aad Ee Dalkiisa?

Nasiib Wacan!!!

*Codsi inooga yimid ka qeyb galayaasha darteed waxaan dheereynay mudadii looga soo jawaabi lahaa su’aasha todobaadka, waxaana ka qeyb galayaasha ay heystaan ilaa 12ka duhurnimo maalinta sabtida oo berri ah, wixii xiligaasi ka danbeeya jawaabtii ina soo gaarta ma aqbali doono.

Jawaabta su’aashan waxaad inoogu soo dirtaa emailka: jawaab@laacib.net.

Fadlan jawaabta su’aalahan haku qorin qeybta fekradaha ee laacib.net, sidoo kale waxaan jeclaan laheyn inay ogaadaan akhristayaasheena ka qeyb qaadanaya barnaamijkaan in sharcigiisa uu yara adag yahay.

1- Jawaab uu magac ka maqan yahay ma xisaabi doono, xitaa hadii jawaabta ay saxan tahay, magacaaga waa qeyb ka mid ah jawaabta fadlan soo raaci marka aad jawaabta inoo soo direyso, ku soo dhex qor emailka aad jawaabta ku soo direyso.

2- Magaca aan ku diiwangelinay ha bedbedelin, hadii kale dhibcahaaga la isaguma kaa dari doono, magacii aan markii hore ku diiwangelinay markasta jawaabta ku soo dir.

3- Hadii aad qalado qeyb ka mid ah su’aasha habayaraatee wax dhibic ah ma lihid, waa inaad jawaabta wada saxdaa oo labo dhibcood heshaa ama hadii kale wax dhibic ah ma heleysid.

4- Hal mar kaliya jawaabta inoo soo dir, hadii aad ku celceliso oo jawaabo kala gedisan aad nasiiso markaas waxba kuuma xisaabi doono xitaa hadii mid ka mid ah jawaabaha aad noo soo dirtay ay sax yihiin.

5- Fadlan hadii aad qabto wax su’’aal ah ama cabasho ah emailkeenu waa jawaab@laacib.net halkaas inoogu soo dir inaga ayaa dhaqsi kuu soo jawaabeyna kuna qancin doona.

6- Ka jaawabida su’aasha isbuuca waxa ay ku egtahay 12ka duhurnimo maalinta sabtida.

Balanteenu waa arbacada iyo jawaabta su’aasha todobaadkan iyo sida ay u kala sareyaan ka qeybgalayaasha Barbaarta Isboortiga Ee laacib.net