
Tabaraha kooxda Tottenham Harry Redknapp ayaa u sheegay Barcelona inay ka quustaan doonistooda ciyaaryahanka reer Wales ee kooxda Spurs Gareth Bale, isagoo hoosta ka xariiqay inuu ku faraxsan yahay inuu sii joogo White Hart Lane.
Barcelona ayaa lala xiriirinayay ciyaaryahankan reer Wales kaasoo labadii xilli ciyaareed ee u danbeysaa ahaa mid aad uga dhex muuqda kooxdiisa, waxaana dhawaan ay daawadeen ciyaaryahanka taasoo sii shiday wararka sheegaya inay soo dalban doonaan xagaaga.
Dani Alves ayaa isna dhawaan sheegay inay ku soo dhaweyn doonaan Gareth Bale kooxda heysata koobka kooxaha horyaalada Yurub. Lakiin Harry Redknapp oo shirkiisa jaraa’id ee maanta lagu weydiiyay su’aalo quseeya Gareth Bale ayaa ku jawaabay:
“Cid inagala soo xiriirtay ma jirto” ayuu yiri.
“Waxa uu ku faraxsan yahay inuu anaga nala joogo waqti xaadirkaan. Waa ciyaaryahan fantastik ah”
“Waxaa lala xiriirin doonaa koox kasta sababtoo ah waa ciyaaryahan weyn”
Ciyaartoyda Barcelona ayaa sannadkii hore lagu eedeeyay sida ay saxaafada hortooda ugu sheegayeen inay doonayaan in Cesc Fabregas uu ku soo laabto Camp Nou, taasoo ay u arkaan dad badan inay tahay taatik ay Barca ciyaartoyda waa weyn ku soo xero geliso.
Markii wax laga weydiiyay sida uu u arko hadaladii Dani Alves, Redknapp waxa uu ku jawaabay: “Ma aanan arkin waxa uu dhahay”
“Waxaan jeclaan lahaa Lionel Messi. Gudoomiyaha ayaan kala hadli doonaa xaalada Lionel. Waan arki doonaa hadii uu xiiseynayo inuu Tottenham yimaado” ayuu Harry Redknapp kaga jawaabay taatik-ga ay isticmaalaan ciyaartoyda Barcelona.
Barcelona ayaa guuldarro 1-0 ah ay ka soo gaartay Champions League kulankii arbacada ee Stamford Bridge.
Hadii Chelsea ay ku guuleysato Champions League, Spurs kama qeyb geli doonto hadii ay ku dhameystaan kaalinta afaraad, lakiin Redknapp ayaa sheegtay inuu doonayo in Blues ay gaarto ilaa finalka.
“Waxaan taageerayaa Chelsea. Kama aana fekerin xitaa inaan Champions League ka hareyno hadii Chelsea ay qaado koobka”
“Hadii Chelsea ay sii joogto, waxa ay gaarayaan finalka Champions League, shaqo badan ayaana sugi doonto, waxaana doonayaa in koox Ingariis ah ay qaado”
Mahad napoli
21-April-2012 at 11:40 am
Kkkk redknapp ninka adi makula dhalan marka iska soo wareeji ileen asigaaba kuhaayee waxaan rabaa barcelona bele bro waan kusoo dhaweeyn doonaa
Mohammedwali Abdi Ali
20-April-2012 at 11:02 pm
Blues way qaadaysaa chl shakina kuma jiro barcelonana wakhtigeedii wuu dhacay magacmaha ayey ku ciyaari iskama celinkarto white and blue arms
abdifatah
20-April-2012 at 7:53 pm
macalika cadimaha barcalona mawaxay rabtaa iyadoo sidikale noo nacsisay tageronimo ayay hadana lacibinta kele ay sii gurtaan halkey usocdaan
Abdimajiid saakow
20-April-2012 at 7:43 pm
Waxan rabna in ay qado chelsea tas ayana fican
abdifatah
20-April-2012 at 7:07 pm
kkkkkkkkkkkkkkkkkk
Caaqil114
20-April-2012 at 6:49 pm
asc kk waa sarbeeb la isku tuur tuuray..gareth bale matagaayo waaye micnaha wuu ogyahay inuusan messi imaaneeynin totenham ciyaalka muxuu kasoo doonaa kooxda aduunka ayuuba lajoogaayee mushaar fiicanna ku heestaayee iyo koobab..viva messi
Van persie
20-April-2012 at 6:47 pm
Asc Bale wuu ka taga spurs chelsea koob arki maysaan iska qusta talaadada waxaad samayn laheedeen diyaarsada
Van persie
20-April-2012 at 6:44 pm
Bale wuu ka taga spurs chelsea koob arki maysaan iska qusta talaadada waxaad samayn laheedeen diyaarsada
aßukaRLoveR
20-April-2012 at 6:14 pm
k.k.k.k.k.k.k.k.k.
Bale
chelsea oo Bale belo ku yahay
lkn spurs ma sii deynto
aßukaRLoveR
20-April-2012 at 6:08 pm
Redknapp waa nin fantastic ah
thanks 4 your support 2 chelsea
viva chelsea
inaga ayaa leh eufa champion league 2012
Redknapp ha iska sii deyn oo ha siin Barcelona Gareth Bale ku adkee adi oo leh (messi aa rabnaa hadi spurs aanu nahay ) si ee u quustaan
k.k.k.k.k.k.k.k.k.
hassan abdi nuur (xasan Geedi)
20-April-2012 at 6:07 pm
Waa uu ku saxan yahay tabare REDKNAPP barkana waxay doneysaa dhamaan ciyaar yahanada ugu fcn horyaalkaan lionel masse waxaa dhaaanta in uu isaga u soo wareega stadium WHITE HARD LINE ee totohaam
Zaciim
20-April-2012 at 5:13 pm
Wey u qalantaa Blues in ay qaaddo koobka UCL Redknap waa runtiis oo waxay wakiil ka tahay EPL.
Barca – Messi = 0
Messi – Xavi = 0
macalin cabdow
20-April-2012 at 5:06 pm
wadini
Mohamed,toress
20-April-2012 at 5:04 pm
Kkkkkkkkk
wiiiiilll
cabdiraxmaan
20-April-2012 at 4:32 pm
Akkakakakakakaka messi mayagaa iibsan kara lacagta ay messi ku doonayan miyeey koobob ku qadaan bal waxay noo sheegayan day Bale iskaa jecel inuu ka ciyaro barcelona wana imanayah saas ula socdah
shiine.com
20-April-2012 at 4:23 pm
ama taageer ama ha taageerin chaels filinkeeda eey eey ayaa cunay taalda ilaah sama hanagu gaarsiiyo ?????????
maxamed
20-April-2012 at 3:46 pm
waxaan rajaynaaya chelsea inay noqado.
Torres
20-April-2012 at 3:44 pm
Waxaas ayaa wadani nimo ladhahaa mahadsanid redknanpp
C/raxmbn cusmaan
20-April-2012 at 3:41 pm
Wuu kusaxan yahay hadalka tawabara totenham hadii barka ey rabto bale waa ineey dhiibtaa messi ama ey iska deesaa riyada ay kujirto by by by
Mhaji
20-April-2012 at 3:38 pm
Kkk cajib bale blues siiya
Srs star
20-April-2012 at 3:33 pm
Wadani redknapp
Srs star
20-April-2012 at 3:32 pm
Wadani rednapy