Sir Alex Ferguson Oo Uga Digay Ashley Young Dabeecadiisa Istuur Tuurka. | Laacib.net
Home » Horyaalada » England » Sir Alex Ferguson Oo Uga Digay Ashley Young Dabeecadiisa Istuur Tuurka.

Sir Alex Ferguson Oo Uga Digay Ashley Young Dabeecadiisa Istuur Tuurka.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 16-04-12 11:47 AM

Tababare Sir Alex Ferguson ayaa uga digay Ashley Young inuu halis ugu jiro in lagu calaamadiyo inuu yahay qof u saaxiib ah istuur tuurka si uu rigoore u helo, ka dib markii ciyaaryahanka uu ku guuleystay rigooradiisii labad oo uu muran ku jiro muddo sideed maalmood gudaheed.

Ferguson ayaa ku qeexay qaabkii uu dhulka isagu tuuray Young markii uu daafaca Aston Villa Ciaran Clark lugta la soo galay inay aheyd ka badbadis, waxaana ay dhacdadaasi keentay in daafaca Newcastle Ryan Taylor inuu ku tilmaamo Young “Qiyaanoolaha ugu weyn horyaalka”.

Rigooradan ayaa waxa ay daba socotaa mid kale oo uu ku guuleystay 8 maalmood ka hor markii ay kooxdiisa la ciyaareysay QPR, iyadoo kabtankooda Shuan Derry uu casaan ku qaatay.

Mar la weydiiyay hadii uu ka walwal qabo in Young uu baranayo dabeecada uu dhulka isagu tuuro si sahlan, Ferguson ayaa ku jawaabay: “Labadii isbuuc ee u danbeysay, haa. Kuma arki jirin sidaan oo kale. Ma ahan wax uu caado u leeyahay. Dhulka waa la dhigay lakiin waa uu ka badbadiyay”

“Waxa uu isku tuuray si ka badbadis ah, lakiin rigoore waa ay aheyd taas muran kama taagna. Mana u maleynayo inay taas dacwad ka qabaan sababtoo ah ciyaaryahanka kale isaga ayaa dhulka dhigay”

Young ayaa loo dhigay rigoorooyinkii ugu badnaa Premier League marka loo fiiriyo ciyaaryahanada kale labadii xilli ciyaareed ee u danbeysay.

Taylor oo daafac u ah Newcastle ayaa Twitter ku soo qoray: “Ashley Young xaqiiqdii waa sharaf laawe. Waa qiyaanoolaha ugu weyn horyaalka. Wixiisa waa kaftan….”

28 Responses to Sir Alex Ferguson Oo Uga Digay Ashley Young Dabeecadiisa Istuur Tuurka.

  1. Waa sax ashley young maxa yelay waa qalad laga galay asaka wana kulamade ku dambaysay horyalka england Q.B.R iyo ASTNVILA ma loo jeedo miya dilka lascot uu ku hayo horyalka by man united 4_ MAN CITY 1 NEXT MAtch

  2. Rer man’utd waxaa cadesaten tabardarada kooxda utd kamuqato iyo wadashaqenta kadhexeso albiitarayaasha man’utd sidad darted oow ogyahay young hadow isturo inow rigoore helayo macalinka man’utd yoosan eden young isaga dhahayay guul daradii wigan ciyarta kadib waxow kudooday ineysan helin man.utd sanadkan odhan esan helin ixtiraamkey lahed man.utd farkusan ma iloosha dhawaa danaano kaweyn maajirto ninka young oo hobseed kujiro intoo isturay o rifuriga rigoore loodhigay o rooney dhaliyay caqliga illaahey hakaqadee mow runta shego ow dhaho waxba man.utd kumahese meshe waxan nacawiyo xirirka kubada cagta f.a hadeysan jojin waxow noqon doona kubada cagta logu negec yahay taasi maalinbey soshacbixi dontaa I’head man.utd I’head rifuriisha

  3. muuseraabiyo Reply

    16-April-2012 at 6:41 pm

    Waa idin salamay dhamaan aqyaarta sportga kadib waxaan kadhihi lahaa arinta young waa arin saka waayo meesha wacaa jooga garsoore ey shaqadisatahay inuu ilaaliyo arintaa xiriirkana uwakiisheen arka waa arin iska cad iney tahay sac eeda sirka waa iska eed u ugu digaayo ciyaaraha kale waayo sirku waa macalin ma aha garsoore

  4. waya arag Reply

    16-April-2012 at 6:30 pm

    illah ha laga baqo dhalin yaooy xasuusnaada aaqri iyo hadal kastoo ku hadalno in nalaga ken qorayo marka idinkoo mahad san an ka fakarno aqiro nafta mel ay jirto malahane illah an ka baqno an ka harno galadan anan wax dan ah aqiro iyo adunba nagu jirin an ku mashqulsan nahay dododa

  5. Badhigaab Reply

    16-April-2012 at 5:56 pm

    Aad Iyo Aad ayuu ugu saxsan yahay young istuurturka guulna wuu ka gaadhi doonaa thanks

  6. Max,ed cali mc Reply

    16-April-2012 at 3:11 pm

    Haa waa dhab hadalka macalin sir alex waayo hadu cadesto young isturturkan wax qiimo leh kuma helayo garsorayashana wa ay kafojignandonan waxana dhici karta markas mid uu xaq uleyahay in laga maldaho, marka digninta sirka waxa ay macqul u tahay dhaman tagerayasha united. Wana mid ay fahmikaran cawaqib xumada ka dhalan karta. Vive united.

  7. Blues man Reply

    16-April-2012 at 3:08 pm

    Asc dhaman bahda laacib iyo asxbta kale ra.yigeyga hadan ka hadlo man uneted waxey ku socoto ciyaar ma ahan wa firinbi everday wa rigore jokta ah aan lo dhigin kooxa kale e ka dheela enland lkn shekadeda kama soconeyso chambion lugauga ilen rifare englan ah ma haye waxan jogo rak qibrad leh an aqbaleyn shekada ay hada wadan viva chelsea for ever

  8. Abukar Reply

    16-April-2012 at 2:22 pm

    Dhaman wad salamantihin ashlay wan oga digi laha inu kacadesto isturturka lakin wa ciyar yahan shaqo badan wa laga yabaa marmar iney kutimado sidas oo kale

  9. MOZY B BABY_tricky ! Reply

    16-April-2012 at 2:07 pm

    siiriga aya mar walba caawiya koxdan!

  10. Mawliid xaji Reply

    16-April-2012 at 2:04 pm

    Young waad ku saxsan tahay saad guulku helaysid ba samay rooney baa ka dhalinayee viva rooney scholes young

  11. KingKaamil Reply

    16-April-2012 at 1:54 pm

    Kkkkk serk younga wuu ku saxanyahay viva young

  12. Siyad Reply

    16-April-2012 at 1:38 pm

    Alax wuu saxanyaha maxaa yeelay young wuu istuuraa si rigoore loo siiyo. Alax waa macalin kubada cagta aad u fahansan. Wuuna ogyaha xirfada kubada iyo qiyaanada ciyaartoyda.

  13. mustafe liverpoolfc Reply

    16-April-2012 at 1:34 pm

    young waa tuug cadaystay inuu dhaco ciyaartoyda kale waxaan odhan lahaa manchester city ha iska jirto kulanka darbiga ee 30 ka bishan waayo ninka caynkan ah lalama ciyaari karo waa in jug xun lagaadh siiyaa si uu udaayo waxan

  14. Cisman aweys baxar Reply

    16-April-2012 at 1:04 pm

    Young waxa u wado wa wax kajira caalamka why aniga hadaan istuur tuur ku helayo rigooro waxaan doomo ayan samenayaa hadaan guul ku helayo man untd mar walbo madaxaaga kor waw waw wax kkk

  15. Awil Reply

    16-April-2012 at 1:02 pm

    K k k k k sir ka sidaas inaad u hadashid ma ahan young wuu saxan yahay waana sidaas kusogadatay k k k young Thanks

  16. MOHAMED Reply

    16-April-2012 at 1:00 pm

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk manta waxaa mesha ka cad in loga dhigayo laaluushka shaati taas lakiin uma naqaneyso aniga ayaa firsnayay cidna ma weydinayo taasna rigora iska daaye xitaa waxey aheed in asaga lasiiyo jalaha marka waxaa uwada jednaa in ey tahay laaluush tageranimada iska daaya iskana dhiga dada daacad wada ah somaliyey hadane kher dhaman walalaheyga somaliyeed

  17. Mudu america Reply

    16-April-2012 at 12:53 pm

    Kkkkkkkkkkkkkkkkk sxbkay young waxaan dhihilahaa inuu iska badalo dabecadaan uu layimid wayahan danbe hadii kale waxay noqon beentaada hore runtada danbe ayeey u daran tahay lakiin waa lagamamaarmaan inaad mar mar galiso bahasha viva ashly young,rooney

  18. Ismacil Reply

    16-April-2012 at 12:49 pm

    Kkkkkk young nin culus waxan kulehay hadiba aad udhawato calamada ganaxa hadi lagu so dhawado xita istur then lashaki wa rigorekkkkkk viva young antonio valencia and nani

  19. miskiin Reply

    16-April-2012 at 12:48 pm

    waa sax sir viiiiv sir

  20. miskiin Reply

    16-April-2012 at 12:44 pm

    waxaas walika roonyahay mashalh xamar rob iyo barwaqo mashalh manta wan ku farxay wlhi sir waa sax sharfta hadhoro viiiv unted and sir igarali noqdha

  21. Cabdixakiin Reply

    16-April-2012 at 12:42 pm

    Man united kkhhh

  22. Nafiso man u Reply

    16-April-2012 at 12:23 pm

    Viva ashley young maxa lo tapana marka horapa viva man u

  23. Suheyb cade Reply

    16-April-2012 at 12:22 pm

    Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk ashly yang wa sx wan kugu tagersanahay sxb inaad guul noo so hoydo lkn istuur tuurka iska dhaaf wa sharaf dhac man untd wa koox qiimo weyn leh ilaali sharafta maliyada ad gashan tahay viva rooney nani welbck ashly yang schols

  24. d.faras Reply

    16-April-2012 at 12:21 pm

    young waa nin aad u farsama badan farsamada ayaa lagu heesta

  25. Chicharito14 Reply

    16-April-2012 at 12:19 pm

    Young guul forget about lament

  26. Capitano maslax6 Reply

    16-April-2012 at 12:00 pm

    Kkkkkkkkkk maxaa lagarabaa hadii uusidan wax ku helaayo kubbada cagta dhamaanteed ayaa qiyaano ku dhisan wuuu saxan yahay ashley young

  27. C.qadir.cadde Reply

    16-April-2012 at 11:56 am

    Kkkk young sas ayanka rawa waliga united guuul

  28. ahmed qeys Reply

    16-April-2012 at 11:56 am

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk viiiiiiiiiiiiiiiiva sir……..

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>