Fifa Oo Xaqiijisay Inay Tijaabin Doonto Tiknooloojiyada Xariiqda Goolka. | Laacib.net
Home » Horyaalada » England » Fifa Oo Xaqiijisay Inay Tijaabin Doonto Tiknooloojiyada Xariiqda Goolka.

Fifa Oo Xaqiijisay Inay Tijaabin Doonto Tiknooloojiyada Xariiqda Goolka.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Taariikh: 16-04-12 11:10 AM

FIFA ayaa ku dhawaaqday in tiknooloojiyada xariiqda goosha inay tahay mid hal talaabo u soo dhawaaneysa in la dhaqan geliyo, hadii tijaabada soo socota lagu guuleysto.

Gudida caalamiga ee kubada cagta (IFAB), oo dhaqan gelisa sharciyada, ayaa haatan tijaabadii labaad marsiineysa tiknooloojiyada ka caawineysa garsoorayaasha in goolka uu dhashay iyo in kale.

Dooda arintaan ku saabsan ayaa mar kale dib u soo kacday ka dib markii shuut uu tuuray Juan Mata ka caawisay Chelsea wadadii ay ku garacaeen xalay Tottenham.

Muuqaalo laga daawaday TV-ga ayaa muujinaya in garsoore Martin Atkinson inuu si qaldan gool u ansixiyay, iyadoo kubada la arki karaayay inaysan dhaafin xariiqda goolka.

IFAB ayaa go’aansan doonta 2da bisha July  hadii tiknooloojiyada goolka laga dhaqan gelin doono ciyaaraha kubada cagta.

Fifa ayaa xaqiijisay in tijaabo la sameyn doono ka hor inta aysan IFAB go’aan qaadan: “Qorsheyntii ugu danbeysay ee tijaabada wajiga labaad waxaa la qabtay jimcihii, waxaana tijaabada la qaban doonaa ka hor dhamadka April, waxaana ay sii socon doontaa ilaa bisha May” ayay tiri FIFA.

Waxaa jira labo tiknooloojiyad oo tijaabo ku jira islamarkaana IFAB ay qiimeyneyso; Hawkeye, waa kaamirad tilmaameysa in kubada ay dhaaftay xariiqda goolka iyo in kale, waana mida loo isticmaalo ciyaarayaha Cricket-ka iyo Tennis-ka, tiknooloojiyada labaad waa GoalRef, taasoo kubad qalab ku xiran yahay si ay u tilmaamto in goolka uu dhashay iyo in kale.

13 Responses to Fifa Oo Xaqiijisay Inay Tijaabin Doonto Tiknooloojiyada Xariiqda Goolka.

  1. Shirifka Reply

    16-April-2012 at 8:54 pm

    Waar hedhe kan goosha agtagan muxu qabtahadau intas arki wayey muxu ka dawa yahay mida kale qalabkas ilama ficna wayo kubada ayu sharaf ridaya iyo refrega

  2. cabdi Reply

    16-April-2012 at 7:19 pm

    ani ilama fiicno waxaa yeelay marwalbo muranaa imaana

  3. Tarikhi Guray Reply

    16-April-2012 at 4:23 pm

    Bal waa la iniga war sugi anga laakiin qoal ayay ila ahayd

  4. geesey Reply

    16-April-2012 at 3:31 pm

    waa arin iska macquul ah

  5. M.khadar Reply

    16-April-2012 at 3:25 pm

    K.k.k. Hadi kubada qeyliso ama kobada oso aan aragno wan islajogna ama kubada waxay tageresa koxda kubad wanagsan bye wan isla jogna

  6. Nasir Reply

    16-April-2012 at 1:43 pm

    Kkk bal an aragno kubad qalab kuxiranyahay masane iftimayso haday gudaha gasho wan sodhawayna arintas

  7. Deco Reply

    16-April-2012 at 12:57 pm

    Waxay ila tahay fikirad fican

  8. ismail mohaa isse Reply

    16-April-2012 at 12:12 pm

    Kkk waa macquul lkn kubad qalab kuxiranyahay soo maqaylinayso markasto xariiqinta mareso ,,,xariiqmaha way badan yihiin sida mida laga basto kubada mida forada mida 18ka. Iyo mida kornada noqota kkk wa yab

  9. Xasan cumar Reply

    16-April-2012 at 12:01 pm

    Wa fikrad fcn side ila tahay waxa lodanayha ku wa tabardaran sida arsenal k.k.k.k.k.

  10. Calicare or Cali kismayo Reply

    16-April-2012 at 11:46 am

    Kkkkkkkkkkkk kubad khalab kuxiran sidii lookacuiyaara waa aan isku dheelno

  11. miskiin Reply

    16-April-2012 at 11:42 am

    Waxaa ilathay fikir wanagsan

  12. Awil Reply

    16-April-2012 at 11:27 am

    K k k Taas waa sharci fican lakin waa haduu hirgalo markaas naadiga tabarta daran aan mar danbe loohilindonin

  13. Moha Reply

    16-April-2012 at 11:26 am

    Waxaan ineytahay fikir wanagsan.

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>