Pep Guardiola: Ma Ogolaan Doono In Chelsea Ay Naga Badiso Champions League. | Laacib.net
Home » Champions League » Pep Guardiola: Ma Ogolaan Doono In Chelsea Ay Naga Badiso Champions League.

Pep Guardiola: Ma Ogolaan Doono In Chelsea Ay Naga Badiso Champions League.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 15-04-12 1:29 PM

Tababaraha kooxda Barcelona Pep Guardiola ayaa carabka ku adkeeyay inaysan ogolaan doonin in guuldarro ay ka soo gaarto Chelsea marka ay habeenka arbacada ku booqdaan garoonka Stamford Bridge.

Guardiola oo kooxdiisa ay difaacaneyso Champions League ayaa lugta hore u safri doonta London, waxaana uu sheegay inuu ka warqabo kubada xooga ku dhisan ee ay ciyaari karto kooxda Blues.

“Miyaan ka walwalsanahay kubada xooga ku dhisan ee Chelsea? Maya, kama walwalsani, waan u bartay” ayuu Guardiola u sheegay Sunday Mirror.

“Waxaan leenahay awooda maskaxeed ee aan ku koontarooli karno xalaada. Waa muhim inaan heysano awoodaas”

“Ciyaartoydeyda Barcelona waa ay ka warqabaan xaaladaas. Sidoo kale waxa ay ogyihiin hadii la inagala badiyo semi-finalka, ka dibna Real Madrid ay naga badiso sabtida, in xilli ciyaareedkan aan koob weyn la’aan ku dhameysaneyno”

Booqashada London ay ku tagayaan isbuucaan ayaa ah bilowga dagaalka ay Catalans u geli doonto Champions League iyo horyaalka.

“Berri waxaan u safri doonaa London si aan isagu diyaarino isbuuc adag”

“Waxaan heysanaa labo maalmood ilaa kulanka Chelsea, ka dibna waa inaan u diyaargarownaa Real Madrid”

“Lakiin sida aad ogtahay, waxaan halkaan joogaa afar sanno, waxaana garaneynaa sida loola macaamilo xaaladahan oo kale”

“Waan la qabsanay xalaadahan oo kale. Waana waxa aan baraneynay inaan sameyno afartii sanno aan halkaan joogay”

“Lakiin haatan tijaabada ugu weyn ayaan galeynaa. Waxaan ciyaari doonaa seddex maalin ama afar maalin kasta. Ka dib kulankii Levante waxaan la ciyaareynaa Chelsea, ka dib Real Madrid, hadana Chelsea mar kale”

“Chelsea waa koox xoogan awood jir ahaaneed, islamarkaana leh qibrad badan”

47 Responses to Pep Guardiola: Ma Ogolaan Doono In Chelsea Ay Naga Badiso Champions League.

  1. A.shire Reply

    16-April-2012 at 11:29 am

    asc dhamaan. asxaabta. salan kadib
    waxaan leeyahay chelsea. waxey diyaar u tahay in ay iska dhiciso. barca wayna.kabadin doontaa. wexeyna ooga badindoontaa. chelsea -3-1-barca. chelsea waxaa u dhalindoona dorogba lampard iyo torres guul wacan

  2. Cumar cabdi Reply

    16-April-2012 at 10:16 am

    Asc dhaman akhristayasha laacib marka xigta hadi an kadhibto fikirkeyga hadalka tabaraha barka o ah wan ka badi dona chels horta aniga waxan tagere barka chelsina madhihi karo si sahal ah aya loga badin kara aniga waxan aminsanahey chels iney ka adkan donto kulanki barka ay laqadatey milan maxa yeley chels wa nadi weyn barkana wey ku adkan donta iney si sahal ah kaga badiso aniga hadi an sadalin kasi baxsho waxa laisla gari dona benalti barka ayana finalka uso bixi donta

  3. l.misse Reply

    16-April-2012 at 7:06 am

    asc dhamaan dadka ku tixan laacib.net marka xigta waa la iska ogyahay in baca ey dhagaha ulaabeyso chelsae chelsae waa koox si dirqi ah kaga badisay banfica marka ma isledahay barca ayee kabadinee waxaan leeyahay boorsadina kaqaato uefa barcelon gool wacan

  4. TIGER XAVI Reply

    16-April-2012 at 6:32 am

    Chalsea iney so lug goysaba ma heyn barcelona wayo man utd o farta ugu yerta ch. Ayan hadba dhinac u jeedeyne.

  5. samatar Reply

    15-April-2012 at 11:34 pm

    braca waa ogtahay markay chelsea kuso aado inay ahan wax fuudud mgrty . marka waxan odhaan laaha viva chelsea ………………. drogba

  6. ahmed abdi Reply

    15-April-2012 at 10:48 pm

    asc dhamaantiin salaan kabacdi hadaan cabiro chelsea waa lagu tumanaayaa waayo chelsea banooniga barcelona maqankarto barcelona waxa ay leedahy awood ay ku badiso lkn reer chelsea awoodaa malaha kolayba wax yar ayaa ka harsan ame maalmo wixii nool oogaara waa arki doonaa hadii alle idmo lkn barcelona waa ay guulaysanaysaa hadii alle idmo barcelona guul barcelona guuul barcelona guuul

  7. Istaambo Reply

    15-April-2012 at 9:53 pm

    Kkk wxs iga dheh naadi ee baagoow maha man unt. Ma jogto viva blueska viva lampard viva matta by bhda laacib

  8. abba Reply

    15-April-2012 at 8:38 pm

    waan idin salamey bahda laacib ugu horeyntii guardioöla hadal qiimo leh ayuu bixiyey waxaay kuumujineysaa inuu yahay macalinka macaliminta aduunka koley barca arbacad cayaar heer sare ayeey soo bandhigeysaa inikasto aan lasheegin karin ineey guul ama guldaro ka gari karaan laakiin waxaa lahuba ineey si nadiif oo la jecleysan dona u ciyaari donan waxaan u rejeyneynaa guul

  9. ahmed Reply

    15-April-2012 at 6:55 pm

    a s c akhyaarta arbacada waxaa badin doonto chelsea 3 0 barsiloona kulanka kale chelsea 2 2 bara inshaa alaah

  10. fudhuco Reply

    15-April-2012 at 6:14 pm

    qoladan tageerta chelsea waxaan leeyahay faanka iska daaya oo suga maalinta arbacada hadii ilahay yidhaahdo bareejo layinla galo ayaa idinku filan

  11. c.naair Reply

    15-April-2012 at 5:30 pm

    nıyow madoobe hadıı xıtaa a wado war fcn adıga ayaaba hada caaytamaya kwrn .

    • tagere barca Reply

      15-April-2012 at 6:26 pm

      chelse diifac haka gaasho messi barca aya championkaan waxa leeh baraca aya ku shaneeysaneysa

  12. bashka Reply

    15-April-2012 at 5:20 pm

    chelsea difaaca ha adkeysato si aan 3 ilaa 4goal kabadan looga dhalin wayo pep gardiolla ma ahan nin iska hadla sida mad murinhio natiijada ciyartuna wa mid gacantiisa ku jirta marka lagu ciyarayo londo ama catalonia viva barca

  13. madobe Reply

    15-April-2012 at 4:19 pm

    asc marka hore waxan ad u salamaya una mahad celinaya daadihiyayaasha laacib inta kadib. Horta anigu inta badan halkan ra’yi kama dhibto waxanan u nacay waxa ka buxa dad aad mooda inay imika badiye ka yimaden oo kubada ku cusub oo caytamaya markasta marka waxan odhan laha laacib wa inad kantarooshan dadku waxa ay so qorayan si fikrado nadifa mesha looga helo waad salaman tihin

  14. suhayb dhaaye Reply

    15-April-2012 at 4:16 pm

    pep guardiola waxa uu cadeeyey habka farsamo ee ay ula ciyaari doonaan kooxda xooga waxa uu cadeeyey in uu natiijo fcn ka keeni doono kulanka london

  15. Yahye Reply

    15-April-2012 at 4:11 pm

    Arbacad london waxa kadhicidona xasuq marka chelsea vs barcelona kulman chelsea 0_3 barcelona

  16. Roberto d.mataeo Reply

    15-April-2012 at 3:59 pm

    Hadan ka hadlo fikirkeyga ku aadan ciyaarta dhex mari doonto chelsea vs uevalona waa ciyaar kulul waxan aamin sanahay in guusha ee raaci doonto chelsea barcelona waxan la ciyari doonaa kubad weerar gaadmo ah

  17. al_cadaala Reply

    15-April-2012 at 3:57 pm

    Wooooow macalin iga dheh chelsea dhulka aya lagu jeedaaa barcelona champoins lauge iyada iska leh mida kale real madrid waxaa hubaa in an ka badineyno taasi shaki maku jiro reer real madrid iska quusto messi aya celin karo kkk. Viva messi xavi inyesta

  18. khAdaR TORRES Reply

    15-April-2012 at 3:57 pm

    asc dhamn f. K g hadi aad tariqda dib u firiso chelsea wa naadiga kaliyah oo iska dhiciya barca pep wax u qibrad leyahy ma jirto ciyartoyda aya magac u yeshay ha iska noqdo sida morinho o kale ama ha iska dhafo macalinimada

  19. runsheeg Reply

    15-April-2012 at 3:39 pm

    asc all realmadrid mar walba shati cusub bay so qatan xalay leventa wateen mantana chelseia wataan shaati walba ad so qadatan
    wan idinka badinayna..koley iska samro inta barcelone ay san u dheleyso laaakin cafimadkina ka fikira kubad barcelone ciyarayso lagama dheelo adunkaan aduun kale laga dhela idinkana kubada adunka dheshaan iski ciyaal ma nihin.,,.wax naga bartaa nasibkana wa halkiis

  20. JAABIR CARAB BARCA(MACQULSOME) Reply

    15-April-2012 at 3:15 pm

    Kkkkkkkkkkkkk
    “miyaan ka walwalsanahay kubada xooga e chalsea? Maya maya kama walwalsani
    what a coach pep waxas iga dheh rugby team man ka walwaley maya haka walwalin wan dardarayna fc xoog xoog
    VISCO EL BARCE 4 EVER
    GARACIAS MESSI.

  21. dalmar Reply

    15-April-2012 at 3:14 pm

    asc waa salaaman tihiin dhamaan asxaabta ku xiran
    laacib.net
    salaan dabadeed hadii aan ka hadlo fikradayda chelsea iyo barca waa kulan adag lkn sida looga bartay waqtiyadaan dambe barca waxaa wado refree lkn hadii meesha cadaalad wax u eg ay ka dhacdo oo aan loo eexan barca sida horey u dhacday 2009 hadii aysan dhicin waa la garaaci doonaa barca nabdeey waa mahadsan tihiin

  22. ali Reply

    15-April-2012 at 3:14 pm

    asc asxabta marka hore lacib iyo shaqlaheyda waa salamaa kadib kulanka muhinka ah chelse vs barcelona waa derby hadan ha kahadlo hadalka maclinka maskaxda ku dagalamo e barca waayo aragnimo badan ayuu chelse u leyahey shaqada sugeyso barca mid fudud ayaan isleyahey chelse kubad caqli ku dhisan ayaa lala dhelayaa xoogana waa i iyaga visca barca

  23. dhalinyaroy hadaba aniga i dhagaysta waxaanu waa kubad waa khibrad nasiibkuna kama maqna kuwa aamin san in ay barcelona ay dubanayso si sahala kuwaasu waa beenaalayaal kubadne khibrad uma leh kuwa dhahaya pep maahan tababare kuwaasuna maahan kuwa leh teyo ay wax ku tilmaaman horta majirto koox aan socon karin tababare la aan bal si taxadar ah u eeg inter markuu mou katagay maxaa u dambeeyay bal eeg majiro tababare ciyaartoy la aan socon karaa midakale anigu waan aqaan labadan kooxodba waxaan dawanayay markuu figo ka dhalinayay goalka extra time ka ah 2000 markay chelsea haraysay marka masahlana barcelona chelsea waxaa lagu dilayaa khibrada

  24. matan Reply

    15-April-2012 at 3:02 pm

    Wednesday 05/4/2000
    UEFA Champions League 12:00 Chelsea FC – England 3 : 1 FC Barcelona – Spain
    Chelsea FC – England’8 Eidur Smari Gudjohnsen
    ’17 Frank Lampard
    ’19 Duff
    ’26 Paulo Ferreira
    ’76 John Terry
    ’83 Mateja Kezman
    ’84 Eidur Smari Gudjohnsen
    4 : 2 FC Barcelona – Spain
    sidaas oo kale ayaa looga layaa\ba-marka ay timaado stampfor brige

  25. amiir naaif bin azaaaz Reply

    15-April-2012 at 2:55 pm

    haye calaacal maa labilaaway inta lagaarin ciyaarta chelsa iyo barcelona wxn jaclahay in lawada kulan laga badiyo barcelona taas hadii aan arko farxad ayee nootahay hadii aa nahay tageerayasha madrid

  26. Shueb Terry Reply

    15-April-2012 at 2:34 pm

    Koojkaka barcelona mesha man chester und ma,ahan ad final kasto ka qaadesay

  27. C.qadir.cadde Reply

    15-April-2012 at 2:27 pm

    Kkk chelsea garac hadad donto lkin real madrid weyku garace horyalkana kasabar kkk

  28. Radamaan farah Reply

    15-April-2012 at 2:26 pm

    Asc all taagerayaasha chelsea waxaan leyahay barca waligeen aan ka adkeen ref aa saacideyo marwalbo lkn markaan hadii ref yaasha naga qaleyaan hawada aa ku baaranena messi chelsea markaan aa ugu horeso waxna maka dhalinaaayo barca we xasustan 4:2 here is bridge wax maka cunaayaan viva terry cahil luiz ivanovic torres matta drogba essien

  29. Lafjakhaa Reply

    15-April-2012 at 2:11 pm

    Walee waa hubal in chelsea laga raaci doono k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k./Blaungrana 3-1 blues /goal:messi two .alxes shanzes one torres one by by by fc. Xoog

  30. True Blue Reply

    15-April-2012 at 2:10 pm

    Salaama inta wanaga jecel iyo tagerayasha the blueska…
    Chelsea waxa ay qibrad u leedahay sida loo garaco barca.
    Man city aya tusnay sida loo garaco napoli. Hadana
    man utd aya waxa tusnay sida loo garaco banfica
    arbacadana waxa tusena adunka sida loo garaco barca.
    #KTBFFH

  31. Ozil fantastic Reply

    15-April-2012 at 2:10 pm

    Hhhhhhh kan roney lamagbaxay 2 mar ayeey iga reebtay bar 2ana kareebay mahilmaamtay waguu SPC One 4-2 kugu dhufan jiray oo ronaldinha shegeso uu orod garonka uga bixi jirasy looool iyada ku garaci jirtay waliga aa afka la soo tagee iska aamus barca 2003 aad baratay waa 4 jir ee soo barbaar

  32. mata yare Reply

    15-April-2012 at 2:06 pm

    pep gurdiola cala calka iska dhaf waxaa balan naga ah inan dhorno sharafta stamford pride iyo tan england viva chelsea

  33. C/xakin Boodhari Reply

    15-April-2012 at 2:05 pm

    K.k tabare fcn xgd kubaratay tabaranimada shaafi iyo inyesta aya ka dhgay tabare. wad iska hadasha ma ada khbrad leh arbitayasha way ku saacidan chelsiya wad taqana .wana isku jogna

  34. barca ciilow Reply

    15-April-2012 at 2:05 pm

    Warka pep guardilola waa sax malaku dagdagikaro cheslea waa kuux adag lk barca ayaa kadaran waayo sidii loobaray man united ciyaar aa iidane loobari doona waana arki doontiin barca waxee ku soo bandhigto lodon waana laka sheekeendona sida looka sheekeeyay man unitd barca guuul vivi meesi vivi vavi pesro dhaman guul wacan iyo lodon

  35. omariosvenson Reply

    15-April-2012 at 2:01 pm

    odaygan bidaarta dheer wuu iska hadlay maxa yeelay wuu ogyahay chelsea waligiis kama badin teeda kale marki u danbesay albiitaraha u ildufay hadana jilcanantiisa cayarta oo dhaman ayu is dhibay uu salamay tababare hidink oo chelsea watay asago dhahay wa naga adkatay ha ogado chelsea wali inay xoogan tahay marki champion la dhelayo

  36. ducaysane Reply

    15-April-2012 at 2:01 pm

    Dadkan dhahaya Torres iyo Mata ayaa ku garacaya Muxuu Torreskan aad sheegaysan Chelsea u qabtay bal isheega 2 sano ayuu lajooga Chelsea ilhada 5 Goals wax kabadan musan dhalin!Marka sxbayal ha ilaawina in Ay FC Barcelona ay haysato ciyaar yahano katayo badan kuwa Chelsea,Dadanku sheego ciyaartoyda waa kuwan,Iniesta,Xavi,Fabregas,Pedro,Adriano,ALves,Mascherano,Puyol,Pique,Sanchez,Tello,Busquet,Valdes iyo Laacibka aduunka Lionel Messi,Marka anaga Chelsea waxba nalama ahan ileen Real Madrid oo ka awoodbadan Chelsea ayaan garacna ee Chelsea waxba nalama ahan,Marka sxbayal ha ooyina marka Garonkiina la idinkaga dhaliyo 5-0 Marka aynu kawar sugno Arbacada!!
    Viva All FC Barcelona iyo Guardiola iyo Tageerayaasha FC Barcelona Guuuuuuuuuuuul weligiin!

  37. B Reply

    15-April-2012 at 2:01 pm

    Fc xog xog kubad aya laraba iyo aqli iska hara hoshan hoshina mahan wa chmpn ciyal barca guuuuuul

  38. ömer kiş Reply

    15-April-2012 at 1:59 pm

    Marka hore waxan salama bahda laacib.net kadib taageriyasha marna laga adkaneyn ee barca. Fikirkeyga hadan dhibto waxan leyahay chalsea fa cup kaga iska dhel meshan mala ciyarayo carling cup waxa laciyareya horliyalka yurub marka barca inad ka badisan marna niyada hagasha. Viva messi ve xavı .BARCELONA GUUUUUL

  39. C/xakin Boodhari Reply

    15-April-2012 at 1:55 pm

    Guwardiyola wu washay shafi iyo inyesta ayaa ka dhgy tabare .tan xigta 2009 aya arbitaha idinla jiray ti milan sidaso kale chelsia way iska bari hadusan arbitha idnla jirin

  40. Rooney Reply

    15-April-2012 at 1:54 pm

    Midkan dhahayo barcan markasta garaca Intee ku garacday iidaba 2 jeer championka kaa rebtaye, iida ayana markasta ku garacdo kuguna raxesato, ronaldinho ayana idinku ciyari jiray oo ad kadaba nikin jirten, kkkkkkkkkkk

  41. macalin cabdow Reply

    15-April-2012 at 1:53 pm

    kkkkkkkkkkkk tarbada labardo maaa celi karo kool haya madaxa xiran kkkkkkkkkkkkkkkkk

  42. Moha.yare Reply

    15-April-2012 at 1:52 pm

    Asm guwaaradola waa runtees maxa yeelay chelsea haday kabadiso waxay lamicna tahay koblaåan

  43. JUAN MATA Reply

    15-April-2012 at 1:38 pm

    asc pep gordola calaa caal maaad bilowdaay ader ChElsea ayadoo xooG kuu disaaaN ayay ka badii naysa taaz ooogoow marxooow torres juan mata aya ka shaqy nayoooo

  44. Cabdi qani maxamud ciise Reply

    15-April-2012 at 1:38 pm

    Asc dhaman asxaabta sportiga dhaman iyo bahda laacib.net waxan aminsanahay in aan dhowri doono sharafta ingiriiska misna an garaaci dono barca wayo waan iska cadeysanay in an marwalbo garaacno barca viva viva viva

  45. ducaysane Reply

    15-April-2012 at 1:37 pm

    Hawalwelin Pepe Guardiola waa badinaysaane insha allah sanadkan wax walba idinka ayaa iska leh!!
    Viva FC Barcelona Guuuuuuuuul weligiin

  46. Rooney Reply

    15-April-2012 at 1:35 pm

    Gourdiola hadal kisa waa sax uma daahayo ciyalkas an weligod champion kugulesan sanadkana wey garacayan welibo banoni ayey barayan, fc xoog xoog, welee mesha inan xog loga baahan doonin oo banooni loobahan doono,kkkkkk, viva messi viva xavi

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>