
Inter Milan ayaa u calaamadeysatay tababaraha xulka Faransiiska Laurent Blanc inuu yahay ninka ugu macquulsan ee bedeli doonta tababaraha ku meel gaarka ah Andrea Stramaccioni, sida ay qortay jariirada L’Equipe.
Kooxda Giuseppe Meazza ka dhisan ayaa ceyrisay xilli ciyaareedkan Gian Piero Gasperini iyo Claudio Ranieri waxaana ay haatan qorsheynayaan tababarihii qaban lahaa xilli ciyaareedka soo socda.
Tababarihii hore ee Chelsea Andre Villas-Boas ayaa markii hore u muuqday ninka ay suurtogal tahay inuu hogaamiyo Nerrazzurri lakiin , talo uu ka helay Jose Mourinho darteed ayuu milkiilaha Inter Massimo Moratti uga laabtay doonista tababaraha da’da yar.
Iyadoo Blanc aysan u badneyn inuu heshiis cusub u saxiixo Les Bleus, kooxda ka dhisan Serie A ayaa doonaysa inay u dhaqaaqdo tababarihii hore ee Bordeaux ka dib koobka Euro 2012 ee lagu qabanayo Poland iyo Ukraine.
Waxaa la rumeysan yahay in madaxda Inter ay u arkaan in magacaabista Blanc ay u sahleyso inay xagaaga la soo wareegaan Yann MVilla iyo Eden Hazard.
a.rahmaan oll k
15-April-2012 at 6:02 am
Blanc waamclin qiimo badan kana wcn harta AC MILAN maclinka ka’ah ee Allegry. Blanc welcom. Marlabad .
wwww byy. A.rahman oll k . Hargeysa -
Awdhegle
14-April-2012 at 8:29 pm
Blanc waxan u rajaynayaa in uu noqdo tabaraha intermilano waa nin qibrad u leh kooxda viva intermilano
Xaaji Milaano
14-April-2012 at 8:28 pm
Jaangow sxb acmilan waykaa facwayntahay meel inter kahadli karto lama jooko hada waa uktihiin koxaha yurub marlasoohadal qaado in acmilan maanka dadka uukasoo dhacaayo 7champions league winer
Samaan
14-April-2012 at 7:56 pm
Blanc wa halyey hore inter waxa ladhihi kara waxa u lamidyahay special one wa maclin weyn
jaangow
14-April-2012 at 4:47 pm
wakaxumahay qof tagera ac milan inuu wax kashego inter aniga cidkale haila hadasho lkn waxan umaleynayay tagere ac milan markuu maqlo inter inuu isku xishoonayo waxa balana in inter tartanka hoyarlka idika saridoonto ciyarta so socota sidi tii hore an idinkusameynay
crisaq shire
14-April-2012 at 3:34 pm
wa macqul in u wax ka badalo wayo waaxu kamid yahay halyayadi inter
C.qadir.cadde
14-April-2012 at 3:21 pm
Kkk inter wey walatay blanc ken ama iskada walagu tumaa waliga galinta 7 ayankugu ogahay k.k. Ac milan for ever
Abdirasahiid mohamed
14-April-2012 at 3:09 pm
Laurent blanc haduu inter yimaado wax badan ayuu kabadali doonaa asagana sharaf ayey utahay inuu markale dib ugu soo laabto kooxdiisa hore inter blanc wuxuu kamid ahaa ciyaartooyda inter uciyaari jirtay viva blanc