Wenger Oo Sadaaliyay In Real Madrid Iyo Barcelona Ay Isku Arki Doonaan Finalka Champions League. | Laacib.net
Home » Champions League » Wenger Oo Sadaaliyay In Real Madrid Iyo Barcelona Ay Isku Arki Doonaan Finalka Champions League.

Wenger Oo Sadaaliyay In Real Madrid Iyo Barcelona Ay Isku Arki Doonaan Finalka Champions League.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Taariikh: 14-04-12 5:19 PM

Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa sadaaliyay in Real Madrid iyo Barcelona ay ku kulmi doonaan finalka Champions League kaasoo 19ka bisha May lagu ciyaari doono Allianz Arena.

Labada kooxood ee reer Spain ayaa bartamaha todobaadkan ciyaari doonta lugta hore ee semi-finalka, iyadoo Barca ay wajihi doonto Chelsea, halka Los Blancos ay geesaha isgelin doonaan Bayern Munich.

Wenger ayaa sadaal ku bixiyay in labada kooxood ee Spain ku xafiiltama inay isagu imaan doonaan finalka Champions League, sida uu ku sheegay maqaalkiisa uu ku qoro Eurosport.

“Marka garoonka lagu jiro, Real Madrid ayaa ka faa’ido badan Bayern Munich marka la fiiriyo farsamdooda iyo awoodooda jir ahaaneed” ayuu yiri Macalinka reer France.

“Aniga ahaan waxaana qabaa in 60% ay ugu cadcadahay Madrid. Tan iyo bilowgii Champions League xilli ciyaareedkan, Real Madrid waxa ay aheyd kooxda ugu deganaanshaha badan kooxaha tartankaan ka qeybgalayay”.

Isagoo ka hadlayay semi-finalka kale ee Blaugrana iyo Blues, Wenger waxa uu yiri: “Barcelona ayaa ugu cadcad, waa 65-35, lakiin ciyaartoy sida Drogba, Lampard iyo Terry oo qibrad u leh koobkaan uma fududaan doonto Barcelona”

 

24 Responses to Wenger Oo Sadaaliyay In Real Madrid Iyo Barcelona Ay Isku Arki Doonaan Finalka Champions League.

  1. Muxudiin Reply

    15-April-2012 at 6:32 am

    Waxaa qaadidoono kooxda barka chelsea waxba iskamaceli karto cid hor istaagikarto malahan yaan lesdaalin kkk

  2. dhako Reply

    15-April-2012 at 6:31 am

    ciil waxa uu iga hayaa barca marna iga hadhi mayso anoo
    jecel inay ka hadho real madrid hadii mar dambe laga badiyo
    real wey u dhamaatay hadii barca laga badiyana sidoo kale
    kkkkkk waa cajiib

  3. Yonisuk Reply

    15-April-2012 at 4:53 am

    Asc dhamaan bahda is boortiga xiiseeso hadaa fikradeda ka dhiibto aniga waxaa isleyahay waxaa finaal imaa doono rea madrid iyo chelsea baarka mesha waxbo uma yalaan waxaa umalehaa baarka in lasoo xasuusi doono sanadkii hore sida loo galay sanadkii hore wala wada soconaa hadaa nahay bahda isboor tiga inee qiyaano kusoo baxday lkn sanadkaan ayee notalaa waxa naga celi doono baarka vivi chelsea and terry drogba iyo mata torres

  4. Nuradin dahir macalin Reply

    15-April-2012 at 1:19 am

    Asc salan mahda lacib hadan kahadlo fikirka winger waa sax waa qabiir isborti barca iyo real wey imanayan lakin su.aasha mesha katagan ayaa ah yaaqaadaya wey iska cadahay barca markii 5naad ayay qadayan barca viva messi viva

  5. Anteen Reply

    14-April-2012 at 10:39 pm

    Asc asxabta oo dhan wan idin salamay sandkan waa sanadki chelsea fc gul by

  6. jaangow Reply

    14-April-2012 at 8:33 pm

    arqsol badana real hday timado xita ciida lacunsina

  7. Mahdi Reply

    14-April-2012 at 8:31 pm

    Dadka qaar baa markii hore aamisanaa fikrad kale inta Wenger wax sheegin, Markii Wenger hadlay bay la imaanayaan waa sax, fikradiisa baan ku raacaya. Wenger iyo adigu laba qof oo siman baad tihin waxa dhici doonana waa qiyaas kaliya, adiguba lahow qiyaas kuu gaar ah. waliga hanoqon mid shaqsi iska aamina. koox aamin lakin shaqsi MAYA.

  8. bashka Reply

    14-April-2012 at 8:28 pm

    wan ku raacsanahay tababare wenger wayo wa qabiir kubada cagta ah balse tagerayasha real hadalkisa kuma faraxsana kkk barca ka cabso waxa suura gal ah in cabsi awgeed ay payer munich soo deeyaan kkk hala sabro barca wey difacaneysa koobkan laligana hal talabo ayan u jirnaa kkkk viva barca

  9. Seefey Reply

    14-April-2012 at 7:36 pm

    Cw ciyarti ahed maxa ku dhcy i shega walalayaal ciyarta real iyo barc e la ciyarayen koxa kale maxa helay barcvs levente iga jwb idin ko rali ah

  10. suudi (man utd) Reply

    14-April-2012 at 7:21 pm

    Wenger rabi ha u sahlo ciyaar uu tacliiqiyo kkkkkkkkkkk waligaa murugo ku waaaar

  11. Mahad napoli Reply

    14-April-2012 at 7:09 pm

    Mr bean koopkaan waxaa iskaleh barca taasi waa shaki la aan viva leo messi viva sergio aguero viva carlos alberto tevez

  12. cadnaan Reply

    14-April-2012 at 6:49 pm

    Wingar waa kugu raacsanahay fikirkaada real madrid waa naadi adag xitaa waa laga yaabaa in ay qaado koobkaan waxey heysataa laacibiin aad u yaqaano kubada cagta sida ronaldo benzema higwin ozle waxaan u rajeyneynaa in ay qaado koobkaan

  13. Caliyoow Reply

    14-April-2012 at 6:32 pm

    Sanadka wa sanadi england chelsea vs real

  14. C.khadar Jigjigaawi Reply

    14-April-2012 at 6:28 pm

    Sxboyalow koxba adag iyo koxba jilicsan malaha kubada cagtu tisa daryela tukale kudara marka wenger isaga arsenal uyaban wad arkaysen kobki africa zambia aya qadatay ivory coast o tagan ayay kahor qaden marka waxba kuma aha in ay finalka isugu yimadan CHELSEA VS REAL MADRID e hadalka waxba haiska dhamaynina

  15. Amati makhuti Reply

    14-April-2012 at 6:27 pm

    Kopkan waa kii magaca loga badali lahaay waxaana kuku lesanaa realmadrid GUUL Garim binzeema SERJIO RAMOS ASNE GUUL

  16. Caaqil114 Reply

    14-April-2012 at 6:07 pm

    asc dhamaan asxaabta soprtska, wenger hadalkiisa jaa dad baa u qaatay ineey real qaadeeyso barcana ayku hareeyso semi finalka, real sideey u badan tahay waxaa laga yaabaa ineey timaado final, inkastoo ay shaqo adag ayka horeeyso, garoonka bayerna lagu qaban doono finalka, tan barca micnaha waa terry iyo drogba ayaa ayaa qibrad u leh, laakiin ilama ahan ineey chelsea celin karto barca.. viva barcelona and abidal..

  17. Kabtan awcali Reply

    14-April-2012 at 5:55 pm

    Aniga hadan ra igeyga kadhibto waxa final imanaya .barca /bayer wayo kuma tagersani wenger wa iska hadlay la arki done .

  18. abdirizack Reply

    14-April-2012 at 5:52 pm

    kab kaan madrid ayaa leh wy cadahay

  19. C.qadir.cadde Reply

    14-April-2012 at 5:49 pm

    Waw mr biin manta ayu runta kahadlay waligis championkana waxa leh realmadrid guuul c.ronaldo and ozil k.k

  20. KHABIIRGA XAGA KUBADA CAGTA KOOXAHA Reply

    14-April-2012 at 5:44 pm

    CHAMPIONKA SANADKAAN WAXAA QAADAYA NAADIGA HAYSTA LIGAHA WAANA REAL CID KA HOR ISAAGI KARTAA KAMA MUUQATO KOOBKAANA WAA KEEDII 10AAD EE 10

  21. KHABIIRGA XAGA KUBADA CAGTA KOOXAHA Reply

    14-April-2012 at 5:43 pm

    CHAMPIONKA SANADKAAN WAXAA QAADAYA NAADIGA HAYSTA LIGAHA WAANA REAL CID KA HOR ISAAGI KARTAA KAMA MUUQATO KOOBKAANA WAA KEEDII 10AAD

  22. mahad.............(qaranimo) Reply

    14-April-2012 at 5:42 pm

    hadan fikirkayga ka dhibto way iska cadahay barcelona in ay final imaanayso , lakin real iyo bayer…………waxaa lagu qiimayn karaa lugta hore ciyaarta natiijada ka so baxda waayo labada kooxoodba ma shar yara waxayna haystaan ciyaartoy tao leh……………bal aan jaanis siino lugta hore natiijadeeda kabacdi marka ayaa la dhihi karaa kooxdaa ayaa so baxday

  23. Riise Reply

    14-April-2012 at 5:37 pm

    Wenger sadashadu la arki doone hadaad bayern ba yastay ada wax arki doone

  24. cabdale viva arsenal Reply

    14-April-2012 at 5:23 pm

    wenger qabiir iga dheh waa yaqaan ka waran kooxaha iskuugu imanaa cup ka insha alah waan arki dona macalinkeyga saadasha u baxshay all salaan asxaabta asrenal and laacib.net

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>